Advertisements

Xog Culus: Madaxweyne Hassan oo Eedeyn Kulul u Jeediyay Ra’isul Wasaare Saacid. “Maxeey Tahay”

02/20 02:11. 1 commentViews:


BALCAD MEDIA:
¬†Madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha Somalia, ayaa la sheegay in dood iyo murran xoogan oo muujiyay khilaf cusub ay ku dhex mareen Villa Somalia, BALCAD MEDIA ayaa sidaas ogaatay.

Sida ay ay Xaqiijinayaan Ilo-xog ogaal ah, ayaa Balcad Media u sheegay in arrintan ay timid, kadib markii Madxweyne Xasan Sheikh kasoo noqday safarkiisa dibedda ee guulaha badan laga soo hooyay, isaga oo markii uu Muqdisho ku laabtay aad ugu dhaliilay ra’iisul wasaare Saacid wax qabad la’aan.

xoggg

Labadaan Mas’uul ayaa Kullan labada ku dhex maray Villa Somalia oo ay ka qeyb galeen xubno ayaga ku dhow, ayuu Madaxweynaha ugu sheegay Ra’iisul wasaaraha inuu ku fashilmay siyaasaddii arrimaha gudaha kana gaabiyay, intii uu safarka ku maqnaa.

Sida xog-ogaalka u sheegayaan waxyaabaha sida aadka ah madaxweynaha ugu dhaliilay Saacid waxaa ka mid ah arrimaha Jubbooyinka, maamulada Bay iyo Hiiraan.

Madaxweynaha iyo kooxdiisa Damul Jadiid, ayaa aad isugu dayaya in dhammaan gobolladaas ay yeeshaan maamulo ayaga ay soo magacabaan, hase yeeshee waxaa sii muuqata in taasi aysan suurta galeyn.

Maamulka Jubbaland, ayaa dhismihiisa loo fariisan doonaa 24-ka bishan, halka maamulkii gobolka Bay oo dowladda federaalka ay horey u badashay dib loo soo celiyay, wax aan ka badneyn toddobad un, taasi oo madaxweynuhu u arkay fashil siyaasadeed.

Si kastaba, ra’iisul wasaare Saacid ayaa la sheegay inuu iska caabiyay dhammaan eedeymahaas, una sheegay madaxweynaha inuusan ku eedeyn karin wax isaga xittaa uusan wax ka qabin karin.

 

Inta Jeer ee la Aqrisatay : 3306
Balcad Media Network
Email : balcad@live.com

Leave a Reply