• Home
    • Wararka Maanta
    • Arimaha Bulshada
    • Xogta Qarsoon
    • Ciyaaraha
  • Xidiga caankaa ee Zidane oo beeniyay Inuu Kooxda Chelsea tababare u noqon doono
  • Xulka Nageria oo ku Guuleestay Koobka Qaarada Africa. “Top News”
  • Hello world!
xidigta kubadle DAAW24 baner buug qeylo madaxda

link

SOMALI LINKS

  • Axadle.com
  • Balcad.com
  • Caasimada.com
  • Daawo24.com
SOMALI LINKS

Wasiirada Fowziyo oo boorso sir ka buuxdo looga xaday Brussels.

February 2, 2013 - Waxaa Qorey : admin -

Wasiirka arrimaha dibada Somalia ahna Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan oo ka mid ah wafdi uu hoggaaminayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho ku jooga magaalada Brussels ayaa laga xaday boorso nooca garabka lagu qaato ee xarakada ah isla markaana lagu xafido documentiyada iyo alaabaha yaryar.

Lama oga cida sida rasmiga ah u xaday, laakiin Security-ga hotelka ayaa ku guul dareystay in ay helaan boorsada iyo ciddii xaday in la helo, iyadoo Kaamirooyinka Hotelka baaris lagu sameeyay laga arki waayay cidda qaadatay boorsada.

Wasiiradda ayaa Warfaafiye u sheegtay in boorsada ay ugu jireen documenty muhiim ah iyo sharcigeeda dhalashada dalka Britain, taasoo keentay in ciidamada Booliska ay soo farageliyaan maadaama ay ka mid tahay wafdiga Madaxweynaha oo la filayo in ay booqdaan Londan, lana siiyay documenty muujinaya in sharcigeeda uu ugu dhumay hotelka ay ka deganeyd Brussels.fowsiya-yusuf

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in boorsada ka luntay Wasiirad Fowziyo ay ugu jireen documentiyo muhiim ah oo muujinayay ujeedada socdaalka iyo heshiisyo ay wada galeen midowga yurub, laakiin wasiiradda ma aysan sheegin arintaasi.

Jahawareer ay ka qaatay Wasiirada boorasada ka luntay ayaa keentay in ay ka qeybgeli weydo xaflad ballaaran oo Jaaliyadda Soomaalida ee ka kala yimid Biljamka iyo Holland Madaxweynaha kula hadlayay.

Inta Jeer ee la Aqrisatay : 365

logo4

5 Responses to Wasiirada Fowziyo oo boorso sir ka buuxdo looga xaday Brussels.

  1. Ashraf Abuubakar Ibraahim says:
    February 2, 2013 at 02:11

    Ugu horeyn wa adin slmy bahda wargayska balcad. Sln ka dib hadan fikir kayga ka dhibto wlh waxan u arka inay tahay sir somali oo dhan uqar saneyd waxana dhihi laha wasirada: Fowsiya yusuf x. Adan in ay is dajiso oo ay sabarto sababto ah alle wuxu ayadisa qur’anka ku yiri: {waxan la jira dadka sabra}.
    Mgcyga wa : Ashraf Abubakar Ibraahim. JOGA WADANKA ETHIOPIA

    Reply
  2. Axmed yare says:
    February 2, 2013 at 02:11

    Waxaan leeyahay naag ninki wax ku aamina kadaran ee haleys dabaqato

    Reply
  3. zaka says:
    February 2, 2013 at 02:11

    waa in ay is casishaa..waa mauuliyad daro arrinkaan

    Reply
  4. احمد says:
    February 2, 2013 at 02:11

    ar amay ayada lee qarisay yaan ku dambaabin

    Reply
  5. Umu muscab says:
    February 3, 2013 at 02:11

    AsC waku mcntahay marka hore naag masulma qadi gartaa ayadaa masul laga yahaye ee see masul loga dhigay

    Reply

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

live Baner Alldhacdo.com madin qurxiye
© 2011-2012 Balcad Media . All rights reserved.
Design by Madiina ICT .