Advertisements

Xog Culus: Madaxweyne Hassan oo ku dhagan Wasiiradda Fowsiyo Yuusuf Aadan. “Warbixin”

03/01 02:1195 commentsViews:

BALCAD MEDIA:   Ilo Wareedyo lagu kalsoonaan karo oo ka shaqeeya Xafiiska Madaxweyne Hassan Sheekh ayaa si hoose ugu xog waramay in Madaxweyne Hassan Sheekh uu Damacsan yahay in xilka laga qaado Wasiirada Arimaha Dibadda Fowsiyo Yusuf Aadan oo u arko Madaxweynaha Halis Qarsoon oo Wajiyo badan la soo baxday kadib Amaro Badan oo Madaxweynaha oo ay ka hor timid.

Xogtaan aan heleeyno ayaa sheegeysa in Wasiirada Arimaha Dibadda ay ku garab tahay Ra’isul Wasaaraha Somalia Saacid ayadoo isu aragto in Madaxweynaha uusan waxba ka qaadi karin sida ay inoo xaqiijiyen waxeeyna is hortaagtay Wafuud Caalami ah oo Wasaarada Arimaha Dibadda la soo xiriirtay si ay ula kulmaan Madaxweynaha.

hass

Haweeneydaan Wasiirka Arimaha Dibadda loo Magacaabay ayaa aheyd Musharax Xisbi Siyaasadeed Somaliland donayay in uu ka qeyb qaato Doorashada Maamulka Somaliland balse loo diiday in Xisbigeeda in uu ka qeyb qaato olalaha Doorashada Maamulka Somaliland balse markii dambe jaanis ka heshay Ra’isul Wasaare Saacid oo ay Saaxiibo isu dhow yihiin oo loo magacaabay Ra’isul Wasaaraha Somalia.

Isku Soo Wada Duub Madaxweyne Hassan Sheekh ayaa la sheegayaa in Ra’isul Wasaaraha uu ku qanciyo in uu Wasiirka Arimaha Dibadda hada xilka ka qaado si loogu badalo qof kale oo Reer ahan ka soo wada jeedaan Isaaq oo ka mid ah Kooxda Damjadiid balse waxaa la ogeyn sida ay ku suura Galeyso Arinkani.

Qore M M YUSUF
BALCAD MEDIA:
MUGADISHU SOMALIA:

Inta Jeer ee la Aqrisatay : 3800
Balcad Media Network
Email : balcad@live.com

95 Comments

  • Aniga fikradayda waa hala badalo sababtoo ah waa naag iska jecel sida ay diyaarad uraacdo

  • mahamud ali omar

    Beenta waxaa wanaagsan in gebi ahaanba laga joogsado si aadan munaafaqnimo ugu dhicin sidoo kale haddii wax la saadaalinayo waxaa la saadaaliyaa wax run u eg si wayao aragnimo iyo xogogaalnimo ka jirto haddii webkaga ayaa sumcad xumo u keeneysaa sidoo kale naftaada waxaad u soo jiidee xarig ama dil maxaayeelay maanta waxa soomaaliya ka socdo waa in qolo walba magacey doonto ha qaadatee haddi laga sheego wax ay u arkaan in sumcaddoda lagu dilayo ciddii sameysa waxay u dirayaan qolooyin dila ama xere ama handada ka dibna ay u saariyaan waxa ay sameyeen al-shabaab amaba al-shabaab xataa haddaad wax ka sheegto amaba ay kaa shakiyaan iyaga xitaa way ku qaaarajinayaa sidaa darteed waxaa halakan balcad .com u soo jeedinaya inaad arimahan joojisaan haddaad soomaaliya joogtiin haddii kale waxaad helaysiin cawaaqibta ay leedahay .

  • zakariye

    fadlan waa idin baryee naa waxey no tagan tahay mel wcn mudane madax wene iyo ra iisul wasare saciid ku dhamesta arin kiin si hoose iska daaya isqabsi wankaso dal ney in nagu filan radiye xala somalia dan tiina ha egina waa talo mahad sani diin

  • ahmed soohaad

    ASC waan idin salamay war inta gori goor tahay waa in dadka waxku qora saxafadda iska fadhi kudirirka ah en ku dhisneyn sharci iyo cadalad iyo xaqiiqo waa haddi ow jiro sharci saxafadda u gaar ah waa in talab la qaado weliba waa in lala xisabtamo wargeysyada qaar kaso baxa magalada muqdisho

  • waxaan layaabanahay war hadii xaqiiqda naloosoogudbiyo oo aan weliba lacag la aan ku helno madacwad ayaan uqab naa saxaafada xorta ah ha leeysku xishoodo markastana waan u hambalyeeyneeynaa balcad media sida aay ugu adeegaan bulshada meelkasa oo aay kajoogaan aduunka dacaladiisa marka waxaan idinka raali galil neeynaa hadalka wax magaratada waadna mahadsantahiin dhamaantiin

  • waaaaan la dhacsanahay in xilka laga qaado oo lagu baddalo qof uu qalma

  • Dablariday

    Warark http://www.qabiil.com aad bay hooseeyaan, soomaaliduna waa nacday hadda.
    Wasiiradda Arrimaha Dibaddu Waxay Warbixinta (Reporting) shaqada wasaaradeeda siisaa Prime Ministerka. Arrinta ah maxay warbixinteeda shaqo maalmeed u siin la’adahay madaxweynha waa arrin aan dastuuri ahayn. Eedayn kale oo aad u haysaan ma muuqato.Waxaa fiicnaan lahayd hadaad sheeganaysaan warbaahin inaad aqoon u yeelataan wararka aad baahinaysaan, xishoodkuna qof shaqsiya keliya mahane ee warbaahintana waa looga baahan yahay. Waa sax in warbaahintu xor tahay, laakin waxaa kaloo sax ah inay la yimaadeen xirfad aqooneed iyo mid xishoodba.

    Wabillahi Tawfiiq

  • salaaxu diin

    Horta wxaan layaabay website yadaan wararkaka mawaxyi ayey ugusoodagan wax aan lahubin marka dadka loosheegaay fadlan waxaan kulatalinlahaa inla iskadhaafo waxaad qiyaasay saan kanawantooba wabilahi towfiiq wcm wrt

Leave a Reply