Advertisements

Dhacdo Naxdin Leh: “Sacdiyo Waan ka Quustay Guur Dambe….”

02/17 02:1128 commentsViews:

BALCAD MEDIA:   Magaca  Sacdiyo Xasan da’deedu Waa 19 jir wax ay dhiganeysay dugsiga-sare fasalka 1aad, waxayna is-barteen wiil ay daris ahaayeen oo lagu magacaabi jiray Farxaan Axmed, waxaana dhexmaray Sacdiyo iyo Farxaan xariir aad u wanaagsan xariirkaas oo ku dhisnaa Jaceyl, is-qaddarin, xushmad, wanaag iyo is-karaameyn.

Farxaan Iyo Sacdiyo markii ay wada socdeen muddo labo sano ah, ayaa waxaa la isku afgartay in la is guursado, sida dhaqanka iyo caadada u ah ummada Somaaliyeed, ayaa wiilkii Farxaan ahaa ciddiisii waxey soo doonteen gabadhii Sacdiyo aheyd wad- hadal dheer oo dhexmaray labadii reer kadib, waxaa la isku afgartay asbuuc kaddib in la isku guuriyo lammaanaha ummada inteeda kale iska doortay oo ayagoo isku qanacsan reerahooda u yimid.

Dhanka kale Sacdiyo iyo Farxaan mid waliba waxa uu dareemay farxad uusan garaneyn qaab uu u qiyaaso maaddaama ay u suurta gashay riyadii ay labada sano ku hamminayeen iney maalin uun gaaraan, balse, maxaa ka danbeeyay farxaddaas mise noqotay mid sii socota?

Markii la isku afgartay iney is-guursadaan Farxaan iyo Sacdiyo habeenkeedii ayaa waxaa soo yeertay hadal laga naxo kaas oo ahaa in Maxamed Xasan oo ahaa Sacdiyo walaalkeed ka weyn ay xabadi qalbiga kahaleeshay (wadnaha) isla goobtiina ku geeriyooday! Taasina waxey sababtay in farxaddii iyo dammaashaadkii ay Sacdiyo dhex dabbaalaneysay halkaasi ku burburto.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa la gaaray maalintii lagu ballamay inuu dhaco meherkii Sacdiyo iyo qaaligeeda, Farxaan, waxaana loo dhigay xaflad si weyn loosoo abaabulay isla markii ay xafladdii dhamaatay ayaa haddana qabar kale oo aan asna dhagaha u rooneyn soo yeeray kaas oo ahaa in wiilkii farxaan ahaa hooyadiis ay xabad wiifto ah madaxa ka haleeshay isbitaalka intii loo wadayna ay naf baxday! Waa markale iyo musiibo hor leh farxad lagu daray murugo waa yaab iyo amakaag aan horay loo arag! Wiilkii Farxaan ahaa waxa uu aaday meydkii hooyadiis si uu aaskeeda uga qeyb qaato.

Intaa kaddib, dib baa la iskugu soo laabtay waxaana la isku raacay maalmo kadib inuu dhaco arooskii lammaanaha farxadda iyo murugada marwalba isla socda dariska u noqday, intii la sugaayay arooska ayaa waxaa qalliin dhanka caloosha ah galay oday Axmed oo ahaa Farxaan aabbihii. Farxaan ayaa aabbihii isbitaalka ku baxnaaninaayay intii laga gaarayay muddadii loo qabtay inuu dhaco arooskiisa, markii la gaaray muddadii arooska, Farxaan wuxuu soo aaday xaafaddii uu dagganaa si uu iskugu diyaariyo arooskiisa uuna usoo wato gacalisadiisa Sacdiyo, si wacan buu u dhacay arooskii wuxuuna ku dhamaday sidii loogu tala galay.

Farxad iyo dammaashad ayaana lagu galbiyay Farxaan iyo Sacdiyo; muddo gaaban markii la joogay oo dadkii arooska soo galbiyay ay kala yaraadeen, baa waxaa dhacday in wiilkii Farxaan ahaa uu ku yiraahdo gacalisadiiso, Sacdiyo, alaab ayaan laammiga ka doonayaa ee I sii sug adoo raalli ah, wakhti lagu qiyaasay 10 daqiiqo markey kasoo wareegtay maqnaashaha Farxaan ayaa Sacdiyo waxey maqashay cod qof dumar ah oo ku celcelinaaya “Alla wiilkii arooska ahaa waa dhintayey! Baabuur ayaa kala gooyay!”

