Taliyaha Xabsiga dhexe ee Baladweyne ayaa ka war bixiyay Xaalada in ka badan 50-Maxaabiis ah oo xabsigaasi ku jira kadib shir jaraa'id oo uu ku qabtay Magaalada Baladweyne.
Shiikh Ibraahim Cumar Cabdi taliyaha xabsiga dhexe ee magalada Baladweyne waxa uu sheegay in haatan xabsiga ay ku xiranyihiin in ka badan 55-maxubuus kuwaasi oo uu sheegay in danbiyo kala duwan lagu soo edeeyay, waxaan uu sheegay in xaalada maxaabiista ay haatan tahay mid wanaagsan.
Taliyaha xabsiga dhexe waxa uu sheegay in dadka maxaabiista ah ay isugu jiraan kuwa gacan ku dhiiglayaal ah qaar laga soo qabtay wadoyinka gobolka iyagoo falal burcadnimo ku guda jira, halka qaarna lagu soo qabtay iyagoo isticmaalaya waxyaabaha maanka dooriya, waxaana uu xusay in dhamaantood ay yihiin kuwa xukun sugayaal ah dhawaana maxkamad lasoo taagi doono.
Shiikh Ibraahim Cumar Cabdi taliyaha xabsiga dhexe ee Magalada Baladweyne waxaa uu sidoo kale sheegay in Maxkamada gobolka ay horay xukun ugu fulisay dad tiro badan oo in mudo ah xabsiga ku xirnaa sida xukun qisaas ah, tacsiir, iyo xabsi muddo sanado ah.
Tan iyo markii Maxkamadaha Islaamiga ay la wareegeen gacan ku hayna gobolka Hiiraan gaar ahaan Magalada Baladweyne ayaa waxaa jiray howlagallo ay sameeyeen ciidamada Maxmakadaha islamarkaana dad badan lagu soo qab qabtay, laakiin ma cada xilliga Maxaabiistaani lasoo taagi doona sharciga si loo xukumo.