Heshiis la dhexdhigay beelo dhawaan ku dagaalamay Jamaame.
This article was Published at: 16-04-2009 and has been viewed 366 times
Heshiis nabadeed ayaa laga gaaray beelo dhawaan ku dagaalamay deegaano ka tirsan degmada Jamaame ee gobolka J/hoose.

Heshiiskaan laga gaaray dagaaladii dhawaan ka dhacay deegaan ka tirsan degmada Jamaame ee gobolka J/hoose  ayaa ka dambeeyay kadib markii maalmahaan halkaasi ay ka soconayeen kulamo nabadeed oo ay garwadeen ka ahaayeen Odayaal dhaqameed iyo waxgrad reer Jamaame ah.

Labada dhinac ee la heshiisiinayo ayaa ah maamulka islaamiga ee degmada Jamaame iyo waliba kooxo maleeshiyooyin ah oo maamulka ciidamadiisa la dagaalamay dhawaan.

Waxyaabaha ay ku heshiiyeen labada dhinac ayaa waxaa ka mid ah in si nabad galyo ah deegaanka lagu wada noolaado oo cidana aysan abuurin rabshado iyo dhibaatooyin kale oo amaanka ka soo horjeeda iyo in sidoo kale maleeshiyooyinka uu maamulku cafis u fidiyo oo si nabad galyo ah ay u soo galaan magaalada islamarkaana ay damaanad qaadaan haddii maleeshiyadu ay dhib la yimaadaan odayaasha iyo waxgaradka beesha ay ka soo jeedaan.

Cumar Max'uud oo ku sugan degmada Jamaame ayaa Saxaafadda u sheegay in dhinacyadaasi ay si fiican isku fahmeen islamarkaana la isku afgartay in nabadda laga wada shaqeeyo.

Odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka ku howlanaa dadaalada nabadeenta ayaa iyagu ku farxay heshiiskaasi, iyadoo sidoo kale dadka deegaanka Jamaame ay si weyn u soo dhaweeyeen nabadda laga  gaaray dagaaladii ka dhacay deegaanka Buulow Bacaad oo dadi ay ku dhinteen kuwa kalena ay ku dhaawameen.

COMMENTS ( No Comments available )
Page
 

Your e-mail :

Your Comment:




 
ARTICLES
Live Radio Codka Nabada
Saturday, August 14 2010
Kutabey iyo Nimco Dareen
Tuesday, August 10 2010
CALAAMADAHA UURKA BILAWGA AH
Sunday, August 01 2010
INTERVIEWS
SOMALI LINKS
4somaliwomen
Allwariye
Alxaq
Balcad
bbc
Burtinle
Buurta
Caliyaale
Camaloow
Ceelbuur
Ceelbuur
Ceelderaad
Ceelqaboobe
dalkanews
Dhagaxtuur
Falaar
Garowe
Gedo
Gedonet
Halgan
Hamarey
Hiiraamweyn
Hiiraan
Hilinkatoosan
Hillaac
hobyo
Horn Afrik
Jowhar
Jowharonline
Laascaanood
Maaryaa
Mareeg
Mareeg
Marka Cadey
Markacadeey
Miisaanka
Mudulood
Onkod
Qaadisiya
Qaranimo
Raxanreeb
Saafiflims
Saaxil
Saxafa
somaliatoday.net
somalifan
Somalitalk
© Copy Right 2010 www.balcad.com | All Rights Reserved
Site Designed, Developed & Powered by: Ileys Technology Inc.