Dadka ku nool xaafadda Suuq Bacaad ee degmada Yaaqshiid ayaa waxaa ay walaac ka muujiyeen xiisado u dhaxeeya xoogaga Muqaawamada oo xaadafaasi ka taagan.
Dadkaan ku dhaqan xaafadda Suuq Bacaad ee degmada Yaaqshiid ayaa sheegay in xiligaani ay soo wajahday cabsi xoogan oo u badan xiliyada habeenkii ah kadib markii xaafadda Suuq bacaad ay ku soo bateen isku dhacyada dhexmara xoogaga Muqaawamada oo mudooyinkii ugu dambeeyay ay u dhaxeeysay xiisad colaadeed.
Dadka deegaanka ayaa waxaa ay sheegeen in habeenadii ugu dambeeyay ay soo noq noqtay israsaaseynta dhexmarta dhinacyada Muqaawamada ee ku wada sugan degmada Yaaqshiid iyadoona falkii ugu dambeeyay xalayto uu ka dhacay isla xaafadda Suuq Bacaad goob ay ku sugnaayeen xoogagga Muqaawamada ay ku dhaawacmeen sedax ka tirsan xoogga halkaasi ku sugnaa.
Cabsidaan soo wajahday dadkaani ku dhaqan Xaafadda Suuq Bacaad ayaa ka dambeeysay kadib markii habeenadii ugu dambeeyay ay soo bateen weeraro ay si gaadmo ah isugu qaadaan xoogagga ka wada tirsan Muqaawamada oo kuwda sugan degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir taasoo aan si dhab ah loo ogeyn wax sababay isku dhacyada soo noq noqday ee u dhaxeeya dhinacyadaasi.