Bismillahi Alraxmaani Alraxiim.
Soomaalidu waxay muslim ahayd muddo dheer.Inkastoo aan si dhab ah loo aqoon waqtiga diinta Islaamku soo gashay geyiga soomaalida,haddana waxaa dad badani qabaan in Hijradii 1aad ee qaar ka mid ah Saxaabadii Nebiga(Caleyhi salaatu wa salaam)
ay xabashida u soo qaxeeni inay raad ku leedahay faafidda diinta ee Geeska Afrika.Markii dhulmareenkii caanka ahaa ee Ibn Batuuta uu marayey xeebaha Soomaaliya bartamihii qarnigii 14aad Miilaadiga wuxuu xusay in dadka soomaalidu ay dhammaan yihiin dad muslimiin ah.Taasoo iyadu caddaynaysa in diinta Islaamku waqti aad u fog ku faaftay dhulka soomaalidu degto.
In kastoo la sheegay inay jireen qofqof culimmo ah oo ku dhaqmi jiray mad-habado kale,haddana soomaalida inteeda badani waxay ahaayeen kuwa ku dhaqma mad-habta Shaaficiyada.Waxaa iyaguna xoog ku lahaa dariiqooyinka suufiyada oo ay ugu xoog badnayd Qaadiriyadu.Culimmadii mad-habta Shaaficiyada iyo dariiqooyinka suufiyada kama dhaxayn hardan weyni taasoo ay lug ku lahayd in dariiqooyinka suufiyadu ay fiqiga ka qaadan jireen isla mad-habtaas.Waxaa la oran karaa culimmada soomaalidu dhammaantood waxay ku dhaqmi jireen mad-habta Shaaficiyada,laakiin dhammaantood suufiyiin ma ahayn.Isu dulqaadkaas wuxuu kaloo la xiriiray dhaqankii ka jiray dunida islaamka oo idil,kaasoo ku salaysnaa in Ilaah la wada caabudo iyadoo qof kasta ra,yiga mad-habtiisa raacayo.Mad-habadaha muslimiintu wuxuu ku salaysnaa sidii loogu kala duwanaaday fahamka Quraanka iyo axaadiista Nebiga(CSWS),waana wax dabiici ah oo dadku marna isku si wax kasta uma arki karaan.Hadalkii Imaam Al-shaafici ee ahaa :”Aniga ra,yigeygu waa ila qumman yahay waana suurta gal inuu khaldan yahay.Ra,yiga qofka kalena aniga waa ila khaldan yahay,waxaase dhici karta inuu isagu saxan yahay!”ayaa wuxuu noqday qaaciddo muslimiintu isku xaq dhawrto.Culimmadii hore ee muslimiinta ee ka qayb qaatay dhismaha iyo qaabaynta mad-habaduhu waxay ku cibro qaateen dhaqdhaqaaqii Khawaarijta.Dhaqdhaqaaqaasi waxay caan ku ahaayeen gaalaysiinta dadka iyaga ka ra,yi duwan iyo weliba bannaysiga dhiiggooda.Bannaysiga dhiigga dadka iyaga ka ra,yi duwan ayuuna ahaa tii keentay in lala dagaalo.In kastoo uusan gaalnimo ku xukumin,haddana Cali bin Abiidaalib(RC) wuxuu ku qaaday dagaal si dhibtooda looga nabad galo.Dagaalka naftiisa wuxuu qaaday markuu wax kasta oo hadal ah kala quustay.Sidaa daraaddeed waxay culimmadii Islaamku isku raaceen in gaalaysiinta dadka muslimminta ah tahay dembi weyn,dhiiggooda oo la daadshaana tahay dembiga ugu weyn ee la galo.Culimmadii soomaalidu iyagoo dhaqankaas dheer ee soo jireenka u ahaa ummadda muslimiinta ka dabqaadanaya ayey u suurta gashay inay nabad ku wada noolaadaan.
