• Home
    • Wararka Maanta
    • Arimaha Bulshada
    • Xogta Qarsoon
    • Ciyaaraha
  • Xidiga caankaa ee Zidane oo beeniyay Inuu Kooxda Chelsea tababare u noqon doono
  • Xulka Nageria oo ku Guuleestay Koobka Qaarada Africa. “Top News”
  • Hello world!
xidigta kubadle DAAW24 baner buug qeylo madaxda

link

SOMALI LINKS

  • Axadle.com
  • Balcad.com
  • Caasimada.com
  • Daawo24.com
SOMALI LINKS

CEEB: Ninkii iibsaday badda Somalia oo DF ay xil u magacaabeyso

February 3, 2013 - Waxaa Qorey : Cadde -

 Ilaga lagu kalsoon yahay ayaa  sheegay in dowladda Fedaraalka Soomaaliya ay damacsan tahay in ay xil u magacowdo Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo horrey xilal uga soo qabtay dowladihii ku-meel-gaarka ee soo maray dalka.

Arrintan oo maalmahan suuqa ku jirtay waxa ay si rasmi ah u soo shaacbaxday markii la arkay C/raxmaan C/shakuur Warsame oo ku jira wafdi madaxweynaha Soomaaliya uu hoggaaminaayo ee ku sugan magaalada London.

Illaa hadda si rasmi ah looma ogga xilka loo magacaabi doono wasiirkii hore ee xiririka iskaashiga calaamiga.

Laakin waxa la lee yahay waxaa uu noqon doonaa danjiraha dowladda Soomaaliya u fadhiya Yurub iyo Britain.

Waxa kaloo la sheegayaa in loo magacaabi doono ninka ugu sareeya ee qaban qaabin doona shirka bisha May ka dhacaya London, kaasoo madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha Britain ay isla qaban doonaan.

Waxa uu ka mid ah musharrixiintii isku soo taagay xilka madaxweynaha bishii September sannadkii hore.

Waxa uu tan iyo markii uu ku guul dareestay xilkaas ku sugnaa magaalada London ee dalka Ingiriiska.

Cabdi Raxmaan Cabdi Shukuur Warsame oo siyaasadda soo galay markii midowgii maxkamadaha islaamiga dabayaaqadii 2006  ay burbureen isla markaana ay magangalyo ka raadsadeen dalka Eretria.

Si kastaba waxa u weyn ee lagu xusuusto ayaa ah taariikhdii madow oo uu dhaxlay markii uu ka mid noqday koox wasiiro iyo xildhibaano ah oo Dowladda Kenya u saxiixay inay qaadato qeyb ka mid badda dalka Somalia.

Inkasta oo heshiiskaasi markii dambe ay nasaqee Baarlamankii KMG ahaa ee dalka iyo Qaramada Midoobe, haddana weli Kenya dhul badeedkii ay kula wareegtay saxiixaasi weli ayadaa heysata oo ka billowday inay shidaal ka sahmiso.

Inta Jeer ee la Aqrisatay : 382

logo4

5 Responses to CEEB: Ninkii iibsaday badda Somalia oo DF ay xil u magacaabeyso

  1. garaad yusuf says:
    February 3, 2013 at 02:11

    ileen tuugna waatuug afminshaarna waatuug koleey dabin buu kudhicidoonaa nin kii isku dayaa wax is dabamarin danbe soomaaliduna kuma ilaawi doonto

    Reply
  2. BUUNKA says:
    February 3, 2013 at 02:11

    SOMALIA BEEN KAMA DHAMAATO,,,AAWAY BADA LA GADAY ,,,HADII EEY DHACDANA WAXAA MASUUL KA AH SHIIQ SHARIIF IYO,,CABDIRASHIID CALI SHARMARKE,, WAAYO AYAGAA AMARKA ISKE LAHAA NINKAN YAAN WAXNA LA EEDIN,,SHAQSI AAN DANBI LEHEEYN YAAN LOO SAMEENY DANBI

    Reply
  3. buubaaye says:
    February 3, 2013 at 02:11

    ASC DHAMAAN SOOMAALIYEEY WAAD SALAAMAN TIHIIN WAXAAN KU DARSAN LAHAA FIKIRKEYGA KU AADAN HADALKA UU YIRI BUUNKA SXB QOF WALBA WUXUU MAS’UUL KA YAHAY MEESHII LOO DHIIBO MAAHAN MADAXWEYNAHA INUU MAS’UUL KAWADA NOQDO DHAMAAN XILALKA AY KA KOOBAN TAHAY DOWLADA SIDAAS DARAADEED WEY DHICI KARTAA IN UU KU LUG LAHAA ARINTA BADA LAGA GADEY KENYA MISE ISKU JUFO AYAAD TIHIIN SIDAAS AYAAD KU TAAGEEREYSAA ILEYN WAAN IS NAQAANAA SOOMAALIYA JUFO JUFO KAMA DHAMAATEE WAAD MAHADSAN TIHIIN DHAMAANIINA SXB BUUNKA HADALKEYGA QALAD HA U FAHMIN WAA UUN IGA SU’AAL IYO FIKIR DHIIBASHEE WAX KALE OO XUMAAN AH NAGAMA DHAXEYSEE WAAN KU SALAAMAYAA SXB SI QAAS AH

    Reply
  4. Socoto says:
    February 4, 2013 at 02:11

    Somalia horey ayaa loo cunay waane kufaraxsanahay in loo magacaabo xilkaas qaliga ah by cigaal

    Reply
  5. maxamed deeq says:
    February 4, 2013 at 02:11

    Asc aniga waxan qaba in aytahy been abuur dabad la ibasady mana jjirto hadise ay jirto ninkan shqqsi kamid ah dowladi shekh shariif ayu ahaaaa mahan in dusha laga saaro shaqsi danbi ay gashay dowladiii shekh sharif ani waxan kutalinlaha hal qof dusha laga sarin danbi ay gashay dowlad dhan

    Reply

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

live Baner Alldhacdo.com madin qurxiye
© 2011-2012 Balcad Media . All rights reserved.
Design by Madiina ICT .