Advertisements

Wax Badan ka Ogoow Cidda Maal Gelin Jirtay Kooxda Alshabaab.

02/22 02:114 commentsViews:

BALCAD MEDIA:  Sida ay qoreyn Qaar kamid ah Wargeysyada Caalamka kuwooda loogu aqriska badan yahay ayaa daboolka ka qaaday in Xiriir aan qarsooneen oo dhinacyo badan ah uu ka dhaxeeyay Hogaamiyihii Geeriyooday ee Dalka Liibiya Mu’mara Al-Qadaafi iyo Dagaalamyaasha Al-Shabaab.

Wargeeyska Caanka ah ee Asharqal Awsad oo xogtan daabacay ayaa ku waramay in Korneel Qadaafi Al-Shabaabka Soomaaliya ka dagaalama iyo Ururuo kale oo iyana dagaalo kawaday meelo kala duwan oo Caalamka ku yaala uu siin jiray Dhaqaalo badan sidoo kalana uu ka saacidi jiri dhanka Tababarka .

Wargeyska oo qoraaladaan uu helay sii tix raacaya ayaa ku waramaya in Mucamar Al-Qadafi uu tababarida ragga u dagaalama Xarakadda Al-Shabab ku bixiyay lacag lagu qiyaasay 10 million oo Dollar ka Maraykanka ah iyadoona tababarida kunkii dagaalame oo Shababab ahna uu ku bixiytay lacag dhan 7.5 million oo Dollar.

Warbixinta uu wargeyskaani qoray waxaa sidoo kale lagu sheegay in Qadafi uu aad uga shaqeyn jiray isku xirka Al-Qacidada Soomaaliya iyo kuwa gacanka Cadan ee dalka Yemen ka dagaalama dhawr jeerna uu inta hub ka qaaday Soomaaliya uu geeyay Yemen kadibna loo sii gudbiyay dalka boqortooyadda Sacuudiga oo Yemen ay daris yihiin.

Qoraalkaan uu daabacay wargeyska Asharqal Awsad ayaa si buuxda u muujinaya in M/weynihii la dilay ee Libya uu si weyn ugu lug lahaa dagaaladii Soomaaliya ka dhacay ee dhex marayay dawlada Soomaaliya oo garabsanaysa ciidamada AMISOM iyo Xarakadda Al-Shabab oo Al-Qacida bah wadaag la ah.

Al-Shabaab ayaa ku xirnaa Dowladfo iyo Ururo kale oo kazoo horjeeday in Soomaaliya nabad ka dhalato taa badalkeedana sii shidi jiray colaadihii lagu riiqmau ee Dalka ka jiray in kabadan 22-sano.

Inta Jeer ee la Aqrisatay : 3391
Balcad Media Network
Email : balcad@live.com

4 Comments

  • khadija

    qadaafi aale uma naxariistee weligii wuxuu ka soo horjeedey in soomaliya dhisnaatoasagaa aas aasey urukii SSDF asagaa aad utaageeri jirey dalkiisa ayey deganayeen soodaftii isagaa naagahooda soomaliya jooga biili jirey SNM asagaa dhisey asagaa taageri jirey iska daa wax kalee daawooyin darooga ah buu siin jirey sey udagaalamaan maandooriye hadana sheydaamadaan asagaa la sheegayaa inuu taageeri jirey koley ayagana waa siin jirey daroogada waaba iska cadahay ciyaalka is qarxinaaya ma sameyn alheen ayagoo miyir qaba maba sameyn laheen waxa ay sameynayaan qof caadiya qoorta qof maka gooyn laheen qaadafi cadaabta allaha ku fogeeyo.

  • shaakir

    alla ha naclado qadafi nin slam ah mu usan ahayn

  • hanaa

    ala nacladeeyo kii isku qarxiya dadka muslinka ah wadankooda mar labaad naclad alaha ku rido kuwa is qarxiya iyo ku wii soo dirayba

  • asc qadaafi sidee u danbeysay si xun sowtuu u dhintay maxuuse ka faaidayey soomaliya hadeeysan degin cajiib naarta ilaahey kaama bixiyo dadkeenane alle ha isku keeno wadankeenane wuu nawada deeqa nagase badan yahay kuwii ku heshiyo alle hanaga dhigo waxaan heysana wadan qani ah masha alaah

Leave a Reply