Dhammaadkii Lixdanaadkii wax weyn ayaa iska beddelay dhaqan-diimeedkii soo jireenka ahaa ee soomaalida,taasoo ay la qabtay dunida islaamka inkastoo daruurta isbeddelku soomaalida ka soo yara daahday marka la barbar dhigo dalalka kale ee muslimiinta.Waxaa dalka waqtigaas si habsami ah usoo galay fikradihii Kicitaanka islaamiga(Saxwatul islaamiyah) oo ay hor boodayeen ururkii Ikhwaanul muslimuun iyo Kuwii xarakada Wahaabiyada.Inkastoo labada ururba ay u ololeynayaan ku dhaqanka Shareecada Islaamka iyo baraarujinta siyaasadeed ee bulshada,haddana way kala duwan yihiin.Bilowgii dadka soomaalidu ma kala aqoon ururradaas oo hadba magac bay ugu wada yeeri jireen ,burburkii dowladdii dhexe ee soomaalida ayaase kala muujiyey faraqooda iyo ururka ku xoog batay kala jiidadkii dadka soomaalida.In kastoo labadaas ururiba ku xoogaysteen dalka,haddana Wahaabiyada ayaad mooddaa inay dhanka siyaasadda gacan weyn ku yeelatay.Maadaama ay yihiin dhaqdhaqaaq aaminsan in xukunka xoog lagu qabsado,waxay Wahaabiyadu(Al itixaad) si fiican ula jaan qaadday uguna xoogaysatay dagaalladii sokeeye ee dalka ka bilowday 1991-kii.Dawladda Sucuudi Carabiya oo dad badan oo soomaali ah siisay deeq waxbarasho xagga diinta ayaa iyaduna qayb ka qaadatay xoogaysiga Wahaabiyada.Taasi waxay keentay in dad badan oo kasoo baxay jaamicadaha Sucuudigu dadka culimmo u noqdaan,si toos ahna u faafiyaan Wahaabiyada.Culimmadii cusbaydi waxay bilaabeen inay beddelaan habkii taariikhiga ahaa ee casharrada diiniga ah loo bixin jiray,waxayna la yimaadeen kutub ay qoreen culimmo wahaabiyiin ah.Inta badan culimmadan cusubi waxay ahaayeen niman dhallinyaro ah,waxbarashadooduna aysan ka badnayn 4-5sano,laakiin waqtigaas lagu soo qabadsiiyey mad-habta Wahaabiga iyo fikirkeeda oo qura(Wahaabiyiintu ma oggola inay mad-hab gooni ah leeyihiin,laakiin ururkii isku fiqi ku dhaqmaaba waa mad-hab).Nimankaan dhallinyarada ah oo aad uga firfircoonaa culimmadii hore waxay si degdeg ah usoo jiiteen da, yartii,waxayna si fudud suuqa uga saareen culimmadii hore.Tabihii ay Wahaabiyadu adeegsadeen wuxuu ahaa inay dadka u sheegaan in dhammaan wixii soomaalidu horay u haysatay ay ahaayeen wax qaldan oo bidco ah in lawada tuuraana ay waajib tahay.Lama kala saarin mad-hab fiqi iyo dariiqo suufiyo,dadkana waxaa loogu sheekeeyey inayba isku mid yihiin!Sidaa awgeed ayaad arkaysaa dad badan oo aan kala aqoon faraqa u dhexeeya mad-habta Shaaficiyada iyo dariiqada Qaadiriyada.Aqoonta gaaban ee culimmada cusub,dib u guradka culimmadii hore iyo xeeladaha guud ahaan Wahaabiyadu wax ku faafiso ayaa sabab u ah in la isku qaso mad-hab iyo dariiqo.
