Advertisements

Madxweyne Hassan & R/Wasaare Saacid Arinkaan ma ku Ogeeyd?

02/13 02:118 commentsViews:

BALCAD MEDIA:  Madaxweynaha Dowladda Federaalka ayaa Dhawaan waxaa la weydiiyey Su’aal ahayd “Ma laga yaabaa in Madaxda Sare ee Dowlada Federaalka ay ka dhex Abuuranto Khliaaf la mid ah kii ka dhex dhici jirey Madaxdii ka horeeysey.”

Su’aal la yaab leh uu ku jawaabey isaga oo la yaaban Su’aashaasi “Marnaba lagama yaabo in aan is Khilaafno , waxaana Sadexdeenna ku heshiisney in Afarta Sanno aan ku Dhameysano Khilaaf La’aan.”

Hadalka ka soo yeerey Madaxweyna ayaa waxaan weydiiyey Aqoonyahan Soomaaliyeed oo lagu Magacaabo Cabdikariim Yuusuf Jaamac bal in uu hirgeli karo hadalka Madaxweynaha ee ah in ay Khilaaf La’aan ku dhameystaan Xilliga ay hayaan Talada dalka, wuxuuna ku jawaabey:

“Aniga waxaan aaamisanahay in uu Khilaaf Imaanayo waayo dadka waa Soomaali waxay Caado u leeyihiin in ay wax isku qabsadaan oo Kilaaf abuuraan sidaa darteed hadda aan kaaga jawaabayo Su’aashaas waxaa ii muuqda Khilaaf u dhaxeeya Madxweynaha iyo Gudoomiyha Baarlamaanka , sidoo kale waxaa jira oo la isla dhexmarayaa in uu Khilaaf u dhaxeeyo Madaxweynaha iyo Raiisul Wasaaraha ,waxaana filayaan in Khilaafkaasi uu soo shaac baxo waqti aan sidaa u dheereeyn”

Waxaan weydiiyey maadaama aad tahay qof Aqoonyahan oo aad ugu Dhuun Daloola arrimaha Siyaasada Soomaaliya muxuu yahay Khilaafka aad hadda ka dhawaajisey ee u dhaxeeya Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka.

Wuxuuna ku jawaabey “Khilaafka waxaa uu ka dhashey markii Gudoomiyha Baarlamaanka Wareegto uu soo saarey uu Xilkii kaga qaadey Gudoomiyihii Gobolka Bay Cabdi Fitaax Geeseey isagoo ah Ku Simaha Madaxweynaha ,taasoo Madaxweynaha si aad ah uga caroodey. Sidoo kale waxaa ka Caroodey Xil ka qaadistaasi qaar ka mid ah Xildhibaanada baarlamaanka oo warqad cabasho ah u gudbiyey Madaxweynaha.”

“Khilaafka kale ee u dhaxeeya Madaxweynaha iyo Raiisul Wasaaraha ayaa isagana la xiriirta Lacago Deeq ah oo laga heley mid ka mid ah wadamada Khaliijka taasoo Madaxwyanaha iyo Raiisul Wasaaraha isku qabsadeen qaabkii loo maareeyn lahaa lacagahaasi, waxaana Khilaafkaan ku wareerey Gudoomiyaha Banki-ga dhex oo soo gaartey laba warqadood oo ka kala yimid Xasan Shiikh iyo Saacid ,Wuxuuna Raiisul Wasaaraha uu ku doodayaa maadaama uu yahay Fulintii in looga Dambeeya qaabka loo Qorsheynayo Dhaqaalaha”.

Aqoonyahan Cabdikariim waxaa uu sheegey in marka laga soo tago Khilaafyadaan aan ka soo hadalney, waxaa jira Khilaaf kale oo aysan Madaxda Sare ee Dowlada Federaalka aysan Maareeyn kaasoo ku saabsan arrinta Kismaayo, waxaana uu sheegey Aqoonyahankaan in Madaxweynaha iyo Raiisul wasaaraha uu midba uu wato Qorshe u gaar ah oo ku saabsan sidii Maamul loogu sameyn lahaa Gobolada Jubooyinka waxaana haatan hakad uu ku yimid habsami u socodkii Shirka la doonayo in maamul loogu sameeyo Goboladaasi.

Khilaafyadaan ayaa aqoonyahankaan uu sheegey in Caqabad ku noqon karaan hanaanka Dowlada Federaalka waa haddii aan deg Xal looga gaarin, waayo Amuuraha la isku haysto ayaa uu sheegey in ay u baahan yihiin in lagu xaliyo si degenaansho ah iyo in ay la yimaadaan Madaxda Sare Dulqaad iyo isku Tanaasul taas ayey kaga gudbi karaan wixii caqabado ah haddii taasi aysan dhicin waxaa imaan doono in Dowlada ay marto habkii ay mareen Dowladii ka horeeysey oo iyadu soo martey Saddex Raiisul Wasaare iyo Sadex Gudoomiye Baarlamaan Muddo Saddex Sanno ah.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Inta Jeer ee la Aqrisatay : 3474
Balcad Media Network
Email : balcad@live.com

8 Comments

  • amiinkey

    asw. Amiinoow waligaa ma qasaradaa ka heshaa sida adigaba magacaaguba yahay.qoraalka aad soo qortay waxaan ku arkay maqalo badan mudo laga joogo 2bil tan bank ee gudoomiyaha loowada diray 2 warqad ,2 masuulna ee madaxweynaha iyo raisulwasarahana lagama sheegin qilaaf ilaa intaas adigana mantaad soo qadatay adigoo leh waxaan ka helnay Cabdikariin yusf jamac , ogow qasaroow Colaada wey hurda badantahay Hadiilatoosiyana ruuxii toosiya ayay ku sadaxeysataa, Nabaduna way soo jedaa ruuxkastana way lajirtaa .

  • m j l

    salan sln kadib ninkaan waxa soo daabacay asaga ayaaba qasaaaro kasameesan magaciisa ayaaba kagartay hadaadan adiga iska nexeen umada muslimiinta ah unax ama adiga ayaaba shaki kujiraa muslin nimadaada sababtoo ah dadka muslinka ah waxaa lagu yaqaana ineey waxee shegayaan eey nadiif ahaadan lkn adiga wasaq ayaad kasameesantahay wariyaha maxaa loxiraaya ayaa laleeyahay adigoo kale ayaa kujiro sidaan isu dhaaan dadka kale ha ubaas bexin

  • Cabdi yare

    K,k,kk,kk.k.k.k.k.kk..kk.k.kk.kk.kkk.k. Sxb khasaqo wlh xilkii ugu xumaay ayey kudhiibtay balcad com hadii aay kudhaah day kanixi umuda dowlada jecel ee open qasarada ileenba waad uu khalaltaye wlh cawa dad badan baakanaxay hadalkada

  • 722929

    Asc sln kdb wariye khasaro xabsiga haladhigo balayo kudhacday dhibata ayoo sotabiyaa ama so alifaa benta ware oo idil waa alshabab wana lagu rad jogaa marka khasarow bal been qor qor adey ku quseyssaa un

  • mohaa cali

    asc all sln kabd war qasaarow waxa sheegosid ma aan maqal idaacd ka hadleeso adiga intee ka keenty war intaa wanaag ka talin laheed ma colaad aaya raadineesaa hadii aan ahaan lahaaa qaadiga maxkamd adowloada soomali xabsi daaain ayaaa kugu xukumi lahaaa dowload waxa dhhi laha wariyasha dhn hala baaro dad shababa ka buuuxo

Leave a Reply