Advertisements

Dhacdo La Yaab Leh: “Sidaan ma sameyn laheyd Aqristoow Adigu?..”

03/04 02:114 commentsViews:

BALCAD MEDIA:  Dhacdo yaab leh uu sameeyay Wiil u dhashay Dalka Hungary ayaa ku dhaqaaqay fal lala yaabay oo ah inuu Gabadha uu qabo ama Xaaskiisa ka tolay Afka.

Ciidamada Booliska Caasimadda Dalkaasi ayaa sheegay in Gabadha falkaas lagula kacay oo 45 jir ah ay ka cabanayso Xanuuno nolosheeda halis galinaya oo Falka lagu sameeyay uu soo gaarsiiyay.

Ninkii sameeyay Falkani ayaa waxaa haatan gacanta ku hayo Boolisku, kaas oo lagu eedeeyay inuu Haweeneydiisa kula kacay fal dhimasho horseedi karay.

Dhanka kale Wali lama garanayo sababta dhabta ah ee ku kaliftay Ninkan inuu Xaaskiisa Afka ka tolo. Waxase la sheegay in Falku uu ka dhacay Aqalka ay ku wada noolaayeen Lamaanahan.

Isku soo wada duub Wararku waxay sheegayaan in Ninka tallaabadan ku kacay qudhiisa uu la xiriiray Booliska kana dalbaday inay gargaar u fidiyaan Xaaskiisa oo markaas halis ku jirtay.

Inta Jeer ee la Aqrisatay : 3328
Balcad Media Network
Email : balcad@live.com

Leave a Reply