Shiikh Muxammed ibn CabdiWahaab(1703-1792) oo loogu abtiriyo xarakadan,wuxuu dhaqdhaqaaqiisu falcelis ku ahaa maamulkii musuqmaasuqa badnaa ee Cismaaniyiinta iyo Suufiyada oo aad ugu faaftay geyiguu degganaa ee Xijaaz.Wuxuu aad ula dagaallamay Suufiyada ,wuxuuna aad u weeraray qabuuraha ay siyaaran jireen.Xagga mad-habadaha,wuxuu shiikhu sheegay inaan loo baahnayn in lagu daydo mad-habado hore maadaama Quraanka iyo Axaadiista nebiga la hayo,wuxuuna si xooggan u difaacay in Ijtihaadku mar kasta furan yahay(waxaa jiray culimmo badan oo ku andacootay in albaabka Ijtihaadku xiran yahay).Culimmada uu sida aadka ah ra,yigooda u xoojin jiray waxaa ka mida Ibn Taymiyah.
Xarakada shiikhaas loogu abtiriyo iyo shiikha ra,yigiisuba waxay noqdeen qolada keliya ee xagga diinta ka hadli karta boqortooyada sucuudiga.Taasi waxay ka timid isbahaysigii dhex maray Shiikh Muxammed ibn Cabdiwahaab iyo hoggaamiye-qabiileedkii Maxammed ibn Sacuud oo ah ninkay ku abtirsato boqortooyada Sacuudigu.Ibn Sacuud wuxuu taageeray shiikha,gabadhiisana wuu guursaday.
Haddaba xarakada Wahaabiyadu waxay caan ku tahay sida ay u arkaan xukunka Islaamiga ah iyo Ra,yigooda xagga fiqiga ama axkaamta.Xagga siyaasadda waxay qabaan in xukunku islaami yahay haddii loo oogo ciqaabaha(Xuduud) si waafaqsan Shareecada.Sida qolada xukunka haysataa ku qabsatay,xoog iyo xeelba,way oggol yihiin,dadka la xukumaana waxba kama oran karaan cidda xukumaysa.Sidoo kale waa in cidda talada qabanayaa ayaga la fikir yahay.
Xagga Fiqiga,waxay ku andacoodaan inaysan Mad-hab raacin ee ay Quraanka iyo Sunnada oo qura raacaan,si liidata ayeyna u eegaan dadka ku dhaqma mad-habaha.Laakiin xaqiiqdu waxay tahay waxay raacaan mad-habta shiikhooda.Haddii dad badani isku si u tukadaan ama isku si u gutaan waajibaadka diiniga waxaa la oranayaa dadkaasi waa isku mad-hab.Sida la ogyahay,mad-habaha islaamku waxay salka ku wada hayaan Quraanka iyo Sunnada,faraqa u dhexeeyana wuxuu ka unkamay sida kala duwan ee culimmadu u fahamtay micnaha Quraanka iyo Sunnada.Culimmada mad-habuhu diin cusub jeebkooda kalama soo bixin,ee waxay sheegeen sida ay iyagu u fahmeen nusuusta Diinta.Sidaa awgeed haddii aad Imaam Shaafici siduu wax u fahmay ka barato oo uu macallin kuugu noqdo iyo haddii aad Shiikh Muxammed ibn Cabdi Wahaab ka barato waa isku mid oo mar walba mad-hab baad haysataa.Haddii aad adigu xagga cilmiga iyaga la mid tahay oo aad Ijtihaad samayn karto markaas adigaaba Imaam ah.Quraanka iyo Sunnada in si toos ah loo raaco waa sida saxda ah,laakiin labaduba waa bad oo qofkii aan dabaasha aqooni waa ku harqan.Waxaan ula jeedaa qofka aan shiikh/imaam u baahnayni waa inuu yahay qof awood aqooneed oo dheer u leh inuu Quraanka iyo Sunnada si toos ah u raaco oo kala baxo nuxurka.Isku soo duuboo,waa in qofkaasi xagga cilmiga kala mid yahay Imaam Shaafici ama Shiikh Ibn CabdiWahaab,ama Imaam Maalik.Haddaba hadday raggani diideen inay mad-hab sheegtaan,ma iyagoo dhan baa wada imaam ah?Taasi waxay keentay isku dhexyaac diimeed iyo sicirbarar ku dhacay erayga ”shiikh”oo berigii hore loo isticmaali jiray dadka aqoonta diinta ku xeeldheer,maantase waxaa kugu filan inaad garna la baxdo si gooni ahna u labisato.Weliba waxaa intaa ka daran qofkii ”sheekha”loogu yeeray oo isagu shiikh isu qaba,meel kastana fatwo la taagan.
