• Home
    • Wararka Maanta
    • Arimaha Bulshada
    • Xogta Qarsoon
    • Ciyaaraha
  • Xidiga caankaa ee Zidane oo beeniyay Inuu Kooxda Chelsea tababare u noqon doono
  • Xulka Nageria oo ku Guuleestay Koobka Qaarada Africa. “Top News”
  • Hello world!
xidigta kubadle DAAW24 baner buug qeylo madaxda

link

SOMALI LINKS

  • Axadle.com
  • Balcad.com
  • Caasimada.com
  • Daawo24.com
SOMALI LINKS

Xog Culus: Somaliland oo la siinaayo Jagada Ra’isul Wasaraha Dowlada.

February 14, 2013 - Waxaa Qorey : Webmaster -

BALCAD MEDIA:   Waxaa la filayaa in dhawaan uu ka bilowday magaalada London shirkii ugu dambeeyay ee lagu midayn lahaa wadankii la oran jiray Soomaaliya.

Shirkan ayaa waxa kasoo qeyb gali doona wufuud ka kala socota dowladda Federalka Soomaaliya iyo maamulka la magac baxay Somaliland. Shirkan ayaa la filayaa in lagu soo afjaro kala qeybsanaantii jirtay 22kii sanno ee lasoo dhaafay, halkaasna uu maamulka Somaliland kusoo biiro dowladda cusub ee Federalka.

Hadaba si looga miro dhaliyo shirka London, waxa qasab noqotay in banaanka lagu gorgortamo oo ceyriinka lagu kala qeybsado hilbaha ka hor inta aan la iskugu imaan shirka London.

Dowladaha Maraykanka iyo Ingiriiska ayaa hada go’aansaday inay si dhab ah daacad ugu noqdaan xal u helidda dhibaatada Soomaaliya, waxayna labada dhinac culays ku saareen inay ka dhabeeyaan heshiisiinta iyo midnimada Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamud oo safaro rasmi ah ku kala tagay London iyo Washington lana kulmay labada hogaamiye ee wadamadaas, ayaa waxa laga codsaday in Somaliland la siiyo jagada Ra’isal Wasaarenimo, taasoo ay codsadeen Somaliland si ay uga soo laabtaan mowqifkooda gooni isku-taaga.

Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa ku qasbanaaday inuu ogolaado dalabkaas, si uu ugu guuleysto qancinta iyo soo celinta Somaliland, wuxuna dib ugu soo laabtay Muqdisho isagoo wata ogolaanshaha dalabkaas.

Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa si toos ah kulan ula yeeshay Ra’isal Wasaare Saacid, wuxuna usoo bandhigay shardiga adag ee lagu soo xiray iyo inuu la xaliyo xaaladda midnimada Soomaaliya, wuxuna madaxweyne Xasan ka codsaday Ra’isal Wasaare Saacid inuu la qaato dalabkaas uuna si niyadsami ah isku casilo si uu taariikhda Soomaaliya baal-dahab ah uga galo, uuna u noqdo hogaamiyihii labaad ee Soomaaliya ee kursigiisa uga tanaasulay midnimada iyo isku heynta Soomaaliya.

Ra’isal Wasaare Saacid ayaa hada ku maqan wadatashi iyo shirar uu wali la leeyahay lataliyayaashiisa iyo madaxweyne Xasan Shiikh oo ay habeen hore saqdhexe ku gaareen kulan ay ku lahaayeen Hotel Jaziira. Haddii uu diido Ra’isal Wasaare Saacid inuu kursigiisa u baneeyo Somaliland, waxa madaxweyne Xasan Shiikh ku adkaan doonta inuu si qasab ah uga qaado xilka Ra’isal Wasaare Saacid, maadaama uusan wali si cad ugu qeexneyn dastuurka cusub awooda madaxweynaha ee xil ka qaadista Ra’isal Wasaaraha.

Waxa markaas loo baahan doonaa mooshin xilka-qaadis ah oo ay soo bandhigaan xildhibaanada baarlamaanka kadibna cod loogu qaado golaha baarlamaanka taasoo aan la ogeyn sida loogu guulaysan doono iyo cawaaqibka ay reebi doonto haddiiba sidaas xilka looga qaado Ra’isal Wasaare Saacid.

Waxaase la odorasayaa in ka hor uu si iskiis ah u aqbalo Ra’isal wasaare Saacid, dalabka baryaha wata ee uu soo hordhigay madaxweyne Xasan Sh. Maxamud.

