Advertisements

Gabar Soomaaliyeed oo Dalbatay in Talo la siiyo. “La Tali Aqristoow”

02/27 02:11104 commentsViews:

BALCAD MEDIA:  Sida Warqabadka Shabakada Balcad.com soo gaaray Dhambaal Qoraal ah oo ka socda Gabar Soomaaliyeed oo dooneeysa in aad la talisaan ayadoo idiin soo bandhiganeyso dhibta heysata.

Gabadhaan Soomaaliyeed ayaa Waxey jeclaatay oo ay dareen culus u heysaa nin xaasle ah balse waxa ay ka cabsi qabtaa in ay dulmi iyo danbi ka gasho xaaskiisa sidoo kalese kama maaranto in ay maankeeda ka saarto ninka ay jeclaatay.

Qaabka & sida ay u jeclaatay wiilka ayadoo ka sheekeeyneysa waxeey tiri.

Xili ku dhow Muddo sanad iyo bar laga joogo, waxaan is baranay nin, waxaan ka warqabay in uu ahaa qof xaasle ah, isaguna sidoo kale wuu ii sheegay inuu leeyahay xaas, muddo bilooyin ah markii aan si walaaltinimo iyo bulsho nimo ah isku naqiinay waxaan dareemay in aan dareen jaceyl oo daran aan u qabo wiilkan isaguna sidoo kale marwalba wuxuu ii muujin jiray in uu iga helay isla markaana uu si aad ah ii daneynayo.

Wax kasta oo dalaal ah waan sameeyay si aan uga fogaado inta tabarteey ah, Balse anigoo ixtiraam iyo bini aadinimo u fiirinaya xaaskiisa isla markaana aanan dooneyn inaan reer dhisan oo dhaqan aan ku noqdo musiibo u sabab u noqota dumistiisa.

Si kastaba aha ahaatee  arinka yaabka badan ayaa ah in uu marwalba ninkani ii sheego in uusan ku qanacsaneyn xaaskiisa isla markaana uu dhibaato kala kulmo, waxa uuna intaas ii sii raaciyaa marwalba in aan ahay qofka uu jecel yahay isla markaana uu doonayo in uu la aas aaso nolol cusub oo raaxo iyo farxad leh.

Isku soo wada duub Gabadhani Waxaa  heysata madax xanuun iyo daal fara badan waxa aana dareensanahy danbi waan ogahay meesha in uusan boos iiga banaaneyn sidoo kalena waxa aan sameynayo aysan aheyn wax sax ah ama wanaagsan, balse qalbigeyga iyo maankeyga ayuu si fudud ku kasbaday ninkani waxa uuna sidoo kale ii sheegaa in uusan xaaskiisa ku qanacsaneyn.

Bal aqriste adigoo mahadsan maskax iyo talo wanaagsan igu kordhinaya.

Ila tali maxaan sameeyaa?

Soomaaliya weyney sidee baan wax yeelaa?

Fadlan adigoo mahadsan qeybta hoose ee Comments-ka usoo marsii
taladaada iyo sida ugu haboon ee gabadhani ay sameyn karto..

Fatah Adan (Leejo)
Wariyaha Arimaha Bulshada.

Inta Jeer ee la Aqrisatay : 33009
Balcad Media Network
Email : balcad@live.com

104 Comments

  • asc walal marka kobaad waxaanahay umad muslim ah allana waxuu noo soo dejiyey diin qeyrkuna meesha uu ku jiro adiga ma taqaanid alle ayaa og
    waxaa iga tala ah hadii ninkaas uu ku qanciyey adiga oo shaqsiyadiisu fiicantahay ha u fiirin in uu naag kale qabo waxaa laga yabaa marki oow adiga ku guursado iyoduna in eey is bedel wanaagsan la timaado islamarkaasna gurigaas aad sabab u noqoto wanaagiisa adigana ninkaan alle kaaga dhigo mid aad ku qaboowdo , ma aha marki aad adigu qoyska ku soo buurto in la kala tegaayo ,adiga xataa waxaa laga yabaa nin xaasla ah in uu kuuu fiicanyahay,maxaayeelay dadaal hada kaa maqan in aad barato ayaa laga yaabaa ,
    adiga ayaan rabaa in aan su,aal ku weydiiyo hadii marki hore aad diidaneed in aad guursato nin xaasle ah waqti heeska dhumin anagana hana daalin allle ayaa 4 u baneeyey rago ee dhaqanka gabdha ku nool reergalbeeda ayaan kaa dareemayaa ee hadii aad somalia joogto hadi gurigaada dhaqo hadii aad ku noooshahay yurup ama america caafimaadkaada adoga ayaa yaqaan thanks iman

