Advertisements

Xildhibaan Cumar Furdug oo Wax Badan oo Qarsoonaa Kashifay. “Aqriso + Dacwad”

03/03 02:1135 commentsViews:

BALCAD MEDIA: Mudane Xidhibaan Cumar Cali Nuur (Furdug) oo ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaadey dacwad ka dhan ganacsade Ismaaciil Wardheere oo ay qaraabo yihiin madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud, kaasi oo uu ku eedeeyay in dhul ku yaala Ceel Macaan uu ka boobay dad iska lahaa.

Mudanaha Xildhibaanka Cumar Furdug ayaa warqad dacwo ah u gudbiyay Baarlamanka, Ra’iisul wasaaraha iyo Maxkamadda sare, si arrintan wax looga qabto.

Warqadda ayaa u qorneyd sidan:-

Ku: Dhamaan Xildhibaanada Golaha shacabka Soomaaliyeed:
Og: Xafiiska Ra,iisulWasaaraha
Og: Xafiiska Guddoomiyaha Baarlamaanka
Og: Maxkamada sarre

Ujeeddo: Dacwo Dhul Laga Bara Kiciyay Beesha Mataan Cabdulle

Anigoo ah xildhibaan Cumar Cali Nuur oo ah wakiilka beesha Galmaax ee Wacbuudhan Abgaal, Waxaan halkan kusoo gudbinayaa cabasho ka dhan ah shirkada Kulmiye oo uu madax u yahay Ismaaciil Wardheere oo ay isku hayb yihiin Madaxweyne Xasan Sheikh.

In kabadan labo bil waxaa Ismaaciil Wardheere iyo shirkadiisa xoog ku qabsadeen kana barakicyeen dhul ay leeyihiin beesha mataan cabdulle asagoo isticmaalaaya ciidan xooga qaranka iyo maamulka gobolka weliba sheeganaayo in 8 kilometre dhul ah dowlada siisay si howlo danguud ugu qabto waxaana ii fasaxay madaxweynaha sidauu yiri waxaaan iskudayay in aan hubsado in arrinkaas dhabyahay iyo inkale, waxaan raadiyay cida bixisay dhulkaas ilaa aan imaado xafiiska madaxweynaha marki aan la kulmay madaxweynaha waxauu iguu jawaabay waxa aad diidantahay horumarka bal orod oo la dagaal shirkada kulmiye ama xabadee!!! Hadalka madaxweynaha waxaa markhaati ka ah xildhibaano goob jog ah.

Mudada howshaan socotay waxaan iskudayay in la hadlohay,adaha ay qusayso sida (wasaarada arrimaha gudaha, wasaaradda gaashaandhiga, maamulka gobolka shabeelada dhexe , maxkamada sarre iyo dhamaan cidkasta oo dulmi diid ah intaas oo dadaal ah waxba kama suurtoobin madaama awood madaxtooyo meesha timid cidwalbana waa ay kagaabsatay maadaama awooda shirkada kulmiye iyo ismaaciil wardheere ay awoodi karaan in ay shaqadooda gafsiiyaan ciddi faraha laga arrinkaan madaama ay haayaan howl qaranka waa sida ay ku hanjabeen hadii la horistaago.

Waxaa kaloo amar ay siiyeen ciidanka xooga qaranka ee aaga ceelmacaan in ay u ilaaliyaan dhulka ay howlahooda ka wataan cidi u timaadana ay xeraan.

Mudanaayaal Xildhibaano adikoo ah sharci dhowrayaasha wadanka ah weliba ah wakiilada beelaha soomaaliyeed waxaan si xushmad iyo qadarin leh idin kaga codsanaysaa in dadka magaca dowlada ku dhibaataynaya wax ka qabataan una gargaartiin dhibanayaasha soomaaliyeed oo aad xaqooda u dhicisaan dowladana u yeertaan si loo ogaado cida dulmigaan ku kaalmaysay ismaaciil wardheere iyo shirkadiisa madaama ay suro gal tahay in dhibaatadan ay kufido dhamaan beelaha kale ee walaalaha ah.

Waxaan kaloo idinka codsanayaan in la joojiyo boobka ay wado shirka kulmiyo iyo ismaciil wardheere in jaayga meesha laga bixinaayo la joojiyo madaama ay tahay hanti umad muslim ah leedahay weliba loo yaqaan in dhulka iyo beerahaas ay leeyiin in hanta muwadiniinta soomaaliyeed leeyihiin dib loogu celiyayo dhamaan wixi laga dhacay si loo xakameeyo dhibaatada beesha ku habsatay oo uu hormuud u yahay ismaaciil wardheere.

Waxaan kaloo idanka codsanayaa in baarlamaanka looga yeero dhamaan cida howshaan ay qusayso oo kala ah wasiirka arrimaha guddaha, wasiirka gaashaandhiga, Gudoomiyha Gobalka sh/dhexe.

Waxaan idinka codsanayaan in sharciga la marsiiyo cida dhibaatdaan geysatay oo isku dayday in ay awooda qaranka u isticmaasho dan gaar ah weliba ayadoon wax xil ah u haynin dowlada.

Fiirogaar ah: Beelaha deegaanka waxa ay igacodsadeen in aan u sheego hadii aanan awoodi Karin in aan dhulkooda iyo hantidooda u difaaco in aan fasaxo si ay u iska celiyaan oo ay iska difaacaan boobka lagu haayo madaama shaqsiga dhacay uu yahay nin qabiilka socdo ee aanan ahayn nin dowlada u xilsaaratay in uu nadhaco.

