• Home
    • Wararka Maanta
    • Arimaha Bulshada
    • Xogta Qarsoon
    • Ciyaaraha
  • Xidiga caankaa ee Zidane oo beeniyay Inuu Kooxda Chelsea tababare u noqon doono
  • Xulka Nageria oo ku Guuleestay Koobka Qaarada Africa. “Top News”
  • Hello world!
xidigta kubadle DAAW24 baner buug qeylo madaxda balcad1111
SOMALI LINKS

Ila Tali: “Waxaan Ahay Xaas Hadana rabta Furiin, Ninkeega iima ahan….”

March 2, 2013 - Waxaa Qorey : Webmaster -

BALCAD MEDIA: Aqristayaasheeyda Qiimaha Badanoow Waa barnaamijkeenii xiisaha lahaa ee ( ila Tali ) kaasoo aan aalaaba kusoo bandhigno talo weydiisasho inaga soo gaarta qaar badan oo ka mid ah aqristayaasheena sida weyn ugu xiran Webkan.

Hadaba Barnaamijkeena Maanta waxaan idiin kugu soo gudbineynaa qiso ay inoo soo dirtay gabar ka mid ah hablaha fariimaha inoo soo diray qisadan oo run ahaantii xanuun iyo murugo qoys xambaarsan ayaana sidaan u qorneyd markii ay ina soo gaartay:

 

Aniga waxaan ahay marwo la qabo ku dhawaad muddo 1 sanad ah run ahaantii markii aan guursanayay seygeyga ma aheyn dareen rasmi ah iyo jaceyl aniga iga soo go’ay balse waxaan ku raacay waalidkey oo igula taliyay awgeed.

Waxaa noqday Marwo u guri gashay nin aanan dabcigiisa iyo dhaqankiisa waxba kala socon waxaana isku dayay inaan nolol cusub oo farxad leh taasoo aan dhamaan la bilaabo bilooyinkii hore sida reer walboo isku cusub caadada u ahba waxa uu ii muujiyay xanaano iyo xiiso gooni ah.

Dhanka kale mudo haatan la joogo 4 bilood, ninkii wuxuu lasoo baxaydabeecad aad u xanuun badan oo qof kastoo dumar ah aysan u dulqaadan karin isla markaana qalbigeeda dhaawacaya.

Hada dhibka jira ayaana ah in uusan sidii hore ii daneyneyn wax xanaano iyo kal gacal ahna uusan ii muujineyn, balse hadii aan taas u dulqaadan lahaa, waxaaba kasii daran oo waran wadnaha iiga taagan igu noqday markii aan dhowr jeer la kulmay isagoo naago dhowr ah la sheekeysanaya si qarsooodi ah,

Mararka qaar telka uu la dhuunto iyo sidoo kale Facebook-giisa oo aan wax badan kasoo ogaaday ayaa ii cadeynaya in uu xiriir kale si hoose u maleegayo, taasina waxey igu dhalisay in dulqaadku iga guuro.

Haatan waxaan rabaa inaan furiin dalbado, maxaa yeelay marnaba kuma qanacsani noloshaan iyo ciriirigaan uu i geliyay, iyo sidoo kale walbahaarka iga heysta in uu naag kale iga dulkeeno.

Balse sidoo kale kuma dhiiran karo in aan i fur dhaho nin waalidkey igu dareen.

Fadlan taladiina igu caawiya, waxaan dareemayaa dhib iyo walbahaar.

Maxaan sameeeyaa?

Halkeen talo kaga hagaagaa?

Wariyaha Arimaha Bulshada.
Fatah Adan (Leejo)

Inta Jeer ee la Aqrisatay : 3262

Use Facebook to Comment on this Post

logo4

8 Responses to Ila Tali: “Waxaan Ahay Xaas Hadana rabta Furiin, Ninkeega iima ahan….”

  1. ina biid says:
    March 2, 2013 at 02:11

    walaal u sabir oo gabadha uu jecelyahay ee labaad u dhis adiguna isdaji hinaasahana iskayaree aduunyadu waa labo cisho labadaa cisho khaladka ninkaagu leeyahay adoo u dulqaadanaya geeridu hakuu timaado ILAAHAYna bari.

