Shilka gaari oo sababay dhimasho iyo dhaawac 4-ruux oo midi saxafi uu yahay ayaa ka dhacay Magaalada Garoowe ee Maamulka Puntland.
Shilkaani gaari ayaa waxaa ku dhintay labo ruux oo mid ka mid ah uu ahaa saxafi ka howlgalayay Magaalada Garoowe kaasoo wakiil ugu ahaa Idaacada ku taala Magaalada Gaalagacyo magaalada Garoowe, iyadoo ay ku dhaawacmeen labo kale kadib markii gaari nuuca Soomaalidu ay u taqaan Sufraha uu la rogmaday.
Saxafiyiin ku sugan Magaalada Garoowe ayaa sheegay in ay wanaagsantahay Xaaladda labada ruux ee dhaawacantay, waxaana arintaani ay naxdin farabadan ku beertay saxafiyiinta ku dhaqan gobolada Puntland.
Shilalka inta badan ka dhaca wadooyinka soo gala Magaalada Garoowe oo soo noq noqday ayaa waxaa loo sababeeyaa bur burka wadooyinka oo halkaasi aad ugu badan iyo wadayaasha oo aan qibrad fiican u lahayn wadista gawaarida.