• Home
    • Wararka Maanta
    • Arimaha Bulshada
    • Xogta Qarsoon
    • Ciyaaraha
  • Xidiga caankaa ee Zidane oo beeniyay Inuu Kooxda Chelsea tababare u noqon doono
  • Xulka Nageria oo ku Guuleestay Koobka Qaarada Africa. “Top News”
  • Hello world!
xidigta kubadle DAAW24 baner buug qeylo madaxda

link

SOMALI LINKS

  • Axadle.com
  • Balcad.com
  • Caasimada.com
  • Daawo24.com
SOMALI LINKS

Safiirka Somaliya ee Addis Ababa oo iibsaday fiisooyinkii Turkiga

February 3, 2013 - Waxaa Qorey : Webmaster -

Arday Soomaaliyeed oo heer Jaamacadeed ah, qaarkoodna waxbarashadooda ku dhameystay magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia iyo magaalooyinka kale ayaa laga hor istaagay iney aqoontooda ku helaan deeq waxbarasho oo Dowladda Turkiga ugu deeqday ardayda Soomaaliyeed, kuwaasi oo loo diiday in ay imtixaan u galaan 16 fiiso waxbarasho oo lasoo gaarsiiyay Safaaradda Somalia ee Addis Ababa si ay ugu faa’iideyso ardayda ku sugan Addis Ababa.

Mid ka mid ah ardayda Soomaaliyeed ee laga hor istaagay in uu u galo deeqdaasi waxbarasho imtixaan ayaa sheegay in Safiirka Soomaaliya ee Addis Ababa Saciid Yuusuf uu si cad ugu wargeliyay ardaydii dooneysay in ay deeqdaasi u galaan imtixaan in aysan heli doonin hadii ay ku guuleystaan, qofkii dooneysana fiisahaasina ay ku xeran tahay inuu bixiyo Lix Kun oo Dollarka Mareykanka.

Wuxuu sheegay ardaygaasi oo magaciisa diiday in lasoo qoro, in ardaydii oo dhan aysan wax imtixaan ah gelin, iskuna mashquulin, balse qof walbo uu bixiyay Lix Kun Dollarka Mareykabka.

Todobaadkii hore ayaa ardaydaasi ay ka duuleen magaalada Addis Ababa, iyadoo laga iibsaday deeqdii waxbarasho ee Dowladda Turkiga ugu talagashay in looga faa’iideeyo ardayda Soomaaliyeed ee ku nool Addis Ababa, maadaama gudaha dalka kuwa ku sugan ay heleen deeqo kuwaasi la mid ah.

Tallaabadani uu safiirka Soomaaliya ee Addis Ababa ayaa waalidiin fara badan iyo ardayda ku nool Addis Ababa ay cambaareeyeen, iyagoo ugu baaqay Wasaaradda arrimaha dibada Somalia in ay soo farageliso howlaha guracan ee Safiirka uu kula dhaqmayo muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Inta Jeer ee la Aqrisatay : 352

logo4

5 Responses to Safiirka Somaliya ee Addis Ababa oo iibsaday fiisooyinkii Turkiga

  1. Qadar max'ed isaaq says:
    February 3, 2013 at 02:11

    Wlhi waxa aad iyo aad uga xumahay ardeyda somaliyed oo lagu hayo gumeysi weyn dowlada waxan leyyahay arinta wax haka qawato wayo dhalan yarada waa dhalan yaradi wax wadanka uu qawan lahaye safirka itobiya fadhiyo ha dhaco ha dhaco wa tug tug weyn hadi deeqda wax barashed damacdey hadana ka si ibsatey wlhi adunyo kuma hureysid ha dhaco safirka adis ababa fadhiyo ha dhaco ha dhaco !! madaxweyn abiihi umada hada tahay dadka xaqa dhora dhalanyada jogto magalada adis ababa wax uu qawo adiga wax uu qawan kare hada tahay dacad mdxweyn dadka noga dhici xaqa wa ku baryena mdxweyn mdxweyn mdxweyn ……..???

    Reply
  2. Shamaana says:
    February 3, 2013 at 02:11

    Asc wr wb.
    Salaan ka dib hadii ay cadaato arintaas in uu safiirka sameeyey.
    Deg deg maxkamad dalka gudihiisa ah haloo soo taago.

    Reply
  3. Hassan fowdo dk says:
    February 4, 2013 at 02:11

    a. wawaxlaga xumado in lagu tilmaamo safiir nin dadka dhiigoda gadamayo waxaana rajeyha in aay dowlada waxkaqabato wana kufarax sanahay sida aad usheegten waxaana iga talaa in aad dabagashan dadka nucan ookalaa w.towfiiq

    Reply
  4. maxamud says:
    February 5, 2013 at 02:11

    Soomali ayaadaba cadaw isku ah nin dhan oo masuula hadana aan masuuliyadiisa kasoo baxeen waa noo sharaf daro hadii uu mas uul kasii ahaado safaarada waa in laceyriyaa

    Reply
  5. moha says:
    February 6, 2013 at 02:11

    waxan oran laha arintas waa arin aad loga xumado hadi ay arin tasi cadato waxa lagama marman ah in wasirka sharciga wadanka lamariyo

    Reply

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

live Baner Alldhacdo.com madin qurxiye
© 2011-2012 Balcad Media . All rights reserved.
Design by Madiina ICT .