  • asc dhaman tiina waan idii salamay horta salan ka dib aniga waxaa idiin leyahay gabadha walashayn mid ayaa u furan in ay u shegto ninka xaskisa in ay jaceshahay wayo marba haddey jaceshahay ninka isagana uu jaceyl yahay in ay is guursadan wax ka fican malahan hadii taas dhici weyso waxey sameyneysaa in ay iska jarto xiriirka ka dhaxeyo wayo ma ficna in reer dhisan la dumiyo diinta islaamka ma qabto lkn ninka ay jaceshahay haka dhadhaciso in xaaskiisa ka dhameysto in xaas kale la guursan rabo markas waxii kasoo baxo firi ayaan leeyahay aniga oo fikirad ku darsanayo walaliyaal

  • garaad yusuf

    ASC WAXAY ILA TAHAY GABADHA SOMALIYEED EE DEENAY SO IN LALA TALIYO WAXAAN LEEYAHAY ILAAHAY RAGA WAXAA UU UBANEEYAY 4 AFAR DUMAR AH IN AY GUUR SADAAN RASUULKEENIINA WUXUU YIRI BADIYA GUUR KA ISAGOO MAR KAAS RAGA LATALINAYO MAR KA OGOOW IN AY ARIN TA GUUR KU AY TAHAY MID ILAAHAY UU RAALI KAYAHAY SIDAAS DARTEED GUURSO NINKA AAD JECESHAHAY EE ISNA KUJECEL HADII AY DHAB TAHAY

  • Hassan

    Subax wangsn dhaman muslimiinta melkasta ey jogan anigu waxey ila tahay ino alle ninka raga ah u baneyay 4 naag marka waxan dhehi gabadhan somaliyed iska guurso jecelkaga mahadsaniden balcad.com wa bilaahi toofiiq

  • asc salan ka dib gebedha walasheydi waxan leyahay ninka muslimka ilah afar ayu u baneyay mana ahan hadu ku gursado wax danbi ah musliminta wa in ay gurka badiyan gurka batay waxow ku ido u leyahay musliminta maxa yelay islamka aya ku badanayo hada hada tahay qof danaynayo in ow gursado ninka ad jeceshay maafi mushkila shap shap waye

  • qadra

    ASC, salan kadib walashey waxan ku shegaya inad jeclan kartid xata nin qaba sedex xaas lakin wexey su aashu tahay hadii aad aminto erayga ah kuma qanacsani xaaskeyga, oo ad gursato. beri hadu mitkale jeclaado wuxu leyahay xaaskeyga kuma qanacsani, markaas ayad ogandonta xaqiiqad. afar ayaa u banaan waa run lakin aqliga ha shaqeyo nasiib wanagsan ayaan ku rajeynaya

  • wadani

    masha allah walashey waan usheegi lahaa in ey jeceylkeeda guursato hadow nolosheeda debera karo ok by

  • muriidi maye

    asc walal adiga waxba kama sarno waninka qofka layiri hadad awodo gurso hadad cadalad sameynkarto gurso adse tankusaran wa hadad rabto guurso wa hadad jeceshahay marka maba aqano waxa ad talo uradineyso hana kawalwal qabin hana sababin gabadhakale ineykalatagan hala maserin ado minyara mahadsanid

  • shoomac

    balcad sa usoo soctay ben weyn miyaa leeday fikir ka dhiibta
    war ama hal xiraale murti yey san noo soo qora
    ama been tan xoogaa karoon

