Xuska Dhalashada Rasuulkeenu(CSW) By Axmad-Nuur
This article was Published at: 06-03-2010 and has been viewed 476 times
Xusida Mawliidka sharafta leh ee rasuulkeena muxamad(SCW) la xuso bisha Rabiicul Awal 12 keeda, waxay ka mid tahay sunayaasha iyo raadadka wanaagsan ee ay qabtaan umada muslimiinta ah.

Xadiis ayuu rasuulkeenu yidhi ‘‘cidda(qofka) u sunneeya(camal ahaan u jideeya) Islaamka sunne wanaagsan, wuxuu leeyahay qofkaas ajarkeeda iyo ajarka qof kasta oo ku camal falaba,isaga oon laga yareyneyn ajriyada dhamaan dadkii ku camal faley,qofka u sunneya Islaamka sunne xun(oo danbi keeni karta), waxa u leeyahay qokaas danbiga iyo dhamaan danbiga dadkii ku camal fala sunnaha xun ee uu jideeyay isaga oon laga yareyneyn dunuubta dhamaan dadkii ku camal faley’’.

Hadaba xusida dhalashada Rasuulku(CSW) waxay ka mid tahay sunnayaasha wanaagsan maadama oo ay kheyr ku lug leedahay, taas oo ay culumaau’diinku isku waafaqday in ay tahay xus wanaagsan oo ayna inkirin.

In la xuso maalinta dhalashada Rasuulka(CSW), oo meel la iskugu yimaado si loo xuso Rasuulka,fadaaishiisa iyo mucjisooyinkii dhacay wakhtigii dhalashadiisa, wixii cunto ah ee la hayana la wada cuno maalintaas,kheyr ay soo kordhiso mooyaane ee wax shar ay leedahay u ma arkaan Culumadu.

Allah(SWT), waxaa uu ku cadeeyay suuratul Anbiyaa, aayad ka mid ah oo uu ku yidhi Rasuulkeena(CSW) ‘‘kuumaanu soo dirin Caalamkan, ilaa Naxariis mooyaane’’

Aayadaas waxay ku tusaysaa in uu Rasuukeenu(CSW) ahaa naxariis uu Alle kownkan wax kasta oo ku dul nool uu u soo diray ha ahaadeen Insi(Banii Aadam),Jinni, xayawaan, iwm. Maxaa yeelay Ilaahay waa kii Cadhooday soo diristii Nabi Ciise(CS) kadib,mudadii u dhaxeysay intii Rasuulkeena la soo dirin, taas oo mujtamaca umadii wakhtigaa noolayd ay Alle u shariik yeelayeen, Alle waa awooday in uu halaago umadaas balse waa u naxariistey isaga oo ugu naxariistey soo diristii Xabiibkeena Muxammad(CSW). Allah(SWT) in badan ayuu Qur’aanka ku cadeeyay in uu rasuulku(CSW) uu yahay mid u naxariis badan ummadiisa, wixii iyaga dhibaya uu isaga(Rasuulka) dhibayo, aad u tudhis badan, Fadliga iyo Maqaamka uu Ilaahay agtiisa  ku leeyahayna ay weyntahay.

Alle(SWT) jiritaanka uu jirro dartiis, ayuu abuuray Rasuulkeena Muxammad(CSW), Jiritaanka Rasuulkeena iyo jaceylka uu u qabo Rasuulkeena dartiis ayuu abuuray Aduunyada,iyo wixii ku nool xataa ha ku jiro Aabaheen Nabi Aadam oo uu ka abuuray Nuurka Nabiigena Muxammad(CSW).

Ilaahay, Aayad Qur’aanka ka mid ah suuratul Axzaab, ayuu ina amray in aynu u duceyno(ku sallino),salaamnana Rasuulkeena taas oo uu inoogu sheegay in ducada Rasuulka loo duceynayo isaga(Alle) iyo Malaaiiktiisuba ay u duceeyaan. Ducadaa Alle iyo Malaaiiktiisu u duceeyaan Rasuulkeena cadadka(tirada) iyo baaxada ay leedahayba, Ilaahay ayaa garanaya.

