Advertisements

Top News: Xagee ku Ogeeyd Madaxda Alshabaab. “Warbixin”

02/24 02:112 commentsViews:

BALCAD MEDIA:  Tan iyo Markii Al-Shabaab ay waayeen magaalooyin badan oo muhiim u ahaa isla markaana ku yaala gobalada Soomaaliya, maamuli jireenah Sanado badan ayaa waxaa kala firxaday Hogaamiyaasha ugu sareeya Kooxda.

Horjoogayaasha Kooxda Alshabaab oo isugu jira Soomaaliya yo Ajaanib isla markaana kala kala sareeya ayaa haatan mid walba wuxuu ka dhacay meel gaar ah, inkastoo qaarkood ay isla joogaan.

Sida ay ku waramayaan Dadyoowga la socda Dhaq dhaqaaqyada  kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida ee Al-Shabaab ayaa sheegaya in ay kala fogaadaan Hogaamiyaasha Al-Shabaab ay sabab u tahay kal sooni daro soo kala dhexgashay labadii Sano ee ugu danbaysay.

Ilo Wareedyo lagu kalsoonaan karo oo ku aadan meelaha ay u badanyihiin hogaamiyaasha Al-Shabaab qaarkood, inkastoo ay yihiin kuwo guur guura markasta ayaga oo ka fikiraya in la soo beegsado, ama la soo weeraro.

Horjoogaha Ugu sareeya Al-Shabaab oo lagu magacaabo Axmed Godane, laakiin la baxay Muqtaar Abuu Subayr, iyo waliba saraakiil kale oo aanan magacyadooda la sheegin oo aad isugu kal soonyihiin ayaa waxay ku dhuumaalaysanayaan deegaano ka jirsan Shabeelaha Hoose, waxaana ay u badanyihiin dhulka Miyga ah, iyadoona mar mar uu tago Abuu Subayr magaalada Barawe oo ah mid ah meelaha ugu muhiimsan oo Al-Shabaab wali ay maamulaan.

Dhanka kale waxaa si caadi ah u dagan magaalada Baraawe masuuliyiin uu ka midyahay Sheekh Xasan Daahir Aways oo ka mid ah saraakiisha Al-Shabaab laakiin aanan xilal sar sare aanan ka hayn.

Horjooge Sheekh Muqtaar Roobow Cali Abuu Mansuur ayaa wuxuu ku suganyahay deegaano ka tirsan gobalka Baay sida ay xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay.

Horjoogaha Afhayeenka Al-Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) iyo Fu’aad Shangole, oo ayaguna ka mid ah raga sar sare ee Al-Shabaab ayaa waxay u badanyihiin socod waxaana markasta ay tagaan deegaano hor leh oo ka mid ah dhulka ay kooxdu wali maamusho, sidoo kale Cali Dheere ayaa Bishii lasoo dhaafay lagu arkay Gobolka Galgaduud ee Bartamaha Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa jira Saraakiil kale oo ka tirsan Al-Shabaab oo u gudbay dhanka deegaanada Maamulka Puntland gaar ahaan dhulka buuraha leh ee gobalka bari.

Hogaamiyaasha ugu sareeya Al-Shabaab ee ku kala sugan meelahaasi kala duwan inta badan kulamo toos ah ma yeeshaan qaarkoodna isla markin mudooyin badan laakiin waxaa yiri xiriir ka dhaxeeya oo kala warqaadasho ah.

Awooda Al-Shabaab oo sii wiiqmaysa ayaa waxaa sabab looga dhigaya kal soonidii iyo is aaminaadii ka dhaxaysay kooxdaan oo gabi ahaanba burburtay, iyo Ajaanibta Al-Shabaab oo ka baqaya in ay shirqoolaan qaar ka mid ah xubnaha kooxda.

 

 

Xaquuqda: Keydmedia

Inta Jeer ee la Aqrisatay : 3226
Balcad Media Network
Email : balcad@live.com

2 Comments

  • Bulbul hilowle

    Asc walaalayaal
    kooxdaani waxaa laga bartay
    falal aan sal iy raadna ku laheey deenteena iyo dhaqankeena alaahna waxaan ka rajaynaynaa siday u dhuumanayaan inay baahi u baqtiyaan kuwooda laqaldayna alaah ha soo hanuuniyo oo umudooda haku soo daro

Leave a Reply