Meydka askari ilaalo ka hayay Markab ganacsi oo la helay.
This article was Published at: 16-04-2009 and has been viewed 356 times
Mid ka mid ah askarta dowladda KMG oo saarnaa markab ganacsato Soomaali ah u rarnaa oo ay sheegeen in laga waayay dekadda Magaalada Muqdisho ayaa meydkisa laga helay xeebaha Muqdisho, iyadoo sidoo kalena la helay mid ka mid ah askarta kaasoo xaladiisu ay liidato.

Sida uu Saxaafadda u sheegay  mid ka mid ah shalaalaha dekadda weyn ee Magaalada Muqdisho meydka askarigani iyo midka kale ayaa la helay  kaddib markii la waayay Markab u rarnaa ganacsato Soomaaliyeed oo ku xirnaa dekadda weyn ee Magaalada Muqdisho oo saarnaayeen askartaan  meydkooda laga helay meel u dhow xeebta Jaziira ee duleedka Magaalada Muqdisho.

Askariga dhintay iyo kan haatan xaldiisa laga deyrinayo ayaa waxaa la sheegay in kooxihii markabka la saarnaa ay gudaha badda ku tuureen habeenkii Axad ahayd ee la soo dhafay iyadoo aan la ogeyn ilaa iyo haatan halka ay jiho ahaan ula dhaqaqeen markabka.

Markabka ay saarnayeen askarta Maanta meydkooda iyo dhaawacooda laga helay xeebta Jaziira ayaa waxaa habeeno ka hor kooxo askar ah oo loogu tala galay in ay ilaalo ka qabtaan markabka ka kaxeeysteen dekadda weyn ee Magaalada Muqdisho.

Mahad Hilaal oo ah Wakiilka Markabkani oo warbaahinta la hadlayey waxaa uu sheegay in markabka ay wayeen xilli ay dul saarnaayeen Askar ka tirsan ilaalada dekadda weyn  ee Magaalada Muqdisho iyo sarkaal ka mid ah ahaa shaqlaaha markabkaasi.

Ilaa iyo hadda lama oga xaaladda rasmi ahaa uu ku suganyahay Markabka iyo sarkaalka shaqaalaha ka ahaa ee saarnaa, iyadoo meydka askarta ka tirsaneyd kuwii ilaalada ka hayay Markabkaasina uu cadeyn u noqon karo in marabka qafaalasho loo geystay.

COMMENTS ( No Comments available )
Page
 

Your e-mail :

Your Comment:




 
ARTICLES
Live Radio Codka Nabada
Saturday, August 14 2010
Kutabey iyo Nimco Dareen
Tuesday, August 10 2010
CALAAMADAHA UURKA BILAWGA AH
Sunday, August 01 2010
INTERVIEWS
SOMALI LINKS
4somaliwomen
Allwariye
Alxaq
Balcad
bbc
Burtinle
Buurta
Caliyaale
Camaloow
Ceelbuur
Ceelbuur
Ceelderaad
Ceelqaboobe
dalkanews
Dhagaxtuur
Falaar
Garowe
Gedo
Gedonet
Halgan
Hamarey
Hiiraamweyn
Hiiraan
Hilinkatoosan
Hillaac
hobyo
Horn Afrik
Jowhar
Jowharonline
Laascaanood
Maaryaa
Mareeg
Mareeg
Marka Cadey
Markacadeey
Miisaanka
Mudulood
Onkod
Qaadisiya
Qaranimo
Raxanreeb
Saafiflims
Saaxil
Saxafa
somaliatoday.net
somalifan
Somalitalk
© Copy Right 2010 www.balcad.com | All Rights Reserved
Site Designed, Developed & Powered by: Ileys Technology Inc.