Advertisements

Qiso Naxdin & Uur ku taalo ah. “Ha Aqrin Hadaadan Awoodin Qisadan”

02/11 02:1124 commentsViews:

BALCAD MEDIA:  Qiso yar balse xanuun badan waxa ayna ka dhacday magaalada Muqdisho todobaadkii hore waxaana ka soo xiganay ilo lagu kalsoon yahay oo asxaab la ah shabakada arimaha qoyska ee Alcarabiya.

Goob joogayaal ayaa sheegayaan in wiilkaan ayaa xariir waxa uu lalahaa gabar taasi oo ay magaalada isku barteen in muddo ahna qadka uu jaceyl been ah kaga jilayay .

Waxa uuna wiilkaas ahaa mid xun balse gabarta ku qiyaanay una jlay in uu yahay nin wanaagsan , waxa uuna kor iyo hoos ,geed dheer iyo mid gaaban u fuulay in mar uun uu ku qanciyo in ay kulan wada qaataan fool ka fool ah .

Talaabo talaabo ayuu ugu qanciyay in jaceyl saafi uu u qabo farxadna uusan dareemeyn hadii dhankiisa aysan joogin , waxa uuna ugu dambeyntii ku qnaciyay in gurigiisa kula kulanto maalin axad ah .

Waxa uu ka dhaadhciyay in jawi Romantic ah ay wada qaadanayaan ayna ka hadlayaan sidii mustaqbal u wadaagi lahaayeen waa ayna ka ogalaatay , intii uu sugayay imaashaheeda ayuu waxa uu wacay labo saaxibadiisa ah balse aan qoyskiisa soo dhex galin waxa uuna uu sheegay in hilib maacan u bisil yahay ayna xaafadiisa yimaadaan.

Saaxibadiisa waa ay yimaadeem waxa uuna u sheegay in gabar ay u soo socoto oo uu doonayo in ay kula baashaalaan ,intii saacadda ku dhicin waqtiga i balanta ayaa waxaa wiilkaas soo wacay hooyadiis oo u sheegtay in dhaqsi uu u yimaado guriga aabihiis maadaama xaaladiisa adag tahay oo lagu soo booday , waxa uuna wiilashii u sheegay in uu baxayo balse waxa uu wiilasha kula balamay in gabartaas ay ku sameeyaan wax waliba oo macaan ah .

Waa kuwaan saaxibadiisa oo gurigiisa ku sugaya gabartii ,waa ay timid sida balanta aheyd waa ay kufsadeen damiir laawayaasha ,waxa ayna ka tageen guriga xilli gabartii ay miir beeshay walaalkeedana oo aaday hooyadii si xaalka odayga uu wax kala socdo.

Xaashaa Lillaah hooyadii ayaa durba weydiisay wiilkii maxay walaashaa ku soo raaci weysay ? yaah walaashey aaaaaaa ? Intee aniga iiga soo raaceysay ? markaas ayay hooyadii tiray waan ku soo dirnay waayo wicitaan badan aan kugu soo sameynay oo telka ah waad ka jawaabi weysay sidaa darteed ayaan iyada kugu soo dirnay , xanuun badnaa isaga oo aan ka jawaabin hadalka hooyadiis ayuu carar ku yimid gurigii hooyadii waxa uu arkay walaashiis oo miir daboolan oo hawada lala galay kuna dhacday shabqada mishin uu isaga dhigay ,,,,,,,,,,,,,,, Xanuun Badnaa wiilkii oo qarka u saarmay in wadnaha istaago ayay hooyadii guriga ugu timid ,
Dhamaad Dhamaad Dhamaad

Inta Jeer ee la Aqrisatay : 32042
Balcad Media Network
Email : balcad@live.com

24 Comments

  • Mahad

    Aad iyo aad ayay ugu ficnayd waxaa igadarayd in ay kudhacdo taas gabadha miskiinta ah oo uulabarabay dhibka intaas le eg in uugaarsiyo wuxuu garan wayay gabadha miskiinta ah in ay hoyadis walaashiis ay lamid tahay duli dheh waajibkiisa ayuu helay,

  • axmed kooshin

    alle halaga cabsado

  • Xidiga degmada

    Waw waa cajiib walahi god qayano haqodin hada qodo hadheren kudhici doontida ma ogide kkkkk

  • osman dhere

    war qoralka wad iskuqasten gabadha lakufsaday mawalashis ba mese wa ti imaday mar waxad dhahesan wey imaday marna walashis aya mir beshay qoralkan kucelsha

  • wadani

    k.k.k.k. Saas aalaraba muslimka maxa loo ajara

  • maryan

    asc marka hore qiyaanadii u ladamacsanaa gabadha kale ayaa isaga qabsatay lakin maskiintan la dhalatay waan ka xumahay sorry sorry sorry

  • cabdullaahi muuse

    Aaadbaa uga xumahay ta lakufsaday iyo ta kabadbaaday lkn murti somali ayaa tilmameesay god sireed ha qodin lacala hada qodane ha dheeren ku dhici doontid lama ogee bal eeg ninkaan balamiyay gebdhan miyoowsan ku fekeren waa walashaa amaba ugu yaraan waa walasha oo kali wana isku xanuun?

