Q.M oo cambaaraysay Kooxaha Burcad.
This article was Published at: 16-04-2009 and has been viewed 212 times
Qaramada Midoobay ayaa si kulul u cambaaraysay falaka Burcad badeednada ee ku sii badanaya Xeebaha Soomaaliya xili Burcad badeednu ay kordhisay falalkaasi.

Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoway u Qaabilsan Arrimaha Soomaaliya, Ahmedou Ould-Abdallah ayaa sheegay in falkan burcad badeednimada ah uu noqday masiibo caalami ah oo dhaawacaaya muwaadiniinta Caalamka iyo kuwa Soomaaliyeed ee gobolka iyo aduunkaba.

"Waxaan si aad ah u aaminsanahay in talaabooyinka  la taaban karo ee ku aadan joogteynta iyo soo kordhinta tirada maraakiibta caalamiga ah ee jooga dhulka xeebaha Soomaaliya ka baxsani ay yareyn doonto, ciriirina gelin doonto falka buracad badeednimada” ayuu yiri Axmedou Ould-Abdallah.

"Haddii maraakiibtan caalamiga ah ayna joogi lahayn  masiibada burcad badeednimada la xiriirta intan waa ka xumaan lahayd" ayuu sii raaciyey.

"Dalalka ka qeybqaadanaya joogitaanka ciimada caalamiga ah  waxay qabanayaa shaqo aad u haboon, laakiinse dhulka la rabo inay ka howlgalaan ayaa aad u weyn, falkii is difaacida ahaa ee ay dhowaan   fuliyeen dawladaha USA iyo France waxay farriin adag ah u dirasaa burcad-badeedka gaar ahaan kuwa taageera ee ka faa'deysanaya  masaakiinimada iyo rajo la'aanta haysata dhalinyaradooda shaqada la'aanta ah" ayuu sii daba dhigay Ould-Abdallah.

Ergayga gaarka ah ee qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya waxaa uu yiri maanta ugu yaraan 300-ruux iyo 17-markab ayaa waxaa afduub u haysta koox yar oo dantoodu keliya ay tahay inay   si sharci darro ah faa'iido u kororsadaan, haddaba in la helo xal ciidan waa muhiim waana in arintan barbar socotaa hurumarin la taaban karo ee  dhinaca shaqo abuurista iyo horumarka ah.

"Si loo xaqiijiyo in xasilooni loo helo Soomaaliya, wadamada gobolka iyo xuriyadda biyo-mareenadaba waa in si dhaqsi leh loo tilmaamaa lalana xisaabtamaa  kuwa dhaqaale ahaan kaalmeeya burcad badeednimada" ayuu hadalkiisa ku soo gaba gabeeyay Axmedou Ould-Abdallah.

Hadalka ergayga gaarka ee Qaramada Midoobaya ayaa kusoo aadaya xilli maalmihii u dambeeyay kooxaha burcad badeeda ay sii xoojiyeen falalka ay ku qafaalanayaan maraakiibta shisheeye ee maraysa Biyaha Soomaaliya iyo gacanka Cadmeed.

COMMENTS ( No Comments available )
Page
 

Your e-mail :

Your Comment:




 
ARTICLES
Live Radio Codka Nabada
Saturday, August 14 2010
Kutabey iyo Nimco Dareen
Tuesday, August 10 2010
CALAAMADAHA UURKA BILAWGA AH
Sunday, August 01 2010
INTERVIEWS
SOMALI LINKS
4somaliwomen
Allwariye
Alxaq
Balcad
bbc
Burtinle
Buurta
Caliyaale
Camaloow
Ceelbuur
Ceelbuur
Ceelderaad
Ceelqaboobe
dalkanews
Dhagaxtuur
Falaar
Garowe
Gedo
Gedonet
Halgan
Hamarey
Hiiraamweyn
Hiiraan
Hilinkatoosan
Hillaac
hobyo
Horn Afrik
Jowhar
Jowharonline
Laascaanood
Maaryaa
Mareeg
Mareeg
Marka Cadey
Markacadeey
Miisaanka
Mudulood
Onkod
Qaadisiya
Qaranimo
Raxanreeb
Saafiflims
Saaxil
Saxafa
somaliatoday.net
somalifan
Somalitalk
© Copy Right 2010 www.balcad.com | All Rights Reserved
Site Designed, Developed & Powered by: Ileys Technology Inc.