• Home
    • Wararka Maanta
    • Arimaha Bulshada
    • Xogta Qarsoon
    • Ciyaaraha
  • Xidiga caankaa ee Zidane oo beeniyay Inuu Kooxda Chelsea tababare u noqon doono
  • Xulka Nageria oo ku Guuleestay Koobka Qaarada Africa. “Top News”
  • Hello world!
xidigta kubadle DAAW24 baner buug qeylo madaxda balcad1111
SOMALI LINKS

Maxaa ka soo baxay kulankii golaha wasiirada ee xalay

February 22, 2013 - Waxaa Qorey : admin -

BALCAD MEDIA: Kulankan ay yeesheen golaha wasiirada xukuumda Soomaaliya oo dhacay xalay islamarkaana Gaaray ilaa saqdii dhexe ayaa looga hadlay qodobo dhowr ah oo quseeya xaalada dalka iyo Horumarinta ay dowladu hormuudka katahay ee kasocda Dalka Soomaliya.

Kulankaan ayaa waxaa shir gudoominayey ra,isal wasaaraha xukuumada Soomaliya waxaana ka soo qeeyb galay qaar kamid ah golaha wasiirada ee xukuumada Soomaliya.

Wasiirka wasaarada Warafafinta,Boostada,Isgaarsiinta C/laahi ciilmooge Xersi oo saxaafada lahadlay ayaa sheegay in kulankaasi looga dooday sharciga bankiga horumarinta Soomaaliyeed oo Golaha wasiirada la horkeenay kaasoo dib loo dhigay ansixintiisa, waxaana uu xusay in kulankaasi la dhihi karo mid guuleystay.

Xukuumada Soomaliya ayaa kulamada todobaad laha ah waxaa looga hadlaa arimaha xiligaa taagan hayeeshee waxaa nan jirin qodobo dhowr ah oo ay go,aano kasoo saaren oo aan dhaqangelin, waxaana kamid ah arinta adag ee haatan Soomaliya laga dareemayo xukuumadana ay balan qaaday in ay wax ka qaban doonto sarifka suuqyada oo haatan dhibaatada ugu xoogan dadka danta yar ay ka soo foodsaartay.

Inta Jeer ee la Aqrisatay : 323

Use Facebook to Comment on this Post

logo4

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

live Baner Alldhacdo.com madin qurxiye
© 2011-2012 Balcad Media . All rights reserved.
Design by Madiina ICT .