Sacdiyo waxey iska dhaadhicisay waxaas waa dhagahaada iyo sheydaan ee sheydaanka iska naar wax dhici kara maahane, balse, waxaa gurigii soo galay gabar ordeysa oo leh “Alla Farxaan ma noola! Baabuur ayaa maray! away Sacdiyo?”

Ummaddii ayaa halmar dhanka laammiga u oradday laakin, waxba meysan arkin oo Farxaan isbitaalka ayaa loo qaaday saacado kaddibna halkaas ayuu ku ruux-baxay! Wiilkii arooska ahaa isagoon xataa hal habeen la seexan gabadhii Sacdiyo aheyd!

Sacdiyo umma aysan suurta galin iney booqato isbitaalka wiilka la dhigay amaandarrada ka jirtay magaalada darteed iyo isbitaalka oo ka fogaa, habeenkii oo dhanna meysan seexan oo waxey ku hadaaqeysay, “Haa waa beentiin Farxaan muusan dhimman aniga ayaa hadda gacanteyda doolshe ku siinaayay” iyo hadallo la mid ah oo murugo xambaarsan.

Subaxii markii la gaaray bey booqatay isbitaalkii ummaddii oo dhanna wey ka rumeysan weyday inuu geeriyooday lammaniheedii ay dunida ugu jecleyd si ay u quusatana waxaa la geeyay qolkii meydkiisa lagu dhaqaayay indhaheeda ayayna ku samirtay! Inaa Lilaah Wa Inaa Ileyhi Raajicuun!

Inta Jeer ee la Aqrisatay : 32100
Balcad Media Network
Email : balcad@live.com

28 Comments

  • Mohamed

    Wallahi waa arrin naxdin leh waase haddey dhab tahay haddise dadka lagu madadaalinaayo wax dadka loo sheegaa mahan wax haddi umadda loo dheegaayo wax lagu farxaa loo sheega ee wax laga naxo umadda lama soo gaarsiiyo

  • Farah noor

    Samir iyo iman allaha siiyo

  • sharmake

    wlh waa Arin murugo iyo xanun xambarsan waana imtixaan aduunyo samir iyo xusuus alle ayana loga gudbi karaa. Intas kadib hadii ay shekada dhab tahay sacdiyo qalbigeda alla iman ha ugu buuxiyo balse hadii madadalo iyo been tahay qof qoray waxaan leeyahay walal alla u towbad keen umadane beenta iyo argagaxa ka dhaf wblh towfiq

  • Saciid ali

    Hadey bentahay danbigeda qata hadey runtahana waxan leyahay allaha unaxaristo inti dhimatay iyo umada muslimka ah sacdiyo waxan leyahay samir iyo iiman allaha naga wad siyo haka qusan gurka rabi lagama qustee ogow wala wada socdaa

  • Sacid

    Walahi waa arin laga naxo oo murara dilac wata lkn samirka aya muhim aha ee wa in lasamra

  • maryan

    Hadey run tahay waxan lenahay Allaha u naxaristo inti dhimatay hadey been tahayna Allaha idinka cafiyo sacdiyo waxan leyahay ha qusan gabar yar batahay ogowna raxmada Allah lagama qusto
    wblh towfiq

  • baraa binu cali

    samri &imaan alla haka siiyo lkn hadii been tahay qofka soo qoray alla haka cabsado beentu waa xaran

  • zakariye

    walaal sacdiyo ilaah ha u naxarsto seygada khaliga ahaa sacadiyo walaal xiro calosha oo kusabar walagugu fiislrin sabar kaaga walaal ilaah hakugu badalo farxad wcn walaal nolol wcn qer an dhaman walaal sacdiyo

  • mahamuud

    waxan leeyahay inaanilaahi wa inaa ilayhi raajicuun waa arin naxdine lakin samirkooda ayaa lagu eegayee iska samir dhe gabadha

  • axmed kooshin

    inaalilaahi waa inaa ileehi raajicuun dhamaan allaha ha u naxariisto alle ayaa mahad leh halagu samro allaah dhimashada waa xaq waana lawada dhimanaa dhamaan

