• Home
    • Wararka Maanta
    • Arimaha Bulshada
    • Xogta Qarsoon
    • Ciyaaraha
  • Xidiga caankaa ee Zidane oo beeniyay Inuu Kooxda Chelsea tababare u noqon doono
  • Xulka Nageria oo ku Guuleestay Koobka Qaarada Africa. “Top News”
  • Hello world!
xidigta kubadle DAAW24 baner buug qeylo madaxda

link

SOMALI LINKS

  • Axadle.com
  • Balcad.com
  • Caasimada.com
  • Daawo24.com
SOMALI LINKS

Halkebuu ku danbeyaa gacan ku dhiiglihii dilay Sh. C/qaadir (Xog)

February 25, 2013 - Waxaa Qorey : admin -

BALCAD MEDIA:Dhawaan ayeey aheeyd markii allaha u naxariistee magaalada garoowe lagu dilay Shiikh C/qaadir gacamey, waxaana ruuxii dilay gacanta ku dhigay shacab goobta dilku ka dhacay ka agdhawaa, waxaana ruuxaasi ku socota baaris xoogan oo ay ku wadaan maamulka Butland, waxaana dhawaan wiilkaasi laga qaaday wareysi uu laga xog wareysanayo goobihii uu ku noola intuusan dilkaan geysan, waxaan uu sheegtay in uu la noolaa eedadiis abaahisiis la dhalatay.

Maamo Sahra Axmed Cabdi waxaa ay eedo u tahay  wiil gacan ku dhiigle ah oo dilay allaha u naxariistee Shiikh C/qaadir Nuur Faarax, waxaana ay lahadshay warbaahinta, waxaa ay ka warbixisay war ka soo baxay wiilka uuna ku sheegtay in uu la noolaa eedadiis Sahra, waxaa ay iyadu cadeysay in warkaasi been abuur yahay, waxana ay xustay inwax isagu iska abuurtay tahay.

Waxaa ay sheegtay in ay soo gaartay in xili uu wareysi laga qadayey uu sheegtay in uu la noolaa eedadiis sahra, waxaa ay tiri “aniga eedadiis ayaan ahay laakin ila manooleyn Garowena madaganeyn, waxaana ii gu danbeeysan waaqti hore”.

Sidoo kale waxaa ay tiri ” waxaa iigu danbeysa xili waalidkiis ay raadinayeen oo uu ka baxsaday xili waalid kiis oo ku nool Garowe uu u guuray kooofurta Soomaliya, waxaa jirta xili aan dhaweeyn oo uu ila noolaa oo caruurteyta duksi la dhigan jiray, mana degeni Garoowe oo waa la,iyaqaanaa waxaan degenahay Boosaaso, meeshaasna waxaa ka muuqata beenta uu iga sheegay.

Ruux gacan ku dhiigla ah oo dil u geeystay Allaha u naxariistee Shiikh C/qaadir Nuur faarax ayaa waxaa gacanta ku dhigay xiligii uu dilka geeystay, waxaana haatan uu ku jiraa gacanta ciidamada maamul goboleedka Butland.

Inta Jeer ee la Aqrisatay 75

logo4

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

live madin qurxiye
© 2011-2012 Balcad Media . All rights reserved.
Design by Madiina ICT .