Advertisements

Xog + Kashifaad: “Yaa Mas’uul ka Ah Amaanka Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho?”

03/03 02:117 commentsViews:

BALCAD MEDIA: Qormo ku saabsan Arimo xasaasi ah oo aan idiin soo gudbineeyno Tan iyo markii la dhisay dowladda cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed dabayaaqadii sannadkii tegay, ayaa waa cusub u baryey ummadda Soomaaliyeed iyadoo rajadii nabadgelyada, nolosha iyo dhaqaaluhuba ay soo iftiimeen.

Hadaba Madaxda Dowladda ayaa baaqyo is daba joog u dirtay muwaadiniinta Soomaaliyeed gaar ahaan qubojoogta iyagoo ku boorriyey in ay dalka dib ugu soo laabtaan oo maalgashadaan kana qayb qaataan soo celinta bilicda caasimadda Muqdisho iyo dib u dhiska dalka.

Sidoo kale Shacbiga Soomaaliyeed iyagoo ka jawaabaya baaqyada dowladda ayey u tafaxayteen inay garab istaagaan dowladda. Gaar ahaan jaaliyadaha Soomaaliyeed waxay gurmad ku yimaadeen dalka qaybihiisa ay xasilloonida iyo maamulladu ka jiraan sida Somaliland, Puntland iyo magaalo madaxda Soomaaliya ee Muqdisho.

Dhanka kale Baaqyada iyo codsiyada dowladda ayaa soo jiitay inay qurbojoogtii Soomaaliyeed soo buux dhaafiyaan magaalada Muqdisho iyadoo dowladdu ay iclaamisay in amaanka caasimaddu uu 100% sugan yahay. Haddaba waxa Muqdisho ka billowday dayactirro iyo dhismooyin guryo, hoteello iyo maqaayado casri ah oo laga helayo dhammaan adeeyada looga baahan yahay.

Arinta Nasiib darrada ah ee shacbiga iyo gaar ahaan maalgeliyeyaasha Soomaaliyeed way ku hungoobeen kadib markii cadawga nabad-diidka ahi uu bartilmaameedsaday hoteellaha iyo goobaha ganacsi ee muhiimka ah kuna yaal magaalada Muqdisho. Bal xusuusta qaraxyadii ka dhacay Hotel/Restaurant Safari, Maqaayadda casriga ah ee ku taal Guriga Ururka Haweenka Soomaaliyeed, ka soo horjeedka Golaha Murtida iyo Madadaalada (National Theatre). Dhowr toddobaad ka hor waxa qaraxyo lala beegsaday maqaayad laga cunteeyo oo ku taal Xeebta Liido halkaasoo ay ka dhaceen dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed.

Maalintii ay Bisha 1da bisha Maarso 2013, qarax is miidaamin ah ayaa ka dhacay maqaayadda Indian Ocean ee Xeebta Liido waxaana ku dhaawacmay muwaadinnin Soomaaliyeed iyadoo burbur hantiyeedna uu ka dhacay ka sokow ismiidaamiyihii oo ku geeriyooday.
Haddaba waxa yaabka yaabkiis ah in milkiilihii maqaayadda Indian Ocean Mudane Maxamuud Xareed Dhegey oo ka yimid carriga Ingiriiska iyo laba shaqaalihiisa ah ay dowladdu xirxirtay iyadoo lagu eedeeyey inay amniga dayaceen.

Waa su’aale amniga ma dowladda ayaa ka mas’uul ah mise ganacsatada??? Sow dowladda ma ahayn cidda shaacisay in amniga caasimaddu uu yahay mid laysku hallayn karo?? Haddii uu shacbigu ka mas’uul noqdo amniga dalka, dowladdu maxay qabanaysaa?
Si arrintaas xal loogu helo, ayaa waxa is abaabulay madaxda Beesha Harti Abgaal ee Muddullood ee uu ka dhashay milkiile Maxamuud Xareed iyagoo doonayey inay dowladda ugu baaqaan inay degdeg wax uga qabato tacaddiga loo geystay dhibbanaha hantidiisii iyo shaqaalihiisii ay shalay ku wax yeelloobeen qaraxii ka dhacay Xeebta Liido.

Waxgaradkii beesha oo shir isugu yeeray, saxaafaddana diyaarsaday baa wax ka war helay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Madaxweynuhu wuxu teleefoon u diray madaxdii beesha Harti Abgaal isagoo ka codsaday inay joojiyaan shirka iyo warsaxaafadeedka isla markaasna amray in si degdeg ah loo sii daayo Mudane Maxamuud Xareed iyo labadiisa shaqaale oo xorriyaddoodi dib u helay.
Gabogabadii, aaway amaankii magaalo madaxda Muqdisho oo dowladdu ay iclaamisay in uu sugan yahay? Sow ma muuqato been iyo indho sarcaad lagu khalday shacbiga Soomaaliyeed? Sow niyad jab kuma ahan qurbojoogta Soomaaliyeed oo naftoodii iyo maalkoodii u soo huray dalkooda hooyo?

Jawaabta qurba joogta ee hantida gashtay dalkooda ma waxay noqotay in lagu xiro waxaad dayacday amaanka dalka iyadoo waliba hanti badan laga burburiyey.

Dowlaada Madaxweyne Xasan Sheekh ma waxay rabtaa inay warbaahinta dalka ka maamusho, mise xafiisyada?