  • Hassan

    Aduun yadaan lagma wayo rag xun waxana kula talin laha ha iskadhafano dumarka lawaxyelenayo wana kaxumahay mida kudhacday gabadhan

  • salaad sheikl cali maxamuud

    asc ad ayan uga xumahay somali beeni wey shegtaa balse beeni kuma maahmaahdo maahmaahyadaasna wexee u baxday mar ay dhacday arin ku salesan xaasidnimo iyo lugooyo waxaase daliil ah maanta in dad badani ay ku cibra qaadanayaan arimahan iyo kuwa xun xun ay ku fikirayeen fadlan waxaan idinka codsanayaa wixi ku dhibaayo ka dhowro dakiina iyo diintiin gaar ahaan umada muslim ah oo aad isku sinjiga tihiin

  • Liibaan carabeey

    Asc salaan kadib aad ayaa ugu xumahay tan lakufsaday iyo tan ka badbaadaybo rub ahaantii ninka rabo inuu kufsado ama uu lugooyo umaleego gabar walaashiisa oo kale ah waa laga aaraa waayo asbo gabar weey ladhalatay walaashiisa hooyadiisa in wax lagaarsiiyo majeclo siddaas silamid ah waxaa haboon inuuu walaashiisa ugu ilaaliyo dhibka walaayaal kii sameeyeye wuuba sameeyee kaan sameyn ilaah haga baqo kuleey qpfkii xaq galaa waa laga gudaa mahadsanidiin

  • ASC WAA QAYAANO IYO XAALKEED WAXAA FIICNEED INEY ISAGANA KUFSADAAN

  • Aniga

    Kkkkkkkkkk Mac ayay kugu tahay ku dheh nacas aan damiiir laheyn

  • murtile maxamed

    asc dhamantinba walalaha sharafta leh melkasta oo ad jogtan runti waxan u mahad celinaya qoraga barnamijkan wayo dhacdoyinka qiyanada ah lona geysto gabdhaha wey badan yihin lkn waxan u maleynaya ninki donayay inu gabar washis ah lana mid ah tii uraka lajifatay inow ku ciyaro haku qusqato manaxaha lakufsaday walashis iyo damir lawasha kufsaden gabdhas subxanalah inta muslim ah ilahey haka badbadiyo tan o kale

  • laybka dunida umii

    walahi wa wax lagu yabo anigo ku hadalay magca gabdhaha somalida waxa dhihi laha inan ilwanay ayadki ilahey iyo subanaheyna nawi mahomed scwsm marka ale ka cabsada hora lo dhahay si xun waxa ha u radin calafka kuma seyge bye

  • Xasan xaaji

    Asc allaahu akbar ninkaas waxaa loo tusay deg deg abaal kiisa waxaase hubaal ah in nin walbo oo zineystaahi lagajari doono qooskiisa EE ALAAH AAN KABAQNO

  • badria banaadir

    asc waa ka xumahay in gabdhaha soomaaliyeed sidaas oo kale ku dhacdo balse waxaa jirto maahmaah hore oo dhaheeysa god qayaano ha qodin hadaad qudidse ha dheereen ku dheci doontiba alaa og balse godkii uu qoday asagaa ku dhacay waayo walaashiis ayaa lagu riday godkii uu qoday ma uusan ogeen in ay gawar la dhalatay maadaama uu la damcay gawar wiil kale la dhalatay amaaba gawar soomaaliyeed dhalinyarooy u fiirsada gabdhaha aad duleeyneeysiin waa idinla dhasheen waa idiin dhaleen waana idiin dhaxeey ragoow ka fiirsada falalaka aad ula dhaqmeeysiin hablaha soomaaliyeed

  • Ahmed Abdulqadir

    asc all aqayaarta waad arkeysaan qayaanada uu sameeyey in ay qooskiisa ku soo laabatay wiilkaan nacaska ah anagana digniin ayey noo tahay asigana ilaah ha hanuuniyo waxaana kula talin lahaa in uu gabadha uu qayaani rabay uu raali geliyo waana mahad santihin sida quruxda badan oo aad qisooyinkia noogu soo gudbiseen

  • Cabdi karim macalin

    Asc wr wb asxaabey waan idin salaaamay marka hore sida aad u dhantihiin warkaan markii aan qayaasay oo aan fiiriyay waa been ayaan dhihi lahaay waayo hadalka hadii la fiiriyo waa qalad

  • Cumar

    Asc marka hore qoralka wad isku qasten lkn sida an ufahmay walal ninka gabadha balanshow nacas ayaa tah oo xoolaa xayawan ayaana tahay sidee ugu fikirtay in gabar walashaa oo kalaa ad fara xumeyso walbo weyba ku ognshahaye mad guur xalala kadalbatid……….. Dardaran walalayal ragoow umarka kiyanada kadaaya safar beynu nahay halagu xisabtamo mel an lagu kala awod badneyn ayeynu tageyna yanan awod loshegan dumarka waa masaakin dumarow idinkuna iska ilalsha khiyanola yasha wixi dhacay wanka xumahay lkn waxa ega dardarna in an markale loo naqan ragoow is xil saara

  • wa yusuf macalin

    Asc wlh wa wax laga xumado gabadha miskinta ah e ku dhacday falka foshaxun e faxshiga ah lkn waxan in leyahay ninki ka xishon wayay ilahay iyo rasulkisa cahi wasalm bal ha ku wano qaato godka u qoday sida loga abal mariyaay dorba

  • General aadan dheere

    Wlhi waa la yaab xagey gabdhu ku badbadayan hadii wiilasha diinta ale ka tagan war ninki wax karad ahow gabdhaha difaac intaa nooshahay

  • Warsame maxamed xasan

    Wallahi runti wayku ficneyd nabsigi kaso baxa

  • Samatar

    Ugu horen wan idin slmy dhaman asxaabta sln kadib runti wan ka xumahay waxa ku dhacay wilka walalkena ah walashis lkn ogaada dhacdadaan oo kale waxa lo bahanyahay in lagu cibro qaato ogow wiilkasto somaali ah gabadha somalida ah wa walashaa hakula dhalato ama yeysan kula dhalan wa inad ixtiranta wadna mahadsantihin

Leave a Reply