Baarlamaan KMG ah ee Soomaaliya ayaa ugu baaqay xukuumadda Somalia in ay soo hordhigaan Baarlamaanka Heshiiska badda ee Kenya iyo Somalia
Gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee golaha Baarlamaanka Dowlada Soomaaliya prof. Max'ed Cumar Dalxa oo la hadlayey warbaahinta ayaa waxaa uu tilmaamay in lagama maarmaan ay tahay in xukuumada ay soo hordhigto golaha Baarlamaanka DFKMG ah arita heshiiska dhanka bada ay wada saxiixdeen labada dal si looga dodo ka dibna go'aan loogaga soo saaro.
Prof Dalxa oo ka jawaabayay su'aal ahayd suurto galnimada ka doodista arintan iyo in loo daynkaro Dowladda ayaa waxaa uu sheegay in tani ayan ahayn mid ah marnaba aqbalayaan siweyna ugu baaqayaan in la horkeeno baarlamanka.
waxuuna Prof Dalxa carabka ku dhuftay in uusan wasiir ka tirsan golaha wasiirada Soomaaliya uusan kaligiis go’aan u lahayn in uu saxiix noocaan oo kale ah la galo Dowladaha Aduunka kuwa Africa siiba kuwa dariska ah.
Arintan ku aadan heshiiska dhanka bada labada dal Soomaaliya iyo Kenya ayaa markii ay soo ifbaxday waxaa ay ka dhex dhalisay qeybaha siyaasada Dalka Soomaaliya muran iyo hadalo la isku adeegsaday qalabla warbaahinta iyadoo sida ay u muuqatana arintan ay keentay in ay baarlamaanka Soomaaliya codsadaan in la hor keeno si ay u ansixiyaan ama ay u diidaan taasina ayaa la oran karaa ma ahan heshiiskan mid loo wada dhan yahay.
waxay ahayd horaantii bishan aynu ku jirno markii ay wada saxiisdeen Dowladaha Kenya iyo Soomaaliya heshiiskan waxaana u saxiixay heshiiskan dhanka Soomaaliya Wasiirka iskaashiga iyo xiriirka Caalamiga ah C/raxmaan C/shakuur iyadoo dowladda Kenyana uu u saxiixay Wasiirka Arimaha Dibadda Kenya Moses Wetangula.