• Home
    • Wararka Maanta
    • Arimaha Bulshada
    • Xogta Qarsoon
    • Ciyaaraha
  • Xidiga caankaa ee Zidane oo beeniyay Inuu Kooxda Chelsea tababare u noqon doono
  • Xulka Nageria oo ku Guuleestay Koobka Qaarada Africa. “Top News”
  • Hello world!
xidigta kubadle DAAW24 baner buug qeylo madaxda

link

SOMALI LINKS

  • Axadle.com
  • Balcad.com
  • Caasimada.com
  • Daawo24.com
SOMALI LINKS

Wax badan ka Ogoow Qorshaha Cusub ee Baarlamaanka ee 2013:

February 13, 2013 - Waxaa Qorey : Webmaster -


BALCAD MEDIA:
  Kulan Xasaasi ah ay yeesheeyn Gudiyada joogtada ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa kulan ay yeesheen xarunta Golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho waxay ku ansixiyeen qorshe howleedka Baarlamaanka sanadkan 2013, iyadoo sidoo kale sidoo kale guddigaasi ayaa ansixiyay magacaabida xoghayaha guud ee Baarlamaanka oo noqonaya C/kariin Xaaji Cabdi Buux.

Proff Maxamed Cismaan Jawaari Gudoomiyaha Baarlamaanka oo shir guddoominayay kulanka gudiyada joogtada ah ee Baarlamaanka jadwalka xil gudashada Baarlamaanka ee sanadkan 2013 sida howlaha uu Baarlamaanku qaban lahaa maalin walba amaba bil walba ayadoo dood kadibna ay gudiyada joogtadu ansixiyeen qorshe howleedka Baarlamaanka sanadkan 2013.

Jawaari2

Muhiimada Kulanka ayaa ahaa Ajandaha Labaad ee ay ka hadleen gudiyada joogtada ee Baarlamaanka ayaa ahaa magacaabidda Xogaha Guud ee Golaha Shacabka waxaana ay gudiyada joogtadu ansixiyeen in C/kariin Xaaji Cabdi Buux uu noqdo xoghayaha guud ee Golaha Shacabka.

Dhanka kale gudiyada joogtada ee Baarlamaanka waxay ka hadleen fulinta Istiraatiijiyada Afarta sano ee Baarlamaanka laga doonayo iyo fulinta xeer hoosaadka Baarlamaanka kaasi oo ay horey Xildhibaannada Baarlamaanka u ansixiyeen waxaana ay gudiyada joogtadu dhinacyo kala duwan ka eegeen in sida ay tahay ee loo ansixiyey loo hirgelin doono haduu Alle idmo.

Gudoomiye Proff Maxamed Cismaan Jawaari ayaa aad u ammaanay Horumarka Xildhibaannada ku maqan gobollada Dalka ay sameeynayaan waxaana uu gudoomiyaha ku guubaabiyey Mudaneyaasha Baarlamaanka iney sii xoojiyaan howlaha ay shacabka u hayaan.

Inta Jeer ee la Aqrisatay : 334

logo4

One Response to Wax badan ka Ogoow Qorshaha Cusub ee Baarlamaanka ee 2013:

  1. CabduQadir maxamed says:
    February 13, 2013 at 02:11

    MD gudomiye adigo da.ah hakashageynin isku dhac &xuman shago adiga laheyna ha gelin hd kale sidi sharifka okale wad wareraysa

    Reply

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

live Baner Alldhacdo.com madin qurxiye
© 2011-2012 Balcad Media . All rights reserved.
Design by Madiina ICT .