Aayaad kale oo ka mid ah Qur’aanka waxa uu ku yidhi Rasuulkeena ‘‘waxaad tidhaahdaa Fadliga Alle iyo Naxariistiisa, taas ha ku farxaan, iyada ayaa ka kheyr badan waxyaalaha kale ey kulmiyaan’’. Markaas mar hadii uu Alle uu inoo sheegay in uu nabigeena uu u soo diray naxariis caalamka, Aayadaa kalena uu inoogu sheegay in lagu farxo fadliyadiis iyo naxariistiisaba, miyeyna baaneyn in lagu farxo oo la weyneeyo dhalashada iyo soo dirista Rasuulkeena(CSW), taas oo uu nabigeenu inaga badbaadiyay Naar aynu mutaysanlahayn hadii aynaan Qaadan diinta Islaamka.

Farxadii uu farxay gaalkii Abi Lahab maalintii uu Rasuulku dhashay, ee uu xoreeyay adoontiisii, ayaa isagana sabab ugu noqotay in maalinkasta oo Isniin Abii Lahab laga khafiifiyo Naarta.

Sida la wada ogsoonyahay Nabiigena Muxammad(CSW), waa Rasuulka kalihaata loo ogol yahay in uu dadka( ummadiisa) u Shafeeco qaado maalinta qiyaamaha, waa ka ugu hor gala Jannada, waa ka ugu abuur(khalqi) iyo akhlaaq wanaagsanaa Anbiyada iyo Rususha, Ilaaheyna uu ugu Jecelyahay, waxa salaamay dhagaxda, waxa kaloo weyneeyay oo u sujuudey geedaha, waxa la siiyey sifooyin ay lahaayeen Rusushii(SWC) sida Zuhdigii Nabi Ciise, Quruxdii Nabi Yuusuf,  Fahamkii Nabi Sulaymaan,Sabirkii Nabi Ayuub iyo Quwaddii Nabi Muuse iyo sifooyin kale oon la xadidi karin, taas oo uuna qalinkuna soo koobi karin.

Xusidda Mawliidka, oo ahayd dhalasho caalamka soo marta tii ugu sharafta badneyd, aadna ay u soo dhaweeyeen Ahlu Samaawaat iyo Ahlu Ardi, dhalashadaas oo bishaaro, barako iyo mucjisooyin waaweyn lahayd.

Dadka fikir khalada ka Aaminsan Dhalashadaas ee diida in la xuso, waa dad raba in ay qariyaan Mucjisooyinka dhacay dhacdooyinkaa la xidhiidhay dhalashada Rasuulkeena(CSW) mudadii ay Hooyadii Aamina ay caloosha ku siday, mudadii ay umulaysay, mudadii uu dhashay ka dib, mudadii uu la joogay qoyskii Xaliimatu Sacdiya ee naaska nuujinaysay, mudadii uu adhiga jiri jiray. Iwm.

Dadka diida xuska dhalashada Rasuulku waa dad raba in ay ka dhaadhiciyaan umadaha Islaamka in Rasuulku(CSW) dhalashadiisu ay ahayd dhalasho la mid ah ta bani aadamku u dhashaan oo kale, taas oona lahayn wax mucjisaat ah ama barako.

Qarinta la qarinayo mucjisooyinka dhacay ama la xidhiidhay dhalashadii Rasuulka ayaa waxaa ka soo hor jeeda dadka xusa dhalashadaas ee Ahlu Sunna wal Jamaacada oo aaminsan in habeen iyo dharaarba la xuso dhalashaadaas intii gaadhsiisan cilmiga aynu ka ognahay dhalashadaas.

