• Home
    • Wararka Maanta
    • Arimaha Bulshada
    • Xogta Qarsoon
    • Ciyaaraha
  • Xidiga caankaa ee Zidane oo beeniyay Inuu Kooxda Chelsea tababare u noqon doono
  • Xulka Nageria oo ku Guuleestay Koobka Qaarada Africa. “Top News”
  • Hello world!
xidigta kubadle DAAW24 baner buug qeylo madaxda balcad1111
SOMALI LINKS

Qaramada Midoobay oo Walac ka muujisay Xaalada Dalka Somalia.

February 2, 2013 - Waxaa Qorey : admin -

Warbixin ay soo saartay Jimcaha maanta ah hey’adda QM u qaabilsan cuntada iyo beeraha FAO, ayaa lagu sheegay in uu jiro walaac ku aadan nafaqo darro ka dhalata Soomaaliya.

Laakin sidaas oo ay tahay FAO waxa ay lee dahay aad ayey u yaraadeen tirade dadka Soomaalida ee u baahan gargaar ama kaalmo bini’aadminimo tan iyo bishii August ee 2012kii.

Si kastaba, warbixintan oo uu soo diyaariyay xaafiiska caalamiga ah ee digniinta Abaarah ayaa lagu sheegay in ku dhawaad 250,000 oo carruur ah da’doodu ka yartahay shan sano ayaa waxa saamyeeyay nafaqa la’aanta dalka Soomaaliya.

Warbixinta FAO ayaa lagu sheegay ugu yaraan shan iyo afartan kun oo carruurtaasi ka mida ayaa halis ugu jira heerka ugu sareeya ee nafaqa la’aanta.

Sida kale waxaa lagu sheegay warbixinta in carruurtaas intooda badan ay ku noolyihiin gobolada ay colaaduhu ka jiraan ee koonfurta dalka Soomaaliya.

FAO ayaa xaaladan ku tilmaamtay mid ka mid ah xaaladaha ugu xun caalamka ee la arko qarnigan.

Hey’adda ayaa u sababeesay dhibaatada in ay kaalin ka qaattay jiritaan la’aanta adeegyada asaasiga, sida caafimaadka, iyo biyo nadiiif ah oo la cabbo.

Ugu dambeen warbixinta FAO ayaa lagu xusay in gargaarka caalamiga ah iyo roobabkii ka da’ay Soomaalida ka caawiyeen in ay hoos u dhacdo xaaladdii cunno yaraanta.

Sannadkii 2011-ka ayaa abaar xun oo ku dhufatay gobalada koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya waxa ay cagta mariyeen dad iyo duunyo badan.

Inta Jeer ee la Aqrisatay : 339

Use Facebook to Comment on this Post

logo4

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

live Baner Alldhacdo.com madin qurxiye
© 2011-2012 Balcad Media . All rights reserved.
Design by Madiina ICT .