• Home
    • Wararka Maanta
    • Arimaha Bulshada
    • Xogta Qarsoon
    • Ciyaaraha
  • Xidiga caankaa ee Zidane oo beeniyay Inuu Kooxda Chelsea tababare u noqon doono
  • Xulka Nageria oo ku Guuleestay Koobka Qaarada Africa. “Top News”
  • Hello world!
xidigta kubadle DAAW24 baner buug qeylo madaxda

link

SOMALI LINKS

  • Axadle.com
  • Balcad.com
  • Caasimada.com
  • Daawo24.com
SOMALI LINKS

Shaqaaleyn siinta wasaarada warfaafinta xiligaan (Xog Sir ah)

February 20, 2013 - Waxaa Qorey : admin -

Waxaa warar sir ah aan ka helnay wasaarada warfaafinta ee xukuumada Soomaliya, waxaana wararkaasi ay sheegayaan in markii la magacaabay wasiir ku xigeen wasaarada warfaafinta Ibraahim Isaaq Yarow uu la kulmay Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Shiiq Cusmaan Jawaari.

Kulankaasi ayaa la sheegay in ay ka soo baxeen qodobo ay ka midtahay in daryeel loo fidiyo wariyaasha Maayga ku hadla, waxaana la sheegay in lagu hi shiiyay in wasaarada warfafinta laga siiyo fursado wanaagsan, gaar ahaan xilalka ugu weeyn.

Natiijada kulankaasi ayaa noqotay in wasaarada laga shaqaaleyso ku dhawaad 100 wariyaal oo ku hadla Maayga, hadaba xogtaas ayaan ka helnay xogheeynta labada xafiis ee kulmay midkood.

kulankaasi kadib ayaa waxaa wasaarada shaqo laga siiyay wariyaal maay ah waxaana wariyashi hada shaqada lasiiyay ugu magac weeyn Ibraahim Guudle Isxaaq, iyo Hanad Cali Guuleed,iyo kuwo kale.

Wali ayaa waxaa harsan tiro kale oo shaqo laga sii doono Radio Muqdisho, TV dowlada iyo shaqooyin kale oo wasaarada warfaafinta ah wariyaashaas waxaana Radio Muqdisho oo kale la sheegay in la,isku dayayo in la balaariyo wararka afka maaygaa ku baxa, si fursad ay uga helaan halkaa wariyaasha Radio Muqdisho.

Dowlada Soomaliya dhamaan madaxdeeda ayaa sheegay in ay la diriri doonaan musuqmaasuqa iyo wax isdaba marinta, iyo qabyaalada taasi ayaa haatan soo if baxaysa iyadoo haatan dowlada lagu eedeeyay in xilal muhiim ah looga magacaabay xisbiga madaxweynaha, haatan ay doonayaan in xilal loo magacaabo masuuliyiin ka tirsan xisbigii madaxweynaha uu ka soo jeeday.

Inta Jeer ee la Aqrisatay : 328

logo4

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

live Baner Alldhacdo.com madin qurxiye
© 2011-2012 Balcad Media . All rights reserved.
Design by Madiina ICT .