Xussida Mawliidka si ijtimaaci ah waxa ugu horeeyay ayay Culumadu sheegaan in uu dhigey Boqorkii Irbil( Ciraaq) ee la odhanjiray muddafar, wixii ka danbeeyay qarnigii afraad ee Hijriyada, kaas oo weyneyn jiray, sadaqad aad u fara badan bixin jiray maalmahaas, dhargin jirayna masaakiinta. Waxa lagu tilmaamay boqorkaas in uu ahaa geesi, caalim, cadaalad badan. Culumaduna aad u la dhaceen qaabka uu u dhigi jiray mawliidka oo la odhan karo waxa uu jideeyay Sunne iyo Raad wanaagsan.

Qiso ka dhacday Masar wakhti hore, ayaa waxa jiray nin muslim ah oo jaar la ahaa lamaane yuhuud ah, markaa ninkaas maalinta ay ku beegantahay mawliidka Rasuulka(CSW), wuu xusi jirey oo wuu weyneyn jirey, isaga oo sadaqad ula wada baxaya xoolihiisa. Gabadhii yahuudiyadii way la yaabtay sababta uu aad ugu farxo maalintaas, dadkii ama odeygeedii ayay weydiisay, markaas ayaa loo sheegay in uu xusayo dhalashadii Rasuulkiisa. Markaas ayay gabadhii habeen iyada oo jiifta manaam ku aragtay nin aad u qurux badan oo daganaasho iyo xasilooni ay ka muuqato oo soo booqday ninkii ay jaarka la ahayd oo ay isa salaamayaan, markaas ayay tooyatey, markaas ayaa loo sheegay in uu Rasuulkii yahay, markaas ayay la hadashay, deetana wuu u jawaabey Rasuulku. Waxa ay la yaabtay sida uu u ajiibey isaga oon iska kibrineyn gabadhaas oo wakhti xaadirkaa aan muslin ahayd, gabadhii manaamkii(jiifkii) ayay ku muslimtay,taas oo ay nidar ku gashay in ay iyaduna sidoo kale ay sadaqad u la bixi doonto xooleheeda , kheyraadkana ay ka shaqeyni, gabadhii aroor nimadii markii ay soo toostay ayay shaacisay Islaam nimadeeda taas oo uu ku raacey odeygeediina.

Qisadaas waxaad ka daliil qaadan kartaa in xusida Dhalashada Rasuulka(CSW) oo si niyada ka soo go’day loo xuso, uu Ilaahay  ku hanoonin karo naxariistiisa dad marka hore aanan aaminsanayn Diinta Islaamka.

Mucjisooyinkii ama barookooyinkii dhacay dhalashadii Rasuulka aad ayay u fara badan yihiin, hadii aan dhowr aan ka xusno waa ka mid ahaa: in wakhtigii Hoyadii Aamina binta Wahab ay caloosha ku siday ayna dareemin ba wax culeys ah,oo ay dumarka caadi ahaan dareemaan marka ay ilmo sidaan, marka ay tagto meel ceel ah si ay biyo uga soo dhaansato, biyuhu way ku soo durdurijireen meesha ay taagantahay, ama waxay soo gaadhi jireen korka sare ee ceelka si ay ugu fududeeyaan, iyagoo qadarinaya Rasuulka oo ay sidey. Bishaarooyin fara badan iyo Riyoo’in qurux badan ayay arki jirtay marka ay manaam(hurdo) ay ku jirto Hoyadii, dhamaan Rususha oo dhan ayaa u bishaareeyay taas oo laga odhan jiray,‘waxaad sidaa Sayidkii Caalamka ee bishaaro, marka aad umushidna u bixi Muxammad, maxaa yeelay waa lagu mahadin doonaa( Rasuulka). Dabcan magac u bixinta rasuulku waa mid looga soo bixiyay samaawaatka ee maaha magac uu cabdul mudalib la jeclaaday, sida ku cad Qur’aanka  Aayad ka mid ah oo Nabi Ciise(CS),uu ugu bishaareeyay qoomkiisa oo u ku lahaa ‘waxaan idinku bishaaraynayaa Rasuul aniga kabacdi la soo diri doono oo la yidhaa Axmad(Muxamad)’.

