• Home
    • Wararka Maanta
    • Arimaha Bulshada
    • Xogta Qarsoon
    • Ciyaaraha
  • Xidiga caankaa ee Zidane oo beeniyay Inuu Kooxda Chelsea tababare u noqon doono
  • Xulka Nageria oo ku Guuleestay Koobka Qaarada Africa. “Top News”
  • Hello world!
xidigta kubadle DAAW24 baner buug qeylo madaxda balcad1111
SOMALI LINKS

Maxaa keenay Baaqashada Shirkii maanta ka dhici lahaa Kismaayo?

February 23, 2013 - Waxaa Qorey : admin -

BALCAD MEDIA: Gudiga farsamada mamul u sameeynta gobolada Jubooyinka ayaa shalay shir jaraa’id oo ay ku qabteen magaalada Kismaayo ayaa waxaa ay kaga hadleen baaqasho ku timid shirka maanta lagu balansanaa in uu ka furmo magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose.

Gudoomiyaha Gudiga Farsamada maamul u sameeynta gobolada Jubooyinka Maclin Maxamuud ayaa sheegay in uu hakad ku yimid shirka maanta lagu balansanaa in uu ka furmo magaalada Kismaayo, waxaana uu xusay in waqti ay san cayimin uu dib u dhacay.

Macalin Maxamuud ayaa sidoo kale xusay in Madaxda Dowlada Soomaliya in ay iyaga dartood shirkaasi uu u furmi la yahay waxaana uu tilmaamay in ay ugu baaqeen madaxda in ay ka sooqeeyb galaan kulankaasi, waxaana uu sheegay in wali jawaab aysan ka helin oo ay ka dhursugayaan.

Sidoo kale Gudoomiya ahaa sheegay in ergadii ka qeeyb qaadan laheed kulanka in intooda badan ay soo xaadireen magaalada Kismaayo tiro kale lasugayo oo ka qeeyb qaadanaya Shirkaasi.

Maamul usameeynta gobolada Jubooyinka ayaa waxaa ka jiray muran waxaana ay aheeyd arin hadal heeynteed laga dareemay dalka, lama oga madaxda dowlada in ay ka qeeyb qaadan doonaan Shirkaasi ka furmaya Kismaayo.

Inta Jeer ee la Aqrisatay : 341

Use Facebook to Comment on this Post

logo4

3 Responses to Maxaa keenay Baaqashada Shirkii maanta ka dhici lahaa Kismaayo?

  1. Digtorka says:
    February 23, 2013 at 02:11

    mawaxa lagu shira in kismayo kenyati lo gacan geliyo shirkas ninki ka qeybqata wa gaal kismayo kenya qabsatay maahane dowlada maqbsan

    Reply
  2. gaaldile says:
    February 23, 2013 at 02:11

    horta marka hore waa ilaah mahadii hadii uu baaqday shirkii somalida lagu dhagraayay teeda kale waxaan ugu baaqayaa walalaha somalia ee hogaanga u haayo nimankaan kenya ah ee donaya iney danahooda fushadaan waxaad ogaataan ninmanka hada gadaal idinka riixaayo bari daaqada ayeey idinka saarayaan markeey danahooda fushadaan ee hadaba walaalhiina somaliyeed haka fogaanina oo ayaga kala tashata waxii danaha dadka dalka iyo diintaba ku jirta

    Reply
  3. Hassan says:
    February 23, 2013 at 02:11

    Dee Shirka inta anigu kamaqanah inoo furmayo ilama ahan wayo waxa loobahanyahy dad aqonyahana o ladagalama kenya iyo wexe sooraaca

    Reply

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

live Baner Alldhacdo.com madin qurxiye
© 2011-2012 Balcad Media . All rights reserved.
Design by Madiina ICT .