Inta Jeer ee la Aqrisatay 59

logo4

12 Responses to Xog Culus: Somaliland oo la siinaayo Jagada Ra’isul Wasaraha Dowlada.

  1. Cabdi karim macalin says:
    February 14, 2013 at 02:11

    Wlhi waa arin taariikhi ah hadii uu ugolaado saacid

    Reply
  2. osman dhere says:
    February 14, 2013 at 02:11

    mudane sacid wa nin wadani ah ilamana ahan in ow didayo

    Reply
  3. dr garag garam says:
    February 14, 2013 at 02:11

    Asc
    Waan idin salaamayaa dhamaan walalaha soomaaliyeed salaan kadib
    Waan taakiirsanahay figradaas soomaliyanah soomaalibaaleh ilaah waaxaan kabaaryaa inoo nagadhigo kuwee katashada aayahooda iyo mustaqbalkooda aaamiiiin soomaliya guul b3yyyyyyyyy

    Reply
  4. wadani says:
    February 14, 2013 at 02:11

    mudane saacid wlh waxaan kudhihi lahaay si sharcfle isaka wareeji xilka

    Reply
  5. axmed kooshin says:
    February 14, 2013 at 02:11

    ilaahoow nawada natus maalin walbo wax ayaa la keynaa soomaalilan maxaa laga rabaa muqdisho ayaabo qasan horta ha xaliyo muqdisho

    Reply
  6. Sami seidan says:
    February 14, 2013 at 02:11

    Waa huwaal wadani inu yahay garanayana ayna dhab ka tahay midnimada somali wayn ,tusale hadan uso qato xulashadi wasirada arimaha dibada marwo fowsiyo o ay ahayd fikrad dib ulamasiyad ahayd iyo mowqifkisi magacawida marwo fowsiyo wana huwal hadu arinkan dhabyahay mudane saacid waxu naqanaya ninka lamayn dona tariqda inta la ogyahay allaha u naxariste madax wayne adan abdulle ismaam {aadan cadde] mudane ra isul wasare hadaa nahay bulshada somaliyed wanu ku jclnahay u bareer gesinimo ka fogaynayda shaqa ad jeceshahay inaad sii qawato mahadsanidin……

    Reply
  7. mohaa cali says:
    February 14, 2013 at 02:11

    waxaa ilaah ka baryeenaa soomali in aay hal muuquf noqta mudane saacid waxa dhhi lahaa si sharaf ku jirta xilika iskaga wareeji si soomali u noqoto wadan isku wada mid ah mahadsndiin

    Reply
  8. dadir says:
    February 14, 2013 at 02:11

    kkkkkkkkk somalilanad ma rabne sacid waxan leyahay jagada ad no heyso no hayay

    Reply
  9. Balcadstar says:
    February 14, 2013 at 02:11

    aniga waxaan qabaa inaan isku imaano somaliya meel kala go,d maba dhamo hada ayaaba wadamo badan kla fakarayaan africa oo isku af’ iyo isku diinba aanan aheeyn in la mideeyo marka kala go’go’ waxba nooma taraaayo somaliya waa mid waana ul’ iyo meyrax lkn ma ogolaaandootaa somaliland taas ayaa su’aal taagan ah wabilaaahi towfiiq

    Reply
  10. abshir abdallah says:
    February 14, 2013 at 02:11

    waa arin muhiim ah rajada somaligana socelinaysa wana kufaraxsanahay ka muwadin ahan lakin
    waside ,hadalkani waa xokculus maxa loga hordhacay oo loshaciyay ban kawada. mise waa ben abuur o wax kamajiran.
    fadlan sirta nuucasa inlaxafido wadani nimada ayay kamidtahay.yana lafashilin

    Reply
  11. khadija says:
    February 14, 2013 at 02:11

    SAACID HA IS CASILO WAR MAAHA SAACID WUXUU KU FADHIYAA KURSIGII DAAROOD, HADII QOF IS CASILAYO MADAXWEYNAHA AYAA LA RABAA WAAYO ASAGAA HAWIYE AH, HAWIYE IYO DIR DIGIL MIYAA DALKI MADAXDOODA ISKU QAADAN KARA JAWAABTU WAAMAYA, SOO DHICI MEYSO IN DAAROOD MARKAA GOOSTO OO AYAGA LA RAAD RAADIYO WAA DHECEYSAA OO WAA LAHUBAA MARKA MADAXWEYNAHA HA KU SHARFO SIILNAAYO KURSIGIISA SAAS AYAANA DANTU KU JIRTAA ILEY HADAA SHEEKH SHARIIF KA KACAY WAANA ISKU BEEL MARKA KA MADAXWEYNAHA AYAA FUDUD WAA HADII MIDNIMO LA DOONAYO.

    Reply
  12. kamasyare says:
    February 18, 2013 at 02:11

    Wada idin salamay dhamantiba marka labta saacid waxa muhum ah in uu iska casilo jegada uu joga iminka waayo waxa muhum ah in uuu ka shaqeyo hormarka iyo nabta iyo wada jirka somalia thankz

    Reply

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

live madin qurxiye
© 2011-2012 Balcad Media . All rights reserved.
Design by Madiina ICT .