• Home
    • Wararka Maanta
    • Arimaha Bulshada
    • Xogta Qarsoon
    • Ciyaaraha
  • Xidiga caankaa ee Zidane oo beeniyay Inuu Kooxda Chelsea tababare u noqon doono
  • Xulka Nageria oo ku Guuleestay Koobka Qaarada Africa. “Top News”
  • Hello world!
xidigta kubadle DAAW24 baner buug qeylo madaxda

link

SOMALI LINKS

  • Axadle.com
  • Balcad.com
  • Caasimada.com
  • Daawo24.com
SOMALI LINKS

XOG: Khilaafka Mdaxda Dowlada soo kala dhex galay Waxuu Salka ku hayaa Arimahaan…

February 28, 2013 - Waxaa Qorey : Webmaster -

BALAD MEDIA:  Waxaa waayihii dambe soo baxayay Khilaaf Xoogan oo si hoose loo ogaaday oo soo kala dhex galay Madaxda Ugu Sareeysa Dowlada Somalia waa Madaxweynaha & Ra’isul Wasaarihiisa kaas oo ah mid salka ku hayo maamul u sameeynta Gobolada Jubooyinka & Geddo oo ay ku kala fikrad duwan yihiin.

Khilaafka ayaa la sheegay in uu ka dhashay markii uu Ra’isul Wasaare Saacid uu sheegay i Beesha uu ka dhashay ee Mariixaan Hogaan looga dhigo qorshaasi oo uu diiday Madaxweyne Hassan asagoo Madaxweynaha kaga fikrad duwanaaday arintaasi waxuuna Madaxweynaha sheegay in maamul u sameynta Goboladaasi laga wada simaya Dhamaan maamulada halkaasi daga.

madax

Tan & markii uu soo shaac baxay Khilaafkani waxaa yaraaday muuqaalkii badnaa ee Madaxda & kulamadoodii waxaana waayihii dambe ay Xafiisyadooda ku kala qaabilayeen madaxdii dalka timaada ayagoo horay si wada jir ah u qaabili jiray.

Madaxweyne Hassan Sheekh ayaa la sheegayaa in uu doonaya in maamulka la rabo in loo sameeyo Gobolada Jubbooyinka & Gedo in ay ka soo dhex muuqdaan dhamaan beelaha halkaasi daga Balse Ra’isul Wasaaraha ayaa waxuu doonayaa in Beesha uu ka dhashay in Madax looga dhigo asagoo ka soo horjeeda beesha uu Ahmed Madoobe ka dhashay in ay Kismaayo xukunto.

Isku soo wada duub arimaha ku saabsan khilaafka Madaxdaan ayaa waxuu noqonayaa mid si toos ah u shaaci bixi doono ayagoo waayadaan aan si wanaagsan u jirin xiriir ka dhaxeeya Madaxweynaha & Ra’isul Wasaaraha waxeeyna ku kala aamusan yihiin arimaha ay ku kala fikrad duwan yihiin ee Maamul u Sameeynta Gobolada Jubbooyinka & Gedo.

Inta Jeer ee la Aqrisatay 59

logo4

2 Responses to XOG: Khilaafka Mdaxda Dowlada soo kala dhex galay Waxuu Salka ku hayaa Arimahaan…

  1. somali says:
    February 28, 2013 at 02:11

    Beenaalayaaaal ayaad tihiiiiiiin qudhun wadayaaal qabiilaystayaaal ah

    Reply
  2. Cumar says:
    March 1, 2013 at 02:11

    Madaxweynaha raiisul wasaaraha umaqalmaan jagada talo waxaalooqasaamalmal xildiid karbuunaati madharuug waala ca bsiinaa qabiil ordaayo ayaacalooshooda kasoobaxaayo

    Reply

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

live madin qurxiye
© 2011-2012 Balcad Media . All rights reserved.
Design by Madiina ICT .