BALCAD MEDIA: Sida uu soo Warinayo Wariyaheena ku Sugana Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ayaa sheegaya in Dhacdo la yaab leh ay ka dhacdey magaalada Muqdisho, kadib markii gabar baadi goobeysay lamaanaheeda looga kala cararay maqaayad ay soo gashay.
Haweeneeydaan ayaa waxeey wadatay Indho Shareer waxeey ku soo leexatay Goob dad fadhiyay oo maqaayad ah, iyadoo dadka halkaasi fadhiyay uu ka mid ahaa wiil dhalinyaro ah oo maalmo uu joogey magaalada.
Sida ay inoo xaqiijiyeen Goob joogayaan ayaa sheegay in Wiilka ka argagaxay gabadha indho shareerka wadata ee ku soo socota ayaa ku cararay gudaha maqaayada oo markii dambe ay ka daba gashay, iyadoo dooneysay in ay la hadasho, hase yeeshee isaga uu u heysto in ay dooneysay in ay is qarxiso, Taasi oo keentay in dadkii goobta ku sugnaa ay laftooda cararaan, ayagoo ka ordayay wixii uu wiilki arkey oo aysan si rasmi ah u fahamsaneyn.
Isku soo wada duub Goor dambe ayaa la ogaadey in gabadha aysan miineysneyn, kadib markii rag qoryo watay ay qoryo ku qabteen, lana baaray, hase yeshe gabadha oo argagaxsan ayaa sheegtay in wiilka oo ay u heystay wiil xiriir uu ka dhaxeeyay oo dalka ka maqnaa, mudana ay ay weysneyd uu ahaa.
Inta Jeer ee la Aqrisatay : 3216
kkkkkkk wa yaaab waxbaa meesh ka dhacay
kkkkk. Allaw umuurta sahal
qoof waaliba waa oordilaha
illaho dhiib taa naa gaa reeb
Kkkkkkkkkkk wallee waa yaab dadkii wadnihii baa caddaaday sidii loo qarxinaayay o loo leynaayay marka wa ay ku qasbanyihiin ineey cararaan
Qarax waaye waxa qurbaha nageyay qadir weyne ilaah ayaan qer ka rabnaa
asc dhamanitin runti waa arin layab leh balse waxan leyahay marka hore kacarara wadsaxantihine marka xigta ha iska cararin kaliga dadka kaleba naf ayey leyihin ee markad aragtan waxad kashakisan dadka u wada shega kadibna carara si dadka oo dhana ey u badbadan idina ad u badbadan all,thanks
asc dhamantin k.k.k ar wayaabe se nagaha loshukansan rawa hadi laga kala cararo
Asc muqdisho naagihii.oodhan indha sharer ayey qaaten see lookalan dooran doonaa waabayaabe lkn waxay udarantahay qurbajoogta raba inay sidegdegah kuguursadaan
alaa marki horay muxu naxay marki dambana u farxay.kkkkkkkk
K k k k caadimaahin waa qiso layaableh
Shekadan ma ahan mid sax ah wana mid logu danleyahay inlogu gefo gabdha somaliyed oo muxsininta ah e uhogansan sharciga islamka kanafogaday isqawinta waxan idin dhihi lahaa hakadhowro sharafta gabdhaha somali
Alow sahal amuuraha somaliyana kadhig nabad
Taas waxay caddeyneysaa sida dhalinta soomalida ah ee dibadda ku soo dhashay ay diintooda uga fog yihiin iyo in meshaa aysan ka jirin maamul laysku haleyn karo maxaa gabadh muwaadhinad ah oo qoryo lagu qabanayo iyo aadaab darada qoryaleyda muqdisho taas waxay tilmaan u tahay in dad badan sidaa loo dilay macnaha tohan cid ka daba tagtana jirin waana dhaqan kuwa nabadsugidda isku sheega ay shacabka ku sameyaan iyagoo iska xeran,dila amaba haday naaga yihiin kufsaday ama haday is furan karaana lacag doolar isku furtaan.haddaba waxaan ku talinayaa in diinta la baro ciidanaka iyo madaxdooda aan diinta waxba ka aqoon si looga nabad geliyo shacbiga oo dhibaatooyin la soo daalay.
Wlh waa yb wana wax laga farjaco wax an leska hubin in laga cararo hadane gbdhaha xijaban hadi laga crarayo o asturan kuwa qaban miya lo carara he kakakak
Way fiicantahay in la digdoonaado mar walba balse wa in wax lahubsado wayo hubsino hal ba lasiista, Thanks 2 all.
asc dhamaantin wa arin layable maha in been laga cararo gabadha muslimada in qoray lagu qabto iyadon denbi gelin oo lagu marmarsiyodo xijaabkeda iyo indho sharerkeda wa qalad lga gelayo diina islaamka iyo gabdhaha somliyed
Kkkkkk dadkii qarax aya lagu la yay ya aminayo
Asc dhaman umada somaliyed waxan dhihi kara wa arin layab leh qofkasto o aqriya qisadan layab kunoqodonto wblh twfq