    Reply
  2. Caaisho says:
    March 2, 2013 at 02:11

    Ascwrwb walaalo Ragoo dhan baakawada siman iney naago kale RaaDIYAAN MAAHA MID KAAGA KU EG ARINKAAS DHIBKAAS WUU NAWADA HEESTA WAANU USAMIRNA WAAYO KAN HADA HADAAD KAGA TAGTO FALKAAN AH XAas 2 aad armuu keena nin walboo muslima baa saas xaas 2 aad ukeenaya marka waxaa kugu Latalinayaa sii labo jibaar soo jiidashadaada oo ninka guriga uga dhig guri janno guri uuku nasto kheylo la aan dhoola cadeeys furfurnaan rashin ,macaan nadaafada sii badi dadaalkaagii hore sii labo jibaar suu ugu mashquula dhaqankada wanaagsan nagahaan cusubna sanado wuu iloobaayaaye bal beri ka bilow dadaalkaada sii afarjibaar

    Reply
  3. xuseen says:
    March 4, 2013 at 02:11

    A/c walaal talada eebo udhiibo marka hore kadibna sabir sabirka waa kan guryaha oo dhan ku dhisan sida wallaalaha hore kuu sheegey aniga kuu dhihi lahaa A SABRU! sabirka badi

    Reply
  4. Noor says:
    March 5, 2013 at 02:11

    Bismilaah A/C waan dareemayaa arintaa walbahaarka ku hayso balse waxaa wanaagsan in lakala qaado oo 2 arin ayaan ukala qaadayaa mida koowaad waa mid ALLE WEYNE ninka raga dusha ka saaray asal ahaan taasoo ah inuu ninka ubanaan yahay 4 xaas mas’uuliyadana dusha kasaaran taasi ma’ahan mid aad ka hadli kartid duminta gurigaadana mar marsiin uma noqon karto.
    Tan 2aad hadii uu jiro qilaaf intaa ka soo haray waa arin la xalin karo waxaan kuugula dar daarmayaa in marka hore aad uogalaato inuu yahay odeyga guriga uuna lee yahay Hogaanka guriga masuulna ka yahay guud ahaan guriga, Balse raga waxey jecel yihiin waxyaabo badan waxna wey neceb yihiin bal adiga raadi waxa uu jecel yahay ninkaada hadey ahaan lahayd cunida, nadaafada guriga qaabka jawaabaha aad usiiso marka uu su’aal ku weydiiyo & wax waliba oo soo jiidan kara dareenkiisa ama aad is leedahay wuu u riyaqi karaa waxa aad hada isla joogtaan waa sanad kuna dadaal SABARKA taasoo aad wax waliba uga bixi kartid……

    Reply
  5. shigshigow says:
    March 6, 2013 at 02:11

    scw walaal wixii waano ah waxaa ku siiyay walaalaha kor ku xusan allaha ajar iyo xasaad allaha ka siiyo adigana qaasatan waxaan ku lee yahay gurigaaga iyo ninkaada ha ka cararin ee isku day inaad milkiso ninka u sameey wuxuu jecel yahay iyo isku day inaad raaliyad u noqoto xataa haduu guursado isku soo jiidasho aad u macaan isgaa furaayo tan kale adiga noqo hooyo macaan oo loo soo xiiso hablaha soomaaliyeed oo dhan wexeey u sabreeyn aaba yasheeyn iyo raga soomaaliyeed marka sabar sabraa sadkiis hele waanada walalahaaga qaado qeer iyo nimco iyo barwaaqo allaha ku siiyo waxaan kuu rajeenaya guul

    Reply
  6. cadoow says:
    March 6, 2013 at 02:11

    kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk waxan sheeko aya u araka aniga

    Reply
  7. ayaan says:
    March 6, 2013 at 02:11

    walal u samiir samir wax kawanagsan ma jire isaga ayaa bari ku jecelane
    mar kasta samir

    Reply
  8. Daacad says:
    April 7, 2013 at 02:11

    ASCaleykum Gabadha waxaan oran lahaa Furiin dalbashadu wax sahlan maaha haduu ku furana koleytaba nin kale ayaa guursaneysaa marka noloshu waa imtixaan waxaana loo baahan yahay inaad imtixaankaas si fiican ugu fiirsato oo aadan ku degdegin arimaha dhibaatada u kenaya aduunkaaga iyo aakhiradaada wixii kuu qorana seegi meysid illaahna talo saaro sharaftaadana ilaalso dumarka uma fiicna cidlada iyo keli noolashaha qof dumar ah ayaad tahay marka howshaadu ma yara caloosha adkee illaah ka cabsigana ku dadaal waad guulesanaysaa insha’allaah sc.

    Reply

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

live Baner Alldhacdo.com madin qurxiye
© 2011-2012 Balcad Media . All rights reserved.
Design by Madiina ICT .