Sidaas darteed waxaan cabsi badan kaqabaa in dagaal beeleed ka qarxo deegaanka oo dad badanku wax yeeloobaan waxaan xildhibaanada sharafta markale kacodsanaaya in ay arrintaan ku dhaqaaqaan si deg deg ah.

Mahadsanid

Xidhibaan Cumar Cali Nuur (Furdug)

Inta Jeer ee la Aqrisatay : 31557
Balcad Media Network
Email : balcad@live.com

35 Comments

  • Maryan

    Wa handadaad aan gambad laheyn’ waxan filayay iney dhamatay dhaci iyo bobki lkn waxa icad iney jirto
    tan ma,ahan wax weyn waxey la mid thy isku daygi gumeysi e,dagal ooge cadi jinow uku rabay inu ku dhibateyo shacabka daga balcad uma eysan sura galin e,asaga aya daqada ugu baxay oo rag damiir leh ayey u,cuntami weyday o,iska celshay. This waxey la mid thy tii okale mudane furdug waxan dhihi lahaa labo laab dadaalka wad gareysa gusha iyo inad xaqa besha uso dhiciso. greating all

  • amiinkeey

    ASWR , KU SOCOTO XILDHIBAAN CUMAR CALI N FURDUG, WAXAAN LEEYAHAY XILDHIBANOOW, MARKA HORE INTAADAN FALIN KA FIIRSO.XILDHIBANOOW GOORTII AAD TAGEERAYSAY MADAXWEYNE XASAN SHIIKH EE AAD UGU SHUBAYSAY XUBIN NIMADADA MA ISLAHEED NINKAAN AYAA SIDAAS KUU GALAYA WAA MAY ,KOLKA CANDHUUFTADA DIB ULIQ ,ADIGAA KOLKII HORE KA FIIRSAN WALIGAA LOOMA SIIYO RUUX INA ADEERSI QABILAYSI,IYO EEX ,EE WAXAA LAGU DADALAA NIN WANAGSAN ALLE KA BAQA XISHOODA XAQANA DHAWRA,XASUUS YAR , MAXAMED SIYAD BARE IYO XOOSH,WAAD OGTAHAY WIXII KA DHAXDHACAY TAASINA WAXAY KU TUSINAYSAA IN XAQA MARKASTA LOO HILIYO OO ANAN QABIIL EEX INA ADEERSI LAGU RAACIN RUUX ,SOOMALI MA MOOGA IN QAYBWALBA AH ISKU DHACEEN XITAA REER 1JUFA ISKU AH .XASAN SHIIKH HADUU QALDANYAHY SI FUDUD AYAA LOO MARAYN KARAA ARINTAAS, NIN XOOLAHISA LA DHICIKARANA MA JIRO GOOBTA AAD SHEGAYSIDNA XEEF IYO ABUUKAR CUMARBA WAAD OGTAHAY IN AY MAALGASHADEEN MANTANA AY SI FUDUD UGA TAGEEN DHULNA NINKIISA AYAA LEH.

    KU SOCOTO: CISMAACIIL WARDHEERE.WAXAN KU LEEYAHAY NIN MALINTII RAADKAGA YAQAAN HABEENKINA CIYIDAADA AMA DHAWAQADA YAQAAN DAKANE LAGAMA GALO EE, SHIRKADADA IYO ADIGABA LA XAAJOODA DADKA DAGANA GOOBTAAS WAA WALAHAAA WAXNA ISLAMA WEYNAYSAAN WAANA DAD NABADA IYO IXTIRAAMKA DARISWANAGA KU XEEL DHEER.HADII AAD IS TIRAAHNA MANTAA GURBAAN LAGUU TUMAA SOOMALI DARAJADEEDA MA DHAAFSISNA 12 BIL SANAD ,XASUUNOOW TAAS WALKAA GURBANKA KUUTUMAA WAALAGA QAADI KARAA GOOBTA HALKAAS AYAYNA KU DHIMANEE HANTIDAADA IYO MALKAGA, ORAN DOONTANA WAALAY DHACAY ,DHICIDNA MA AHAN WAA QANIMO ADIGAA WAX DHACAY WANAGA WAX KA WANAGSAN IYO WALAALOOW , MAJIRAAN .ISMACIILOW BARINA HANDTIDADA HAKUU NABAD GASHO, EE ISKA BIXI DOON FUULKA AMA IIBSO ,WABILAAHI TOOW FIIQ.

  • hala dhiso ceel macaanbo waa ladhisay iyo cissaley waana laga tegay waceesle asaa iska tegayaan ha dhisaan afar sano lee ow joogaa dhismaha hadhow waxaa lahanayo dadka degaanka

  • ASCW WALAALAYAAL,
    HALOO KALA SAARO ARINTA MADAXWYNE IYO NIN TOLKII AH.

  • Saciid ali

    Matan cabdulow ya abgal wax ukala dhaxlay masa cel macan aa beru ku taal oo badar ka baxaa hadowna ugu shubin codkisa yow ugu shubi lahay ina gaasa waroy haka dhgnina mesha mel re matan wa dhul abgal nin kasto shaqeysanayo xad uhor istagtin dowla daminkini ada ama shaqeysta ka baxa warka kale mahadsnidin

Leave a Reply