Advertisements

Amiirka Alshabaab oo Hanjabaad aan horay looga baray ay ka soo yeertay. “Maxuu Yiri”

03/04 02:110 commentsViews:

BALCAD MEDIA:  Horjoogaha Kooxda Al-Shabaab Sheekh Mukhtaar Abu Zubeyr Balse la yiraah Ahmed Godone ayaa maanta Kahadlay, Waxa uu ugu yeeray Duullaanka ay Ciidamada Kenya kusoo qaadeen Soomaaliya iyo dhibaatada ay Dadka Kenyaatigu ka dhaxleen, dhanka kalena ka hadlay Doorashada maalinta berri ah ka dhici doonta wadankaas iyo waxa dadka Kenyaatiga ah la gudboon.

Melateriga Kenya waxaa ay duullaan indha-la’aan ah kusoo qaadeen Wilaayaat-ka Islaamiga ah xilli ay Wilaayaat-kaas Islaamiga ah horseed ka ahaayeen horumar dhaqaale iyo mid ammaan oo ay dadka Soomaaliyeed gaareen taas oo xitaa saamaysay wadanka Kenya kadib markii Burcaddii ay yaraatay isku socodka ganacsiguna uu kordhay, qaar badan oo ka mid ah Qaxootiga Soomaaliduna ay bilaabeen in ay Dalka Soomaaliya dib ugu soo laabtaan. sidaas waxa yiri Sheekh Abu Zubeyr ama Ahmed Godoe

Horjooge Abuu Zubeyr ayaa sheegay in Dagaalku iyadoo weli uu hada biloow yahay uu dadka Kenya dhaxalsiiyay Dhibaatooyin ay ka mid yihiin ammaan-darro joogta ah, Hoos u dhac dhaqaale, iyo Shaqo la’aan, kadib markii Dhaqaalihii wadanka loo leexiyay dhanka Dagaalka, waxaana uu intaas ku daray in dhibaatooyinka sugaya dadka Kenyaatiga ah ay intaas kasii weynyihiin.

“ Hadaad Nabad Dooneysiin, Kala baxa Ciidamadiina Dhulka Muslimiinta ee ay ku duuleen, Ogaadana inaan Nairobi iyo Mambasa Nabad lagu seexanaynin inta ay Ciidamadiinu ku jiraan gudaha Wilaayaat-ka Islaamiga ah” ayuu yiri Sh.Abu Zubeyr.

Abuu Zubeyr ayaa Baaq u jeediyay Muslimiinta Kenya isagoo sheegay in a Maamulka Kenya uu Xasuuqyo waaweyn u geystay dadka Muslimiinta ah oo ay ka mid tahay Xasuuqii Wagaalla, midkii Gaarisa-Gubaay iyo Xasuuqyada ilaa hada soconaya, Sidoo kale in hantidoodii la dhacay, Culimadoodiina mid la dilay iyo mid xabsi ku jira ay noqdeen, Gobollada ay deganyihiina ay yihiin kuwa ugu liita dhanka adeegyada Bulshada, ayna yihiin Muwaadiniin kaalinta labaad ah oo aan ku xuquuq ahayn Kenyaatiga kale ee Gaalada ah, Xilli walba oo Doorasho ay soo dhawaatana loo sameeyo ballan-qaadyo been ah kadibna aanan waxba loo fulinin.

“ Waxaa idinla gudboon inaad arimahaas ka dhiidhisaan, Doorashada aad qaadacdaan, Ciidamada Kenyana aad la Jihaadaan, Waxa kaliya ee aad naftiina iyo hantidiina ku Difaaci kartaan waa Jihaad, Waxa aad ku heli kartaan Xuquuqdiina Waa Jihaadka, Jihaadkuna waa Sharafta Aduunyo iyo Midda Aakhiro” Ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay Amiirka Al-Shabaab.

Hadalka Sh.Abu Zubeyr ama Ahmed Godane ayaa kusoo aadaya Xilli Maalinta Berri ah Wadanka Kenya looga dareeri doono Doorashada Madaxtinimada.

Inta Jeer ee la Aqrisatay : 3242
Balcad Media Network
Email : balcad@live.com

Leave a Reply