Advertisements

Dagaal muddo kooban socday oo ka dhacay Magaalada Baladwayne.

02/02 02:110 commentsViews:

Wararka naga soo gaarayo magaalada Baladwayne ee gobalka Hiiran ayaa sheegaya in xaley uu halkaas dagaal kooban uu ka dhacay kaddib markii Al-Shabaab ay weerrartay fadhiisiin ciidamada dowladda iyo kuwa Jabuuti ay ku lee yihiin xaafadda Howlwadaag.

Dagaalka ayaa socday muddo 30-daqiiqo ah waxaana la isku adeegsaday hub culus oo u badan hoobiyaal sida ay sheegayaan goobjoogayaal ku sugan Baladwayne.

Faah-faahin badan lagama hayo khasaaraha ka dhashay dagaalka xaley ka dhacay xaafadda Howlwadaag oo ku taalla galbeedka magaalada Baladwayne.

Dadka ku nool xaafadda lagu dagaalamay ayaa maqlayay rasaas culus oo ay is weedaarsanaayeen dhinacyada halkaas ku dagaalamay.

Saraakiisha ciidamada Jabuuti ee ku sugtan Baladwayne ayaa sheegaya inĀ  dad rayid ah ay wax ka soo gaareen hoobiyeyaashii ay kooxda Al-shabab soo tureen.

Waana markii ugu horeysay ee ciidamada Djibouti ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM la weeraro tan iyo markii ay magaalada Beledweyne tageen horaantii sanadkii 2012kii.

Xaaladda magaalada Baladwayne ayaa saaka deggan in kastoo ay tahay xilli aroor hore.

Inta Jeer ee la Aqrisatay : 3197
Balcad Media Network
Email : balcad@live.com

Leave a Reply