  • Alcadala

    Asc all hadan fakarkega kadhiibto wiilka aad iyo aad ayu u qal dan yahay wana doqon naag wa la jeclada nika raga ahna 4 aya ilaah u baneyay muxu xaaskiisa afaraheda uga shekeynaa o u leyahay kuma qanac sani xaaskeyga wa doqon e ka fiirso nikaas beri mid kaa fcn ayu helayaa adna afarahaga dhan ayu uga sheken o kuma qanac sani ayuba laso tagan yahay yaaaaaaaaab.com

  • ajuuajuu

    ASC WR WB
    ANIGA WAXAAN DHIHI LAHAA OO IGA TALO AH IN AY GUURSATO MAXAA YEELAY GUURKAAS WAXAA LAGA YAABAA IN UU QEYR UYAHAY MA AHAN OO KALIYA IN FIIRISO XAASKA KALE EE UU QABO IYO WAXA IMAA KARA HADII AY GUURSATO OO AY DHANKA QASAARAHA KALIYA KA EEGTO EE WAA IN AY WANAAGANA KA EEGTAA GUURKA AYAANA QEER KUJIRAA
    WABILAAHI TOWFIIQ

  • zakariye

    walaa shey wxn kugu latali nayaa in ad ka dherato rerkaa ama ad sameso sidan kacodso wilka in u isku kin dhaqo 2diina usan furin xaskiisa hore uu hesto adne uu kuhanto weyga talo hadii kale kadherow rerka dhaqmayo wall

  • ASC

    Dhamaan walaahan somaliyed

    dhaman walaalaha musliminta ah gabdhaha muslimaadka ah

    salaan kadib walaal aniga fikirkayga gaaban waxay ilatahay inaad guursato adigoo kafiirsanaayo hadhow shalaygu waa xunyahay rijaalkasta oo muslim ah waxaa loobaneyay 4 xaas walaal asaga ayaa lagadoonayaa inuu xaliyo xaaskiisa hore unasheeg reerkaas hadumin dheh markahore hakalatashto hana usheego hana kuyiraahdo waxaad rabto maseer tir ah waalagusiinayaa lkn waan guursan teedakale usheeg ha iiga sheekayndheh xaaskaaga arimeheena aan kumashquulno towfiiqda allaha kuwaafajiyo

  • C/risaaq cali

    Aniga waxan kudhihilaha jecelka adshepeyso hadi udhab kayahay talo uma bahnid lakin hadi uu rabitan kaliyaad rabto ninkani talo walagu haya laba arimnd midod same tankowad wa in adshrud ugu dhigta in uu kubara xaskisa una kuqanciya gurkada iyado rali ahna ad isgursatan tanlawad hadi ufulin wayo tikowad wa in ufura xaskisa wen kadibna u adi kugursada adiganaj diyar unoqo in lagu furo hadi midkale ay kahesho sida adiga ad ugu heshay hadi labadas arimod midod usansamenkarin adiga goankadrabto qado ifcal mashi tum

  • Joodarii2@hotmail.com

    Asc aniga waxan kulala talin lahaa iskagurso wayo sharciga aya kubanaynayo mahad sanid waxa qoray anigo c/qadir mohamed osman

  • Abdulahi maxamed barre

    Asc oll asxabta balcad.com
    sln kadib gabadhaha waxan leyahay nin ha’aminin qalbigaga kasar whyo gabdha hada uqawo jecel ayu ku gursaday laga~yaba iney ilmo uheyso. Hada sida ayada u unacey ayu adna kunacaa. Adi asiga waxa ku ilowi karta wa in ad barato wilka o ad sodhawesati adna u mujisid daren farxaded sheko iyo qosal ad wilka cusub laqadati wa hubal inad ki hore ilawesid. Nin ha’aminin marku kadhamesto ayu kunaca. Tana adi dankugu majirto.