Dhalashada Rasuulka(CSW) oo ahayd mid aad loo sugayay, lana sii bishaareysanayay marka aynu ka hadleyno Ahlu Samaawaat ka oo kale amaba xayaawanada sida shimbiraha oo kale. Waxa ay Hoyadii maqli jirtay Tasbiix da Malaaiigta u dhow. Nabiga(CS) Aabihii Cabdullahi waxa uu geeriyooday kii oo kuu jiro caloosha lix bilood. Markii u dhalanayay shayaadiinta waa laga xidhay in ay u war doontaan samada, Malaaiig ayaa ilaalinaysay gurigii uu ku dhalanayay, tii yoona ay jirin cid ka umulisa Hooyadii oo guri cidla joogta ayaa waxa uu Ilaahay u soo diray dumaar aad u qurux badan oo kala ah; Maryam Aala Cimraan, Aasiya(xaaskii fircoon),  Haajara oo ahayd Nebi Ismicaal hooyadii,iyo sidoo kale Zaara(xaaskii Nabi Ibrahim) kuwaas oo ka saaray Cabsidii ay ku jirtay, iyaga oo u bishaarenayay, una sheekanayay sheekooyin macaan intii ay umuleysay, wax dhib ahna kalamay kulmin foosha, dhidid culus mooyaane, wakhti ay haraad dareentayna waxa la garab joogay Malaaiigta sharaab aad u macaan. markii uu Rasuul ku dhalanayay waxa la socday oo ka soo baxay Nuur, nuurkaas oo iftiimiyay intii u dhaxay say Bari iyo Galbeed, iyo dhamaan qasriyadii Shaam, wax bakhtiyay dab ay caabudi jireen kuwa majuusiyiin reer Faaris ah in ka badan kun sanno, waxaa kale oo kale jabay oo burburay Qasrigii Kisra gidaaradiisa. Rasuulku(CSW) wuxuu dhashay isaga oo sujuudsan, aadna u udgoon kana udgoon miskiga, baaro go’an.

Qisada ku soo aroortay dhalashada Rasuulku(CSW) aad ayay u dheertahay, ee intaa Ilaahay ha inagu anfaco, wixii inaga khaldan ha ina fahansiiyo, danbidhaafkiisana ayaan weydiisanaynaa.

Allahuma Salli wa Salim wa Baarik calaa Nabiyunaa Muxammad.

Qalinkii: Axmad-Nuur Cali Muxumed.  

  Email  : madar@doramail.com       

COMMENTS ( No Comments available )
Page
 

Your e-mail :

Your Comment:




 
ARTICLES
Live Radio Codka Nabada
Saturday, August 14 2010
Kutabey iyo Nimco Dareen
Tuesday, August 10 2010
CALAAMADAHA UURKA BILAWGA AH
Sunday, August 01 2010
INTERVIEWS
SOMALI LINKS
4somaliwomen
Allwariye
Alxaq
Balcad
bbc
Burtinle
Buurta
Caliyaale
Camaloow
Ceelbuur
Ceelbuur
Ceelderaad
Ceelqaboobe
dalkanews
Dhagaxtuur
Falaar
Garowe
Gedo
Gedonet
Halgan
Hamarey
Hiiraamweyn
Hiiraan
Hilinkatoosan
Hillaac
hobyo
Horn Afrik
Jowhar
Jowharonline
Laascaanood
Maaryaa
Mareeg
Mareeg
Marka Cadey
Markacadeey
Miisaanka
Mudulood
Onkod
Qaadisiya
Qaranimo
Raxanreeb
Saafiflims
Saaxil
Saxafa
somaliatoday.net
somalifan
Somalitalk
© Copy Right 2010 www.balcad.com | All Rights Reserved
Site Designed, Developed & Powered by: Ileys Technology Inc.