Qore Mohamed Abdulle “Siidi”

Inta Jeer ee la Aqrisatay : 3345
Balcad Media Network
Email : balcad@live.com

7 Comments

  • abyan

    asc/ somaaliyeey, anigoo taxraacayo ninkan maqaalkan qoray waa dadaalay in uu soo bandhigo fikirkiisa, balse waxaa fiican in aan mar walba la eedaynin dowladda , waad ogtihiin siday ahayd moqdisho iyo maanta sida ay tahay , nabadu waxay ku imaanaysaa tartiib tartiib.waxaana adduunka oo dhan ayey ka dhacaan, ma wanaagsan in la soo qoro maqaal niyadda looga jabinaayo dadweynaha u hami qaba in ay ku soo noqdaan dalkooda. hala fiiriyo waxa badan ay qabatay dowladda hana laga qayb galao sugidda ammaaanka./ wabillahi towfiiq….

  • Rumahaantii waa wax laga xumaado in urbajoogtii usoo gurmatay dadkooda iyo dalkooda,isla markaasna maalgelinta sameeynayay in amaankooda la sugi waayo,waxaanse wada ogsoonahay tuug kula jooga tab kuuma waayo,ma sahlana sida leesaga ilaaliyo cadaw kula medeb ah,kugu muuq ah,kulana degan,saas daraadeed,ma sahlana cirib tirka kooxda nabad diidka ah,Roma maalin laguma dhisin,mudda dheer ayeey qaadaneeysa sugidda amaanka muqdisho,saas daraadeed waxaan soo jeedin lahaa in aanaan doowladda ku eedeeyn amaan sugida muqdisho,maadaama aan shacabkii waddanka u dhashay ee iyaga amaankooda la sugayay si buuxda ula shaqeeyneeyn ciidamada amaanka sugaya,balse hadii aan sida kale u dhigo,waxaad mooda in laga qaldanyahay ganacsadaha hantidiisi waayay,hadana xarig loogo sii daro,yaab,,ciidanka nabad sugidu hadii ay ka gaabiyeen hoowshoodi,ama iyagu ay ku filnaan waayeen sugida amaanka,ma aha in dhibanaha hantidiisii waayay,xarig loogu sii daro,taasna waxaa ka masuul ah wasiirka amniga qaranka,waxaase mahad celin mudan madaxweeynaha oo saxay qaladkii laga galay muwaadinka soomaaliyeed.
    nasiib darada aan nabada laga sugi karin aya wexeey tahay kuwa maalin kasta qaraxa lala beegsanayo,ama koox baastoolada sida ay dilayaan,waa shacabkee,oo aan fahamsaneeyn in aygacan ka geeystaan sidii loo sugi lahaa amaankooda,taas oo ah in ay soo sheegaan kuwa guryohooda ka soo jarmaadaya oo iyagii dilaya,
    fari kama qodna faanoole,amaanka muqdisho weligii ma hagaagayo ilaa shacabka muqdisho gartaan ,iskana kaashadaan sidii nabadda loo sugi lahaa,waana wax dadweeynaha ku xidhan dhamaantood,ama inta wax uun fahmeeysa.

  • amiinkeey

    asw. Nabadu way soo jedaa goorwalba oo gama kama siiso hurdo macaan waayo waa ifintsa aadanaha ,Colaaduna way hurudaa ayadoo og in ay atahy nacabka aadanaha kolka, haddii qoraaga uusan tafatirin arinta waxaa dhacaya seerigii ama ganbalelkii, waxana halkaas ku soo toosaya Colaadii hurdaysay,Qoraaga soomali waa in uu udaneyaa goorwalbaba Nabada uusan u hiilin Colaada nadashatay.Haddii taliye, ama askari dabla ah uu xero ruux ama uu u hanjabo ruuxkale cadaalada ayaa la horgaynaa Dhibanahana waa la xaal marinaa balse lama oranayo DOWLADA ayaa ka masuul ah, madaxweynaha aya ka masuula ah, rasialwasarahaa og, wasiirkaa soo diray ,jananka ayaa amray, .taasi waa arin u baahan u kuurgalida arimaha amniga iyo madaxada .madaxweynahana ma ahan wardiye ama kooregaar,waa ilaaliyaha dastuurka ,QORAAGA QAXAAN LEEYAHAY U IFI UMADA SOOMALI SIDII AY U HANAN LAHEED NABAD IYO CADALO ,TILMAAN KA BIXI IN RUUXA UU XIRAY DABLE AMA TALIYE UNUG,EE HA U HIILIN NACABKA SOOMALI FARXADNA HA SIIN MIDKA UNUGUL QABIILKA IYO EEXDA ,PLZZ U HIILI KUWA NABADA JECEL KUWA CADALADA JECEL RAJADU WAXAY KU BURBURTAA 1SEKIN, ,QORAAGA SOOMALIYEEDOOW ILAAALI XEERKA SAXAFADA ,MAXAA KUU DIIDAY IN AAD NOQOTAA SUXUFI REER ISRAAIL AH ASAGOO HAYA XOGTA HADANA KU DADALAYA IN ISRAIL MURAAL JABTO, DOQON DANTIISA MOOGE .NABAD BAA NAAS LA NUUGE LEH COLAAD IYO REER HEBEL KA DAALNAY , IALAHOW AADAAN KUTALA SARANAY XAQA IYO XALASHA , WCS

Leave a Reply