  • Nuur abdi

    Inaa lilah wanaa raajicuun

  • alle amiin

    alle ha uu naxariisto intii dhimatay noole kasta oo aduun ka la keeno waa dhimanaya mida kale musliminta alle waa itixamaa hadii oow doono xanuun naxdiin saboolnimo inta oow aduunka ugu jecelyahay oow alle ka qaado marka gabadha waxaan kula talinaya in eey firiiso tariiqda hadii oow jiro wiil eey hore balan uga qaaday cafis ha weydiisato mida kale inta eeysan guurdanbe gelin mudo 3dax malmudha haa soonta allena haa bariido yeysan amiinan waxaa tahay tooka feero ama qof nasiiib daraan

  • Jalawe

    Wlh wa arin naxtin leh walashay waxan dhihi laha iska samir ilah waxba ku wen mayo

  • Abdulghani Sheikh Abdullahi

    inaa-lilaahi wa ina ileeyhi rajucuun waa arin murugo oo xanuun badan oo laga noxo aad iyo aad ayaan uga xumahay waana uga taxsiyadeeynayaah gabadha
    layiraahdo sacdiyo waxaan ku leeyahay ilaah kaa siisiyo samar iyo iimaan hilaah hakuugu badalo midkaqayr badan aamiin .. waxsan hads u daadagayaah pointgeeyga oo ah qisadan BALCAD MADIA waxaa leeyahay hadii ay arintan aytahay qiso runah oo aysan kujirin been abuur walaalayaal waa loobaahanyahay inaad noo soogudbisaan arimahaan oo kale waa arin wanaagsan . BASE HADII AYTAHAY MADADAALO OO HALAQRISTO MAQAALKAN ILAAHEY MAJECLA KUWA KUQARAABTAH BEENTA WAANA ARIN MUNAAFAQNIMO EE U TOOBADKEENA ILAAHEY SUBXAANA WATACAALAA MARDANBANA HA QORININA MAQAALKAASA OO KALE .LAAKIIN HADII AYRUNTAHAY WAANU SOO DHAWEYNEEYNAAH [BACAD MADIA . WAXAAN HADEYKEEYGA KU SOO GABAGABEEYNAYAAH WABILAAHI TOWFIIQ .

  • gaaldile

    waxaan filaayaa ineeysan waxaan suura gal aheeyn because waa wax leesku aad aadiyay sacdiya walaalked aya dhintayfarxan walashiis aya dhimatay hoyadii aya dhimatay kadibna asaga ayaaba dhintay waxaas waa meesha banaan buuxi iyo beenta ree balcad wep so waxaan leeyahay beenta dhar u galiya

  • hussen yare

    Wlhi waa mucjiso yaab&naxdin &murugo intaba leh balse waxan kula talinaa sacdi haka quusan naxariista rabbi

  • hussen yare

    Sacdiyo samar&imaan alla hakaa siiyo hana kaquusan naxariista rabbi

  • kamasyare

    Ilailahaye waa in ilahaye rajicuuun waa amar eb un markasa waxa mahad iska leh eb

  • nimco

    inaa lilaah wa inaa ilheu rajucuun sacdiyo walaal samir iyo imaan alahah kaa siyo dhimashadu waa na wada sugeee walalo samir insha allah guurkane haka quusan aduunyadu wa imtixaan raxmada rabi lagama quusto wabilaahi towfiiq

  • xamdi

    inaa lilaah wa inaa ileyhi rajucuun sacdiyo walaal samir baa lagaarabaa aduunkaan waa imtixaan walaal guurka haga quusan waa lagugu imtixaanayaaa marka samir walaalo ilaahey towfiiqda hagu wafajiyo

  • Cali cumar

    Alaha unaxariisto sacdiyo

  • maxamed deeq

    Wa arin xanuunbadan naxdintiisana wata ballse in ay runtahy maxa cadeyn loo haya websitetka balacd run noshega ilaaliya qeynuunka qoralka

  • caliyare

    inaa lil wnaa walhi wa arin laganaxo samir iyo ii,maan alah kasiiyo sacdiyo

  • Cabdirixin

    Wax isjecel isma calfadan

Leave a Reply