  • maryan

    asc dhaaman walaalah somaaliyeedow aniga ra.iyi ahaan waxaa ku dhihi lahaa marba haduu ku leeyahay xaskeega kuma qanacsani ka fogoow waayo haduuba xaaskiisa wax ka sheegay adne maxaad ka filan

  • wa yusuf macalin

    Asc ani fikiradeda hadan ka hadlo horta ninka in ay gursato wax ka manciya majiran wayo alle ayaa u baneyay 4 lkn hal shay kuma qancin o ah xaga wilka. Ninka ka shekenaya nagtisa afa raheeda gabadhana wu ka sheken hadu kawayo surabay marka gabadha waxan dhihilaha sifican oga firso ninkaaas una kuqaadin hami bas tusale gabadhan ka horesay marki u gursanayay waxu shegi jiray in u jacel yahay gabdhahana ay u horeso adna ku xisabtan tas caml wabilahi towfiq

  • Minhaash bin fazul

    Walaley horta ma ficno in reer dhisan la dumiyo lkn sidan ognahay ilahay ninka raga ah 4 ayu ubaneyay ha u aba yelin hadalada xaskisa qof dhibateysan wa adiga ee nin gurka ka dalbo bye

  • axmed kooshin

    a.s.c. Dhamaan waad salaamantihiin asxaabta teeka kale hada ka hor ayaa waxaa dhacday nin ayaa naag shukaansanaayay waana nin xaasle ah tii uu shukaansanaayay ayuu dhahay xaaska aan qabo waan furaa adi ayaan ku guursanaa gabadhii waxey arintii u sheygtay aabaheyga aabaheyga wuxuu dhahay adine biri sidaan ayaad mareysaa marka ka leexo marka ani kooshin ahaan aad ayuu iila qaldanyahay ninka wax ka sheygaayo gabadhii nafteyda ku aamintay gawar yahey inta aadan falin ka fiirso

  • asc muslimiinta dhamaan. walal noqo bahyar hada jeceshahay ninka hadii kalana runta u sheeg lkn haku fikiran in aad reer dhisan burburisid

  • ASC, walaalayaal waan idin salaamay salaanta muslinka asc salaan dabadeed waxaan gabartan kula talin lahaa inay iska hubiso ninka hadda gabadha uu qabo leh waan isku xunahay, waayo qooska sirtiisa banaanka looma saaro ilaa ay banaanka soo baxado oo la qarin waayo , marka waxaan ku leeyahay yaan shabeel naagood ku hodin ee wax hubso, arinta guurka kuma qaldanid haddii aad nin xaasle guursato haddiise aad ishubto guurso ninka aad jeceshahay

  • abshir

    walashay ha u dhawani rerkas.jacelka ad shegaysid ee adledahay wan u qaba dhibatada ad u gaysanaysid reerka kale kabadan.walashay rag alla badiyay ka doon doono melkale
    teeda kale lamajoogo hada xiligii la oran jiray afar aya raka lobaneyay waa runtaa lakin walal nolosha way adagtahay ,shaqo la an aya kajirta dalkayna,furinka wuu batay waxa sab u ah wax la anta marka abayo aniga majecli rotiga iskaba yar inat laqaybsatit caruurta kale e laga yabo inuu ninkan dhalay.abayo bila calayk ha ee iigin jacelka adsheganayso ee eeg waxa an ka hadlayo.

  • Doqon:

    Asc dhan asxabta salan kadib waxan ku dhihi la,hay jeceshahay wax e diinta u dhimeso ma lahan ilen ninka raga ah ilahey aya afar u baneyay marka gursto wa mabrug k,k,

  • Doqon:

    Asc dhan asxabta salan kadib waxan ku dhihi la,hay jeceshahay wax e diinta u dhimeso ma lahan ilen ninka raga ah ilahey aya afar u baneyay marka gursto wa mabrug wlh wa la mushkila

  • axmed kaafi

    kkkkkk kkkkk kkkkk kkkk

  • intisaar

    ASC wixii aan dhihi lahaa horaa loo dhahay waayo shareecada islamka ayaa qabta in ay 4 banaantahay lakin maqabto in la,bahdilo xaaska 1 walaaleey hadii aad tahay talo doon somali ayaa tiraahdo kor biliseed kabo isma dheera adiga iyo marwada kale isku mid ayaa tihiin barina wadadaaslee maree marka adigaa goanka iska leh walaasheey ahlan wasahlan

