Advertisements

God ha qodin hadaad qodana hadheeren (qiso xanuun badan)­

02/14 02:11. 1 commentViews:

Balcad Media: Dhacdadaani waxaa ay ku dhacday wiil soomaaliyed waxaana wiil kaasi uu ku nool yahay dalka Soomaliya,waxaa ay tahay sidatan:

Wiilkaan oo lagu magacaabo farxaan ayaa ii sheegay in maalin maalmaha kamid ah in qiso naxdin ku reebtay ay ku dhacday taa oo aheeyd in isaga oo ku nool guri uu xiligaa iskaabula ahan u deganaa gurigaasi oo ku yaala Magaalada Muqdisho.

Waxaa uu sheegay in maalin ay u yimideen wilal saaxiibadiis ah, waxaa uu sheegay in ay saaxibadiis maalintaa u yimid ay gaarayeen tiradooda sedax,waxaa uu ii sheegay in maalintaas kulan koodii uu ku idlaaday in dabin loo dhigo gabar isaga marwalbaa soo wacdo una sheegtana iney jeceshahay isagana uusan jecleen.

Farxaan ayaa tilmaamay in gabadhii lagu hishiiyay in aan balamiyo islmarkaana ragaan saaxiibadiis ah ay mustaqbalka uga ciyaaraan oo baasa boor keeda lagu dheelo, waxaana uu xusay in maalin kadib labalamiyay.

Waxaa uu tilmaamay in waqtigii balanta lagaaray islamarkaana waxaa laka qaatay farxaan iyo saaxiibadiis balantii.

Waxaa dhacday in gabadhii ay isu diyaarisay balantii, waxaana dhacday in hooyada Farxaan ay xunuun sato farxaan ayaa dad ka maqlay xanuunka hooyadiis waxaa uuna durbadii aaday guriga hooyadiis oo ku yaalay Degmada wadaga Jir ee Magaalada Muqdisho, ragii saaxiibadiis ahaana waxaa loo hishiiyay gabadhii balanta uu u dhigay farxaan.

Hooyada farxaan ayaa gabadheeda oo ladhalatay farxaan ku amartay iney u soo yeerto walaalkeed kadib markii laga waayay telkiisii oo uu iska badalay iyo hadalkiisa oo la waayay.

Gabadha ayaa garaneysay guriga farxaan oo ku yaalay degmada Huriwaa ee gobolka Banaadir , waxaa gabadha oo lagu magacaabo fartuun ay u jiheeysatay gurigii walal keed, miskiin illaahow  nimaan wax ogeeyn ha cadaabin, (ileen dabin ayaa meesha yaala walalkeedna waa uu ka sooo tagay saaxiibadiis ayaa meesha jooga).

Durba ayaa waxaa dhacay markii ay meesha tagtay in ay ku dhecdo dabinkii walaalkeed dhigay, iyadoona ay kula kaceen fal qasab ah oo ay mustaqbalkeeda ku ciyaareen, waxaana dhacday in sedexdii wiil ay isu mareen islamarkaana ay sidoo kale ay u dheered in mustaqbalkeeda ay ku ciyaareen in ay jug culus u geysteen marwalbaa oo ay isku daydo iney ka baxsato.

Waxaa dhacday in walaalkeed uu gaaray xaafadii hooyadiis iyadoona markii uu gaaray hooyadii ay ku tiri hooya adoon laguu soo yeerin amaad ii imaanee, waxaa uu ku jawaabay ( hee hooyo hada sow ani kuuma imaan).

Hooyada ayaa ku dhahday aaway abaayadaa ma wareeg ayeey kaaga soo hartay mar horena waa kuu soo diree aaway maandhoow, intaa markuu maqlay farxaan hadal danbe afkiisa kama soo bixin Farxaan, waxaana uu u cararay gurigii dabinka uu ku dhigay waxaa uu tagay iyadoo ragii saaxibadiis ahaa ay bogteen howshii ay isku ogaayeen, walaashiisna ay meel xagaa oo kale taalo iyadoo miir daboolantay  korkeedana diif xoogan ka muuqato goobtii ayuu isna ku suuxay, waxaa goobtii durba soo gaaray hooyadii farxaan iyo gabadha oo soo hadaaftay iyadoo xanuunsan waxaa ay aragtay muuqaalka goobta iyadana goobta ayeey ku dhacaday.

Hadaba Farxaan ayaa dhacdadaan isaga iyo qooskiisa ay ka soo bogsadeen, waxaana uu ku baaqay xili aan lakulmay in dhalinta aysan dabin dhigaan hadii kale sidaan ay iyaga ugu soolaaban doonto.

 

Balcad Media Muqdisho

by Wariye Maxamed Abdullaahi Hassan (Ciideey)

Inta Jeer ee la Aqrisatay : 3271
Balcad Media Network
Email : balcad@live.com

Leave a Reply