Dhibta ugu weyn ee lagala kulmay Wahaabiyada maaha waxa aan soo sheegay.Tan ugu darani waa iyagoo ka shakiya muslimnimada qofka iyaga ka fikrad/ra,yi duwan.Haddii aad u sheegtid inaadan la ra,yi ahayn waxaad isla markiiba maqlaysaa erayo ay ka mid yihiin;gaal,munaafaq,muratd iwm.Waxay u qabaan in dadku ku qasban yahay inuu iyaga ra,yigooda raaco,waxayna u qabaan qof kasta oo iyaga si ka duwan wax u sheegaa inuu diinta ka baxay ama bidci yahay.Marna kama dhaadhac siin kartid in dadku muslim wada yahay iyagoo mad-habado kala duwan ku dhaqma.Taasi waa tan keentay in ururrada siyaasadda ee iyaga ka farcamayi aanay oggolayn inay xukunka cid kale la qaybsadaan,waayo xukunka islaami uma arkaan haddii dad iyaga ka ra,yi duwani talada wax ku yeesho.Waxay diyaar u yihiin dagaal ilaa ay keligood meesha ku soo haraan.Fikirka noocaas ah waxaa laga dhaxlayaa quursiga dhiigga,sharafta iyo xuquuqda muslimiinta.Wuxuu kaloo keenayaa in dagaal joogto ahi socdo,waayo way adag tahay in hal urur si xoog ah kula wareego dal ayadoo ay jiraan ururro tiro badan oo kale oo talada wax ku leh.
Waxyaabaha ay soo faa,iideeyeen waxaa ugu muhiimsan siday tooshka ugu daareen waxyaabaha dariiqooyinka suufiyada ee Soomaaliya ka jiraa ay dadka ku khaldi jireen sida awliyo/qabuuro caabudka iyo khuraafaad kale oo badan.Taas culimmadii shaaficiyadu aad bay uga gaabisay,waana tan keentay in dad badan oo caamo ah loo tuso in mad-hab iyo dariiqo isku mid yihiin.Dhanka kale Wahaabiyadu ma kala saarto suufiyada,waayo qaar badan ayaan oggolayn waxa Qaadiriyada Soomaaliya ka jirtaa sameyso.Suufiyada qaar badan ayaa cibaadadooda ku saleeya Shareecada oo aan oggolayn awliyo/qabuuro caabud iyo khuraafaadka kale ee lagu tuhmo suufiyada.
Culimmadii soomaalida ee Shaaficiyada ahayd waa la aamusiyey oo maanta cidna wax kama dhegeysato.Maadaama aan waqtigii hore dawlado ka jirin dalka,siyaasad laga hadlaana jirin,waxay culimmadii hore doorkoodu ahaa inay diinta dadka baraan iyo inay dadka ku kala xukumaan Shareecada,sida simidda magta,dhaxalka,guurka iwm.Culimmadu waxay sidoo kale door ka cayaari jireen deminta colaadaha.Markii dalka dawlado ka dhasheen waxaa soo koobmay shaqadoodii.Xarakooyinka cusubi waxay ka askumeen magaalooyin,waxayna ahaayeen kuwo leh wacyi siyaasadeed oo la jaan qaadi karay waqtiga cusub.Ku dhaqanka Shareecadda iyo hirgelinteedu waa tiirka mad-habta Shaaficiyada ee ma aha wax u gooni ah xarakooyinkan cusub.Dadka soomaaliduna intii tabartood ah way fulin jireen Shareecada.
