Advertisements

Horumarka Degmada Balcad & Doorka Maqan ee Qurba Joogta Degaankaasi. ” SAWIRRO “

02/28 02:11176 commentsViews:

BALCAD MEDIA:   Degmada Balcad waa Degmo ka mid ah Gobolka Shabeelada Dhexe waxeey lee dahay wax soosaar aad u fiican waa Degmo leh dhul barwaaqeeysan waana Degmo ay ku nool yihiin Dadyoow aad u fara badan waxaana hoos yimaado Deegaano fara badan.

Degmada Balcad waxaa haatan Gudoomiye ka ah Osmaan Xaadoole waa Nin dhalin yara ah oo u heelan wax qabadka Degamda Iyo Deegaanada hoos yimaada waxuuna wax badan ka qabtay Maamulkisia Mr Xaadoole dhanka Amaanka & Dhisida Goobo Muhiim u ahaa Magaalada oo burburay.

horumar

Qormadeeyda maanta waxaan kaga hadlayaa arimo kooban oo muhiim ah oo ku saabsan Deegaankaasi waana meelaha loo baahan yahay in laga taageero Deegaankaasi.

1: Goobaha Waxbarashada Deegaanka oo la doonaya in la badiyo Sababo Dadka Deegaanka oo baahi badan u qaba dhanka waxbarashada.

2: In la taageero danyarta Deegaankaasi oo waayihii ugu dambeeyay Degmada Balcad ku dhibaateynayeen Kooxo kala duwan oo soo maray Maamulka Degmadaasi.

3: In Dhanka Dhismooyinka Wadooyinka Muhiimka ah ee Degmada soo gala & kuwa ka baxa in laga qeyb qaato Dhismooyinkooda waana Arin ku socota Dadweynaha ka soo jeeda Deegaankani aan ka hadleeyno ee Balcad.

Ugu Dambeeyntii Dadka ka soo jeeda Deegaankani iyo deegaanada ku dhow dhow waxaa laga codsanayaa in ay hiil iyo hoo laso garab is taagaa Horumarka Degmada Balcad ee Gobolka Shabellada Dhexe.

magalohoru horumaahourhoruudugsihoruma

 

Inta Jeer ee la Aqrisatay : 31214
Balcad Media Network
Email : balcad@live.com

176 Comments

  • Noor Gaadle

    Asc, maashalaah waxaan aad ugu farxsanaahy in aan maanta muuqaalka degmabda Balcad iyo bulshada ku dhaqan aan arko mudo 2 sano ah anigoon arkin waana ku farxsanahay waxaan xusuutaa mar aan joogay magaalda Balcad iyo meel aan ku sheekayn jirey , runtii waa arin lagu farxo qurbajoogta ka soo jeeda degmada Balcad in ay wax badan ka qabtaan baahida taagan maadaam ahada uu amaankeeda fiican yahay ilaahna ha sii amaan geliyo aamiin aamiin aamiin.

  • Abdulaahi Balcad

    asc. Waa salaaman tahay webka Balcad.com oo noo soo gudbiyey war aan ku farxno maadaam aan ka soo jeedno degaankaa Balcad, waxaana sidoo kale aad u mahdsan dadka degaanka oo u istaagay in ay dhistaan ama quruxsadaan degaankooda maadaama uu hadda amaan yahay, sidoo kale waxaa ku farxsanahya sida wanaagsan ee uu u maareeynaayo maamulka meesha ka jiro ee uu Madaxda ka yahay Mr Xaadoole oo ah nin geesi ah , karti badna dadkana wax badan u qabanayaa , maashalaah ilaah ha wanaajiyo degaankeena iyo degaanada kale ee soomaaliya oo dhan inshalaah

  • Noor Amir

    Salaamulahi Caleykum,waa arin mudan in la is xusuusiyo waana ku amaanan yihiin bahda warbaahinta Balcd.com inay goor waliba boorka ka jafaan dadka qurbaha isku ilaabay si ay dadkooda wax ugu qabtaa,Iyadoo la ogyahay in Maanta bulsho kasta ay iskooda isu xilqaamaan kana warqabaan walaalaheena ku dhibaateysan dhulka laga soo hayaamay gaar ahaan baahida aasaasiga sida Caafimaadka & waxbarashada maadaama hada nabadu ay isa soo tareyso….

  • qadra

    mashaaa alllah blcb

  • maash

    aa alaah magaalada balcad waa magaalo taariiqi ah marka qurba joogta reer balcad waxan leeyahay magaaladeena dhulka ha laga qaado

  • Wad slmn tihiin webka balcad.com runtii sadax sano kadib ayad ixasuusisen degmadeydii hore

  • dhamaan waxaan salaamayaa ugu horeen bahda wadka balcad kadib dhamaan asaxaabteyda iyo in alaala inti maqalkeyga iyo muuqeyga taqaano salaan kabacdi waxaan uhambalyeeynayaa milkiilaha wabka balcad hormarka oo wabkiisa ugaaray aaw geed masha,alah tan kale waxaan u mahadcelinayaa raga ufadhiistay barnaamishkaan mahadsanidiin aqyaarta sharafta leh waxbna kuboowrinayaa in ay badiyaan barnaamishyada nuucaan macsalaamo

Leave a Reply