Advertisements

Xog Hoose: “Maxaa ka Dhacay Xarunta Madaxtoyada Villa Somalia”

02/22 02:119 commentsViews:

BALCAD MEDIA:  Qormo Siyaasadeed ku Saabsan Khilaafka Cusub ee soo shaax baxay ee u dhaxeeya Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisal wasaarihiisa Cabdi Faarax Shirdoon ayaa maanta si yaabo kala duwan ula kulmay madaxda hey’adda gargaarka dalka Maraykanka Dr. Rajiv Shah oo Muqdisho booqasho maanta ku yimid.

Ugu horeyn Madaxa USAID waxaa markii horre la kulmay madaxweynaha Soomaaliya iyo wasiiru dowlaha madaxtooyadda Faarax Macalin.

Kulankaas oo qaatay dhowr saacadood ayaa markii uu soo dhammaaday waxaa saxaafadda la hadlay madaxweyne Xasan Sheekh iyo Dr. Shaah.

USAID (1)Kulankaas waxaa looga dhawaaqay lacago hor leh oo dowladda Maraykanka siineyso Soomaaliya taasoo lagu horrumarinaayo arrimaha aasaasiga ah sida wax-barashadda, caafimaadka iyo beeraha.

Markii uu kulankaas dhammaaday waxaa saxaafadda loo sheegay in ay iska xaadiriyaan xarunta Villa Somalia, halkaasoo madaxweynaha uu ku qabanaayo shir jaraa’id.

“Wariyaasha waa ay iska xaadiriyaan Villa Somalia oo uu ku jiro shir muhiim ah,” sidaas waxaa yiri sarkaal ka tirsan xafiiska madaxweynaha.

Nin kale oo ka shaqeeya xafiiska madaxweynaha ayaa yiri “ Maanta mala rabo miyaa shaqo maa aadaan Villa Somalia oo shir muhiim ah uu ka jiro”

Waxa ay umuuqatay hadalkaas in la baabiyo shirka jaraa’id ee ra’iisal wasaaraha iyo madaxa hey’adda gargaarka Maraykanka oo iyana kulan gaar ah ku yeeshay mid kamid ah xafiisyada AMISOM ee Xallane.

USAID (3)Ka hor inta uusan dhicin kulanka waxaa wariyaasha loo sheegay in uu jiro khilaaf ballaaran oo ka dhexeeya madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha.

Khilaafkan ayaa soo billowday dabayaaqadii bishii hore, markaas oo labada nin ay isku dhaceen, laakin maanta waxaa si buuxda u cadaatay in uu jiro is-maandhaaf ka dhex-jira labada nin, taasoo suuragal ka dhigeysa in labadooda uu mid daaqada uga baxo.

USAID (2)Madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha hadda islama hadlaan oo xittaa isma salaamaan sida ay lee yihiin saraakiil ku dhow xafiiska labada masuul., waxaana arrintaas ay keentay in ay labo garab u kala jabeen xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya.

Wasiiradda xukuumadda yey kala taageersan yihiin?
 
Sida uu u sheegay sarkaal ka tirsan dowladda, wasiiradda xukuumadda waxaa ay la kala safteen madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha, taasna wax ay soo shaacbaxday markii madaxweynaha uu ra’iisal wasaaraha ka codsaday in uu xafiiska ka ceyriyo wasiirka maaliyadda, taasna waxaa
gaashanka u daruuray ra’iisal wasaaraha.

Cabdi Faarax Shirdoon ayaa ku hanjabay haddii hal wasiir shaqada laga ceyriyo in uu xafiiska baneen doono.

Wasiirka arrimaha gudaha Cabdi Kariin Xuseen Guuleed waa gacanta midig isla markaana uu kutashdo madaxweynaha.

Wasiirka arrimaha dibedda ahna ra’iisal wasaare ku xigeen waxa ay la jirtaa ra’iisal wasaaraha madaxweynaha ayaa iyada wasiiro kale ku kacsan.

Dhawaan waxa ay isaga iyo wasiirka maaliyada ka qaybgaleen aaska loo sameeyay Sheekh Cabduqaadir Gacmeen oo dhawaan kooxo hubeysan ay ku dileen magaalada Garowe ee xarunta Puntland.

Ra’iisal wasaaraha safarka wasiirka ma uusan la socon, loomana sheegin, waxaa diray wasiirka madaxweynaha.

Maalintaas uu baxay ayaa ra’iisal wasaaraha wuxuu wasiirka ka codsaday in uu tago beerta nabadda oo ay dhaceysay banaanbax lagu taageerayo dowladda.

