Advertisements

Xog Culus Qorshaha Cusub ee Dowladaha Somalia & Ethiopia.

02/02 02:118 commentsViews:

Dowladda Somalia iyo Ethiopia ayaa Todobaadkii hore heshiis ay ku kala saxiixdeen magaalada Addis Ababa, kaasoo bog cusub u furaya labada dal, waxaana la filayaa in guddigan heerka wasiir ay ku kulmaan magaalada Muqdisho, marka wafdiga Madaxweynaha uu kasoo laabto magaalada Londan oo hada booqasho ay ku marayaan.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Fawsiya Yuusuf Xaaji Aadan oo heshiiskan u saxiixday Dowladda Somalia ayaa sheegay in Dawladda federaalka Soomaaliya iyo Ethiopia ay si wadajir ah u sameeyeen guddi wadajir ah oo loogu magacdaray, Guddiga wadajirka ee heerka Wasiir.

Waxay sheegtay Wasiir Fowsiyo in guddigan kulankooda ugu horeeyo uu ka dhacayo magaalada Muqdisho, inkastoo aysan sheegin xiliga uu dhacayo.

Wasiirka arrimaha dibadda Ethiopia Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa u saxiixay Dowladda Ethiopia, wuxuuna sheegay in dhismaha guddigan uu labada dal u furayo bog cusub oo nabadeed oo ku saleysan derisnimo wanaag iyo iskaashi dhex mara labada dhinac.

Xiriirkan cusub iyo heshiiskan ayaa dhacay kadib shirkii Midowga Africa ee Isniintii lagu soo gabagabeeyay magaalada Addis Ababa.

Baarlamaanka Midowga Yurub ayaa maalintii Khamiista su’aallo ka weydiiyay Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud xiriirka Dowladda Ethiopia iyo Somalia, wuxuuna sheegay Madaxweynaha in dowladdiisa ay wanaajineyso xiriirka dalalka deriska oo Dowladda Somalia ka taageerto dhinaca milateriga iyo nabadgelyada.Guddi Wasiiro isku dhaf ah oo xoojinaayo xiriirka Ethiopia & Somalia oo ku kulmaya Muqdisho

Inta Jeer ee la Aqrisatay : 3496
Balcad Media Network
Email : balcad@live.com

8 Comments

  • Ismaan yare

    Somaliya gul

  • Badria Banaadir

    WAA ARIN FIICAN WAA HADII AAY ITOOBIYA FULINEEYSO SIDA LABADA DALBA DANTA U AH WAAYO ITOOBIYA WAA CADOW SOO JIREEN AH LAKIIN ISBEDEL WUU IMAAN KARAA MAADADDMA DUNIDA OO DHAN UU ISBEDELO KA SOCDO

  • Salaad sheikh cali maxamuud

    asc aad ayaan ugu faraxsanahay xiriirka wadamada diriska iyo dowlad wanaaga nabada hurumarka kala dambeynta qodobka kale hadi adan diriskaga anaajinin oo aadan lahishinin waa dhinkena teeda kale aakhiro ayaga ayaa wax lagaa weydinayaa diriskaga gaalba ha ahadee madaxda dalka waxaan ku borinayaa iney iska wanaajiyaan xiriirka wadamada caalamka gaar ahaan kuwa diriska sida kenya ithobia djaboti ugandha burundi inkasto ay gaalo yihiin qaarkood hadane xaq baan isku lenahay oo daris baanu nah

  • Asc aqayaarta balcad com aniga fikirkerga hadii aan ka dhiibto waxeey ili tahay in itoobiya iyo somaliya eysan waligood wada socan doonin ee wa ay is gad gaadayan sababto ah itoobiya waa cadawga somaliya hadii aan wada socan laheyn waxaa didaayo wada socodka 2 bada dal takanidii aay itoobiya kagashay magalada muqdisho sanadii 2007 kii marka nin siidaas koyelay kuma aminayo ee kartada itoobiya waa somaliya iska ilaali iskuna ilali marka waxa dhiihi kara wasiirada fowsiyo halkas mar oo ad sheegtay in aad itoobiyo hishiis la gardhay wa aay kabaxsatay talada waxasa babaco kaabariiqato bohool kugeey saya badnad itoobiya soow ma ogiid in ay naga qaban inka badan 1000 kun oo qof ma ilaawday hiilmani hadalkumajire aniga waxan qaba in marka cunaqabatenta hubka nagalaqado in laweraro dhul iyo ciirba walal insha allaah

  • Xasan cabdi kariin muxudiin

    Ascww dhamaan aqristayasha. Runtii wa arin laso dhaweyn karo. Hase ahaatee waxay u baahan tahay taxadar badan in laga qabo heshiis waliba oo dhex mara wadanka somalia iyo ithiopiya hadaan nahay shacabka somaliyd wa inaan la xisaabtanaa xukuumad waliba oo dalka so marta.

  • nuur jikoley

    itopiya naclada alle haku dhacdo iyo wixi heshis la galo

  • shariifuna maye

    Somalia hanolato

  • shukri

    waxay ila tahay in aaney itoobiya wax faaiido ah u soo wadin somalia tan waxaa ay la mid tahay tii abdulaah yusuf,sheekh shariif ay ku halaagsameen markaa waxaa u soo jeedin lahaa in la kasbado kalsoonida shacabka soomaaliyeed oo dhan oo aan lagu degdegin xiriir wanaagsan oo itoobiya lala yeesho

Leave a Reply