Advertisements

General Muungaab oo Xukuno Adag ay Maanta ka Soo Baxeyn.

02/22 02:11. 1 commentViews:


BALCAD MEDIA:
  General Mungaab Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta xukun ku riday labo askari oo katirsanaa ciidamada dowlada Soomaaliya iyo Ahlu Sunna Waljamaaca.

Gen Muungaab ayaa dil toogasho ah ku xakuntay Dable X.D.S C/laahi Cabdi Max’ed oo ku dhashay gobolka Banaadir kana tirsan ururka 4-aad ee ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya markii maxkamada la horkeenay cadeymo iyo marqaatiyo, waxaana uu dilay marxuum Faarax Cabdi Cumar oo uu toogtay 29/11/2012.

Dhanka kale Sidoo kale Maxkamada ayaa labo sano oo ciqaab ciidan ah ku xakuntay Dable X.D.S C/laahi Tifow ku dashay Muqdisho kana tirsanaa ururka ahlu sunna kaasoo si bareer ah u dilay dhibanae marxuum C/kaamil Max’uud, hase ahaatee waxaa sida shareecada islaanmka ay qabto ku heshiiyay in la iska cafiyo ninkaas labada qoys ee wax laga dilay iyo kan wax dilay, waxaana labo sano kadib laga sii deyn doonaa xabsiga.

Dhanka kale Gudoomiyah Maxkamada ciidamada qalabka sida ee dowlada Soomaaliya Xasan Max’ed Xuseen Muun-gaab ayaa digniin xoogan ujeediyay Saraakiisha ciidamada Soomaaliya iyo Wariyaasha ka howlgala gudaha dalka.

Waxaa uu shegay in Wariyaasha ay la kulmi doonaan xukun adag hadii ay ka fiirsan waayaan marka ay kahadlayaan Garsoorka gudaha dalka.

Mungaab ayaa sheegay in been abuur badan laga gudbiyay garsoorka dalka ayna gacan bir ah ku qaban doonaan Wariyaashaas iyo xarumaha ay ka shaqeyaan.

Dhanka kale Mungaab ayaa udigay Taliyaasha ciidamada in ay xabsiyada kasii daayaan dad dambiilayaal ah hadii lagu arkana talaabo adag oo dhanka sharciga ah lagu qaadi doono.

‘’Sarlkaalkii sii daaya ruux dambiila ah isaga ayaa booskiisa gelaya waxaana jira hadda saraakiil u xiran dambiilayaal ay sii daayeen iyo kuwo kale oo ay ku socoro baaritaanno’’ ayuu yiri Gen. Muungaab.

Hanjbaada Mungaab ayaa kusoo aadaysa xili Khkamiistii shalay ay maxkamada ciidamada qalabka sida toogasho ku fulisay sedex askari oo katirsanaa ciidamada dowlada Soomaaliya.

Inta Jeer ee la Aqrisatay : 3200
Balcad Media Network
Email : balcad@live.com

Leave a Reply