Waxaa kaloo jirtay in culimmada shaaficiyada ee aan suufiyada ahayni aysan ka didsanayn Wahaabiyada,oo waxay u haysteen inay yihiin Xanaabila(dadka haysta mad-habta Xambaliyada) maadaama fiqiga wahaabiyadu intiisa badan waafaqsan yahay mad-habtaas.Suufiyada ayey ahaayeen kuwii bilowgiiba nimankan colaadda u qaaday,oo waa kuu Sayid Muxammed lahaa:”Warqadduu magaalada u diray talo Wahaabi weeye”,isagoo markaa ka hadlayey shirqoolkii Canjeel talawaa.Saameynta mad-habadahan cusubi wuxuu noqday khalkhal diineed iyo jahawareer cusub oo ku soo biiray dalka,noqdayna il cusub oo keenta dagaal iyo colaado.Ma jiro khatar ka weyn khilaafka ku salaysan diinta,oo maanta waynnu aragnaa natiijadeeda.Looma baahna mad-hab cusub ee waxaa loo baahan yahay in lagu midoobo mad-habtii sunniga ahayd ee aan weligeen haysannay,dalkana laga hirgeliyo dawlad loo dhan yahay oo dhaqan gelisa nuxurka Islaamka;Caddaaladda,dabargoynta musuqmaasuqa,horumarinta dalka iyo dadka ayaa ah nuxurka Islaamka.Hadda waxaa la la,yahay culimmo la maqlo oo ka hadasha dhiigga daadanaya iyo burburka.Culimmadii hore way iska aamuseen,kuwii cusbaana dagaallada ayey qayb ka yihiin oo iyagii baaba islaynaya siina kala qaybsamaya.Waxaad arkaysaa iyagoo hadba urur cusub ku biiraya,berrina ku soo noqonaya kii hore.Haddii mid iyaga ka mid ah hadlo oo ku baaqo in dagaalka la joojiyo,wuxuu khatar ugu jiraa in la toogto.Waxaas oo dhanna waxaa sal u ah in la gaalaysiiyo qofka kaa fikrad duwan,dhiiggiisana la bannaysanayo.Waa fitnooyinka tan ugu cirib xun,waayo waxaa la waayayaa qof hadla oo taladiisa dhiibta.Dadku mashiinno maaha oo si kala duwan ayey mar kasta wax u arkaan,taasoo wax fiican ah haddii la miyir qabo.Markii talooyin kala duwan la isu keeno oo wax la wada lafa guro ayaa xal qumman la helaa,laakiin haddii urur ku adkaysto in dadkoo idili iyaga la fikir noqdo waa waalli aan mid ka darani jirin.
Markii waallidaas diin lagu sheegana arrintu faraha ayey ka baxday,waana tan maanta keentay in qof Salaad soo tukaday masjidka hortiisa lagu toogto,oo weliba loo qabo in Janno lagu gelayo waxashnimadaas!
Ugu dambeyn waxaan akhristaha xusuusinayaa in qaar ka mid ah culimmada Islaamka ugu waaweyn ay yihiin culimmada ku abtirsada mad-habta Shaaficiyada.Culimmadaas waxaa ka mid ah;Imaam Tirmidi,Imaam Al-nawawi,Immam Ibn Xajar Al-casqalaani iyo Abuu Xaamid Al-gazzali.Ujeeddadu waa inaan dad badan oo si khaldan wax loogu sheegay tuso in ku abtirsiga mad-habtu aanu ahayn wax soomaalidu keligeed ku tahay,iyo in mad-habta soomaalidu weligeed haysatay tahay mad-hab Ahlu sunna ah,mid cusubna aannaan u baahnayn.
Dariiqooyinka Suufiyadu waa wax kale,qoraalkanina ka hadli maayo.
Wa Billaahi Tawfiiq
CabdiRaxmaan Cilmi Xaashi
http://email.secureserver.net/webmail.php?folder=INBOX&firstMessage=1#