Advertisements

Ra’isul Wasaare Saacid oo Wax aan horay loo arag Sameeyay. “Aqriso”

02/18 02:1110 commentsViews:

BALCAD MEDIA:  Tan Iyo Maalmihii dhowaa xaaladda Somalia wax walba oo aan lagu fikirin waa laga filayay, layaabna ma lahan warkan cusub ee aan iminka shaaca idin kaga qaadeyno ama aan kashifeyno.

Sida aan ku heleeyno Warar xog ogaal ah oo ay heshay Caasimada Online ayaa waxa ay sheegayaan in Ra’iisal wasaaraha Somalia Cabdi Faarax Shirdoon ( Saacid) uu  la-taliye ka dhigtay nin  Biritish ah oo ka socda Midowga Yurub.

Ninkan xafiiska Saacid uu la La-taliyaha cusub ka dhigtay waxaa lagu magacaabaa Justin Marozzi, oo ah qoraa iyo suxufi horey ula shaqeyn jiray hay’ado ay ka mid yihiin the Economist iyo Financial Times, iyo idaacadda BBC. [Halkaan ka eego warbixinada uu siiyey warbaahinta]

Intii u dhexaysay 2008-2011 Justin Marozzi wuxuu la-taliye u ahaa Ergada Midowga Afrika ku sugan Somalia. Justin Marozzi ayaa dhowaan maqaal ku qoray wargeyska Financial Times.

Justin Marozzi waxa uu sidoo kale k tirsnaa Waaxda Xasilinta ee dowladda Biritayn ( Stabilisation Unit). Shaqada Waaxda waxa si wadajir ah iskaga kaashada Xafiiska Arrimaha Dibedda, Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Qaybta Horumarinta Caalamiga.[Halkaan ka eeg website uu leeyahay justin Marozzi ]

Arrinta meesha taagan ayaa waxa ay tahay in marka ra’iisul wasaare dal uu yeesho la taliye ajnabi ah, taa macnaheedu uu yahay in sirtii qarankaasi ay u gacan gashay dal kale.

Ilaaiyo hadda ra’iisul wasaare Saacid si rasmi ah arrintan shaaca ugama qaadin, hase yeeshee Caasimada Online ayaa xog ku heshay oo kashiftay.

Sidoo kale lama oga tallaabada uu qaadi doono madaxweyne Xasan Sheikh oo isaga iyo kooxdiisa Damul Jadiid ay mar walba isku dayayeen in siyaasadda dalka oo idil ay gacantooda ku jirto, si aad ahna isha uga hayay tallaabooyinka Ra’iisul wasaaraha.

Inta Jeer ee la Aqrisatay : 3784
Balcad Media Network
Email : balcad@live.com

10 Comments

  • khadija

    war iska daaya fidnada oo illaahay ka cabsooda dalkeena inuu dudumo saxaafada ayaa ka wakiil ah goormaan nabad heleynaa hadii aad idinka naftiin u hadshaan sidii qof ajinai ah idinkaa ka danbeeya dalka 22 sano dhibta uu ku jirey iyo burburka.

  • Saciid ali

    Hadalka saxafada ma ahan hadal umada wax uqabanayo hadal lacag lagu rabo war gacmaha ka shaqeya hadal aa idin walaye umadana ha ijafeynina

  • Moh. Sh. A. Hamza

    Caalamka oo dhan lataliyayaal waa la yeeshaa ee micnaheedu ma’ahan in sirta oo dhan ay faraha u geleyo waayo waxa lagala tashanayaa waa wax go’an oo ku eg khibraddiisa kaliya.
    Soomaaliyey fidnada waxay ka darantahay dilka ee halaga fogaado. Wax walba yaan shaki iyo si xun loo arak. . ..

  • sharmake

    dadkan sheeganaya saxaafad mar walbana utaagan siday dadka iyo dalka ku burburin lahaayen waxa la idin laynaya waa waxaad kasbaten ee joojiya isku dirka umada islamka ah

  • 722929

    Balcad.com waa wasaq wasaqdeeda kale inin jirin waxan leyahay hawada hagasaro bacad iyo wixii kashaqeyaba dowladeenuna ha ilaliso websed walba oo lasoo qoro loona soo gudbiyo shacabka somaaliyed balcadna waxan leeyahay fuck you oll tugether sharp

  • Farah noor

    Waxaa haboonaan laheed kutiri kuteenta inaad iska dhaaftan oo war wanaagsan noo söo gudbisaan

  • Dhaqane

    Waxaan leeyahay warbaahinta kan ookale ayaakujira oo war xuma sheeg kaliya ah oogaaw waxaad sheegtid ood umada kadhaadhicisid bari waalaguwaydiinayaa adun iyo aqaro labadaba marka xataa hadii aad aragtay maha waxaas in aad umada soodhex dhigtid waxaad tihiin daad aan aqlaaq lahayn dhaqan xumo ayaa idinku dhici doota hadii aad saan kusii jirtaan wabkiinana waan idn daun doonaa

  • Dablariday

    Siyaasiinta Adduunka oo dhan waa leeyihiin khubaro ajanbi ah. Madaxweynyaashii Somalia soo maray illaa 1960 kulli waxay lahaayeen Lobists. Sirta Dalka iyo latlinta Siyaasiga wax xiriir ah kama dhaxeeyo. La Taliyahu waxuu talo ka siin karaa Prime Minster sidii loo hormarin lahaa xiriirka Caalimga ah ee Somalia iyo Dalalka uu Khibradda u leeyahay La Talyuhu. Waxaa La taliyuhu aqoon siyaasdaeed mid taariikh iyo mid dhaqan uu u leeyahay Dalalka Prime Ministerku Kala Tashanayo xiriirkooda. Sirta Qaranka lagalama tashado cid walba!!
    Aqoon la’aan baa idiin geysay inaad wax ceeba ka dhigtaan la tashiga khubarada caalimiga ah.

  • Macalin

    Waa kalsooni la’aan qofnimadiisa cadaynaysa iyo kalsooni la’aanta uu ka qabo shacabka Soomaaliyeed. Ma sidaasay doonayaan inay yidhaahdaan Somaliland ha nagu soo biirto, adeer horta idinku isku kalsoonada isna aamina intaydaan Somaliland ka daba waalan.Puntland, Jubaland, Galmudug, Xumin iyo Xeeb, Ahlu Sunna wajaamaca, iyo Mahinga horta iska xaliya.

  • ASC WAAD SALAAMAN TIHIIN DHAMAAN AQYAARTA HALKAN FIKRADAHA KALA DUWAN KASOO GUDBISAY WAXAAN RABAA INAAN U SHEEGO NINKA LA MAGAC BAXAY MACALINKA SAAXIIB ANIGA MCALIN KUMA DHIHI KAREE SAAXIIB FIKIRKAADA KU AADAN ARINTA MEESHA TAALO KA DHIIBO AFLAGAADO LAGUMA DHIHIN SOO JEEDI SIDAA DARAADEED WAX FIICAN KU HADAL AMA ISKA AAMUS MAGACA AAD WADATANA MEEL HA UGU DHICIN ILEYN MACALIN WAA QOF AY KA SOO GUUXEYSO XIGMAD ILEYN AQOON AYUU KU GAARAY MACALINIMADEE MISE TII XAAFADA WAAYE WAAD SALAAMAN TIHIIN MAR LABAAD AQYAARTA OO IDIL WSC

Leave a Reply