Advertisements

Sheeko Cusub: Dhimasho ayaan ka xigaa in aan dib kuu soo jeclaado. “Part 1″

03/01 02:11. 1 commentViews:

Jimco Wanaagsan Saaxiibada ku Xiran Shabalada Caalamiga ee Balcad.com waxaan idiin sheegeeynaa in aan Jimco Walba Idiin soo gudbin Doono Sheeko Xiiso badan oo Akhristayaal badan ay inaga codsadeyn in aan raadino Sheekadaan oo ah Qiso Xanuun Badan.

Hadaba Hordhac: Sheekadaan waa sheeko jaceyl, waa qiso dhab ah oo ay qabsatay laba lamaana Soomaaliyeed, qisada ayaa ah mid xambaarsan murugu iyo tiiraanyo, sheekadaan waxaa qalinka u qaatay qoraaga Daalac Daahir Shoot.

Anisa waa gabar ka soo jeedo qoys ladan, hanta iyo nimco Allah ugu nimceeyay, Aniso waalidkeeda wuxuu ahaa mid ad adag markasta koontaroola xaalada Anisa, waalidka Anisa waxay la jecel yihiin gabadhooda in ay heer ka gaarto dhanka waxbarashada, sida waalidiinta kale u jecelyihiin in ubadkoodu noqdo kuwa wax barta mustaqbal wacan leh, Anisa waa gabar qurxoon, waana gabar dheer, ilko siman oo qurxoon leh, dhoola cadeeskeeda ayaa ragga inta badan sameesaa, Anisa waxay wax ka baran jirtay school ka Imaamu Shaafici ee Magaalada Muqdisho, waxay aheed gabar inta badan la soo doono gaari lagu qaado, waxaa soo dooni jiray aabaheed, waxay aheed gabar ladan dhib dhan ka muuqan, iska faraxsan.

Anisa guriga ay daganyihiin waxaa ku batay in habeen kasta uu usoo dhaco tuug, markii dambe waxay go’aan sadeen in guriga loo yeelo waardiyo si looga nabad galo tuugada caadeesatay in ay habeenkasta dhac u geestaan, waxaana waar diyo looga dhigay wiil mar dhow laga keenay baadiyaha Xamar ku tabaaleesan, wiilka oo lagu magacaabo Ridhwaan, Aniso waxay ka heshay wiilka waardiyaha waxayna u qaaday jaceyl, habeenkasta waardiyaha waxay u sameesaa casho aad u macaan dhanankeeda sareeyo, Anisa looma ogolo in ay jikada gasho, wax alaale waxay ubaahato cunta ah waxaa usoo diyaariso booyaasta (shaaqaalaha guriga oo gabar), Anisa waxay ku andacootaa in ay cuntada iyada karisay ay ka jeceshahay cuntada ay kariso booyaasta, waalidka Anisa markasta wuxuu buriyaa uu ceeriyaa booyaas kasta oo cunto fiican u karin Anisa, laakiin Anisa jikada waxay ugashaa sidii ay ku kasban laheed wiilka waardiyaha, uma quurto in uu cuno wax ay karisay gabar shaqaalaha ah,

Waalidka Anisa wuxuu ogaaday in gabadhooda ay xiriir la leedahay waardiyaha guriga, Ridhwaan wuu ku qanacsanaa Aniso maadaama ay tahay gabar wanaagsan noloshiisa isbadal ku keentay, xitaa Aniso waxay siin jirtay biil gaar ah oo ka duwan kan ay bixiyaan waalidkeeda, Ridhwaan uma muuqdo markaan nin waardiyo ah marka la fiiriyo labiskiisa iyo muuqaal ahaantiisa, waalidka Aniso way ku baraarugeen in gabadhooda xiriir aan caadi aheen la leedahay waardiyaha, Aniso waa lala taliyay in ay ka harto ninkaan waardiyaha ah, hadii ay u baahato nin la siinayo nin dhanka nolosha ku level ah iyada, Aniso hadalka waalidka uma sii dhagtaagin mana tix galin, waayo waalidka wuxuu caqabad ku noqday jaceylkeeda waxayna yasmo iyo quursi ka dhigeen ninka ay jeclaatay, xiriirkoodu wuxuu sii ahaa mid qarsoon,

Balse Aniso waxaa ku batay fikirka ay u qabto Ridhwaan way yara caatowday, jirkeeda ayaa is dhimay, waalidka Aniso wuxuu go’aan saday in waardiyaha la buriyo si gabadhooda uga nabad gasho wiilka waardiyaha, Ridhwaan waxaa laga ceeriyay gurigii uu waardiyaha ka ahaa, Aniso kuma farxin tilaabada ay qaadeen waalidkeeda, waxayna tiri hadii Ridhwaan la buriyo anigane guriga waan iskaaga tagayaa, talada guriga markasta waxaa iska leh waalidka, laakiin waalidka muka lahan qalbigeeda, qalbigaaga waxaa haga dareenkaaga, Aniso si qarsoodi ah ayee lacag usiisay Ridhwaan waxayna tiri ku iibso mobile haka walwalin lacagta aniga ayaa kuugu shubayo, markasta igu soo wargali xaaladaada, Ridhwaan markii uu soo iibsaday mobile isla markiiba waa laga dhacay mobile ka, sidoo kale lacago uu heestay uu aruursan jiray waa laga dhacay, nolosha Ridhwaan waxay noqotay niyad jab.

La soco Qeybta 2aad

W/Q: Daalac Daahir Shoot
E-mail: sheekojaceyl@hotmail.com

Inta Jeer ee la Aqrisatay : 3525
Balcad Media Network
Email : balcad@live.com

1 Comment

  • Hassan

    Balcad.com waxad hagajisan dhinaca quraalka gaa gaab kadhega si loowada aqristo mahadsaniden

Leave a Reply