  • shuutaale

    Asc salan kidib walashen horta abshirta alaha wafajio amiiiiiiim. Mida kale gabadha jcl wili mahayo dareen cashaq baa hayo wayooo jcl. Mayaqaan kan xaaslow weyan ama waa faqiir waa cuuryaan. Waa cudur dilaa ah dawadisana waa guur. Marka walashen waxan oran lahaa ha guursato jclkeda asc

  • Carab cumar

    Asc dhaman umada somaliyed waxan leyahay ninka ragaa waxa ubanan 4 e gaba dha jacel keda yesan layicin asc

  • cisman from balcadtown

    asc wr wb sln kdb hadan wax ka dhaho qisada jebka wabset-ka balcad.com madhicinee hadee taasoo kale ee gabar ku dhacdo talo uma bahna waxa talo ku filan inee ka fogaato maxa yeelay ninkas hadaladiisa ah kuma qanacsani xaaskeyga! taasna ma aha wax qufaad damac kaleedahay loogu shekeeyo nin xumihiisa kuu meeriyayna inaad sii jeclaato taasi jeceel maahee waa waali dey anigusa daawan u haayaa waa hadii ubaahantahay quftaasi they are can contact me this amail. Balcaaad@hotmail.com

  • Abdi ) walaashay waxaan kula talin lahaa danbi maaha in aad guursato ee hadii xaalku sidaa yahay guurso wiilka

    Walaashay waxaan kulatalin lahaa nin ka muslimka ah waxaa ubanaan afar nagood danbi ma aha hadii aad gursato ee hadii aad ku qanacday gurso yaan kuleehay

  • uurka waa barako. Haddiiba aad Jaceel qabto waad caafimaad qabtaa. ka faa’deyso caafimaadkaaga ee guurso ninka adigoon ka shakinin. haddii kale mar kale kuma soo mareyso fursadaan waayo sameynta Jaceelka ayaaba wakhti badan u baahan, mana filaayo xilligan xun oo lagu jiro awgeed inaad isku hesho caafimaad qab iyo jaceyl qof loo qaado. sidaa darteed waxaan kugula talin lahaa ka faai’deyso Wakhtiga jaceylka hadda ku hayo.
    Kheyqabe

  • ASC Waxaan oaran lahaa 3 Talo mida hore ninka waxaan oran lahaa waa Doqon maxaa yeeley xaaskiisa xanteeda iyo wax ka sheegeda ayuu ku shukaansanayaa gabar kale una caynayaa taasu waa DOQONIMO nooca loo yaqaan ka fogow haku qasaarine. 2.Gabadha leh ila soo taliya hadeeyba jirto talo waa tii ilaah lakkin hadaad garoob tahay iska biyobiyeeyso ninkaas laakiin hadaad gabar tahay ka fogoow. 3.Websaytka Balcad.com waxaan idin oran lahaa anigu waxaan ka mid ahay ragii waayo waayo Xamar kusoo koray oo waxna ka bartey waqtigaas sheekooyinkaan oo kale waxaan ugu sheekayn jirney dadka fadhiista qaybta KATANGAHA ee ISTAADIYO MUQDISHO wabilaahi towfiiq sc.

  • Caaisho

    asc wrwb gabareey nin xaaskiisa kaaga sheekeyay oo kugu dhahaya xaska kuma qanacsani waa nin xun ku bishaareyso adna markuu ku guur sado oo gabar kale arko inuu saasoo kale ku dhihi doono gabadha cusub oo kaa danbeysa waligaa ha.aaminin nin xaaskiisa eedeeynaayo awal xaskisa musan guursaden haduusan ku qanacsanen aduu rabaa inuu kugu soo xero galiyo sanado ka dibna suu tan ugalaayo aduu kuu galaa dul qaadkeeda lahoow hadad gursato eenan aheen hadaAD Fududahee nin aan xaas laheen baro kan iska,daa baan ku dhihi lahaa

Leave a Reply