• Home
    • Wararka Maanta
    • Arimaha Bulshada
    • Xogta Qarsoon
    • Ciyaaraha
  • Xidiga caankaa ee Zidane oo beeniyay Inuu Kooxda Chelsea tababare u noqon doono
  • Xulka Nageria oo ku Guuleestay Koobka Qaarada Africa. “Top News”
  • Hello world!
xidigta kubadle DAAW24 baner buug qeylo madaxda

link

SOMALI LINKS

  • Axadle.com
  • Balcad.com
  • Caasimada.com
  • Daawo24.com
SOMALI LINKS

Yaab: Haweeneey Caloosheeda laga Helay lacag Dhan 31 Kun oo $ ah.

February 28, 2013 - Waxaa Qorey : Webmaster -


BALCAD MEDIA:
Ciidamada Wadanka Panama ayaa Garoonka Diyaaradaha ee Caasimadda Dalkaas waxay ku qabteen Haweeney u dhalatay Wadanka Guatemala, taasi oo Caloosheeda laga helay Lacag gaaraysa 31 Kun oo Dollar.

Ciidamada Booliska Dalkan ku yaala Bartamaha Qaaramadda Ameerikada Koofureed ama Laatin Amerika ayaa waxaa lagasoo xigtay inay qabteen Haweeneyda oo 44 Jir ah ka dib markii laga shakiyay dhaq-dhaqaaqa ay samaynaysay.

Dhanka kale Baaris lagu sameeyay Haweeneyda markii la qabtay ka dib ayaa waxaa lagu ogaaday inay Caloosha ku sidato Lacagta intaas gaaraysa.

Sidoo kale Baarista waxaa loo adeegsaday Aalado Shucaac bixinaya oo ay Boolisku heysteen.

Isku soo wada duub Markii Baaritaanka koobaad la sameeyay ka dib, ayaa Haweeneyda la qabtay oo Dadkii Safarka ku jiray ee Garoonka ka dhoofayay ka mid ahayd waxaa loo kaxeeyay Cisbital si Qaliin loogu sameeyo oo loosoo saaro Lacagta Caloosha ugu jirtay.

Weli ma aysan ka soo bixin Warar dheeraad ah oo ku saabsan Lacagta iyo waxa ay Haweeneydu ka damacsanayd. Sidoo kalena Warbixinta arrintan ku saabsan ayaa wali ah mid aan faah-faahsanayn oo Booliskuna aanay si qota dheer ugasii hadlin.

Inta Jeer ee la Aqrisatay : 325

logo4

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

live Baner Alldhacdo.com madin qurxiye
© 2011-2012 Balcad Media . All rights reserved.
Design by Madiina ICT .