Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayao oo ku sugan magaalada London ayaa halkaas kulamo kula qaatay madaxda dowladda Ingiriiska.
Kulanka oo ka dhacay xarunta wasaaradda arrimaha dibedda ayaa waxaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin xiriirka labada waddan iyo siddii taageero loo siin lahaa dowladda cusub ee Soomaaliya.
Waxa dhinaca Soomaaliya wafdiga u joogay ka sakow madaxweynaha ra’iisal wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arrimahha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ee Soomaaliya Marwo Fawziyo Yusuf Adam,wasiirul dowlaha madaxtooyadda Faarax Sheekh Cabdul-Qaadir, la taliyayaasha madaxweynaha, iyo xubno kale.
Waxa kaloo jiray madaxweynaha kulan uu la qaatay laamaha ammaanka dalka Britain, kuwaasoo uu kala hadlay siddii gacan ay uga geesan lahaayeen xoojinta arrimaha ammaanka waddanka Soomaaliya.
Sidoo kale madaxweynaha iyo wafdigiisa waxa kaloo ay la kulmeen hey’addaha dhinaca horrumarinta u qaabilsan dowladda Ingiriiska.maadama Soomaaliya ay ka mid tahay waddamada ay ka jiraan xaaladaha bini’aadimada.
Waa markii ugu horreeyay ee madaxweyne Xasan Sheekh uu tago magaalada London ee dalka Ingiriiska tan iyo markii uu xilkaas qabtay.
Madaxweynaha ayaa la filayaa inta uu halkaas joogo in uu kulan la qaato ra’iisal wasaaraha Britain David Cameron oo hadda ku sugan dalka Liberia.
Waxa ay labadooda si gaar ah ugu hadli doonaan shir arrimaha Soomaaliya ku saabsan oo bisha May ka dhici doona magaalada London.
Inta Jeer ee la Aqrisatay 21