Wasiirka ayaa ra’iisal wasaaraha ku yiri “Waxaan ku suganahay Garowe madaxweynaha ayaana ii diray marka ma joogi Muqdisho”

Ra’iisal wasaaraha waxaa la sheegayaa in uu billaabay in madaxweynaha la xisaabtamo, isla markaana uu shaqadiisa u madax baneeyo.

Horrey ayaa ra’iisal wasaaraha waxaa loogu sheegay in shaqadiisa badanaa uu qabto madaxweynaha taasna ay tahay mid cadaalad daro ah.

Haddii khilaafkan muuqda ee ka dhexeeya madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha si rasmi ah u shaacbaxo wuxuu keeni karaa in beesha caalamka oo caawisa Soomaaliya ay ka niyad jabot wax yaabaha la sheegay.

Inta Jeer ee la Aqrisatay : 3629
Balcad Media Network
Email : balcad@live.com

9 Comments

  • muxyadiin sh

    Somali iyo dabeecada ay caalamka oga hartay weeye caalam kuna waa ogyahay 2 maado madaxda somaliyed inay safka hore ka galayaan 2 daas oo kala ah musuq maasuq iyo khilaaf

  • Mareye

    Een majiro khilaaaf ee waxa jira fikir xaga sharciga ah oo ah sidaan iyo sidaan ayee wax kuhaboonyihiin marka khilaaf haduu jiro maqarsoomeen waana wax aan karajeenenin labadan masuul, waayo xilagaaan mahan dowlad ku meel gaar ah oo awooda kutartama marka fikirkeega waxan kuso kobayaa oo ilaahna karajeenayaa in ay san dhicin siyaasad xumo iyo musuqmaasuq ,waxana websiteka kulatalinayaa qoraalada uu soo bandhigaayo waa in uu cadeen soo dulsaaraaa ama ka gaabsadaaa ,

  • Gacal

    Asc asxaabey salaam sare kadib hore waxaa low yiri aduunka waxaa isku dhaw carab iyo ilko waana isqoomaan marka lama yabani ragaan hadii isqabtaan waa wax jiro suaasha taal ah shalay dhaheen isma khilaafi doono maanta maxaa keynay tan waxaan u arkaa aan daneesto kali gey waxa wax lagu gaaraa waa anaga ee muslim xalala nahay aan is cafino 2gacmood isqabsano dal keena diinteena dadkeena ilaashano kadhoorna dugaagta asc

  • axmed kooshin

    alle waxaan ka baryayaa in uu wadankii hooyo noo xasiliso qof walbo alle haka cabsato saxaafada dhamaan waxaan ka codsanayaa xumaanta soomaaliya yeena shey sheygin waa inaa mar walbo alle u noqonaa oo aan is cafinaa waa la wada dhimanb marka qof walbo alle ka cabso hana la daayo amarkeyga ayaa kaaga ka weyn wax haleys fahansiiyo wa bilaahi toofiiq

  • wax qilaaf majiraan ee waxaa lees ku heestaa sidaas ma e hee waa sidaan

  • Daacad

    Somalido waxeey tiraa 2 dii xaqdaro ku heshiisa xaqa ayeey ku diriraan maxaa yeelay awaleey xaqdaro ku heshiiyensababtoo ah sa cid xaq uma laheen jagadaan bililiqo ito xaqdaro ayaa lagu siiyay waxaa xaq u lahaa farmaajo ra izul wasaaraha shacabku jeclaa

  • sharmake

    Asc bulsha weynta somaliyed waxaan idin dhihi lahaa saxaafada sanadkan waxay qoreyso waa wax aan sal iyo raad laheyn marka iska dhaafa comment ka dhiibashada taasi waxay ku ogaadan masuul kasta inta uu raageero heysto marka dadka wax akhriya waxan oran lahaa Akhri waxay qoren balse hawsha halkas ku dhaf

  • Cabdikarim cali cabdi

    Waxa yaab dadka ula muuqan karo khilaaf ka aloosmay labada masuul ee hogaaminaya somaliya ,laakin sababta ayaa ah in ay labada masuulba qabaan muraayad qabiil iyo mid danno oo ah tafiirta anaaniyada.waxaan kula talinlahaa in in ay dareenkooda iyo cadiifadooda ka hor mariyaan danaha guud “in taasi waa cabirka aragtidayda fadlan dhuux xaqiiqada kana taxadir isdifaaca wa salaamu calaykum.

  • Cabdikarim cali

    Waxaan qabaa fikir ahaan in qabyaalada iyo saraysiinta danaha gaarka ah iyo cabsida masuuliyada cusubi dhashay khilaaf ku muunadaysan Anigaa saxa adna waad qaldantahay.waxa dhawaan rajaynayaa in dhacdooyinku u noqdaan kuwo waxbara masuuliyiinta xilka ku cusub.

Leave a Reply