Advertisements

Yassin Maaxi: “Wariye Abdiaziz Koronto Xaq daro ayaa lagu heestaa ee hala sii daayo..”

03/07 02:117 commentsViews:


Gudoomiyaha Xisbiga Midnimada Bulshada Soomaaliyeed Mudane Yassin Maaxi Mo’allim ayaa Warsaxaafadeedka Bilaha ah Maanta si kulul uga hadlay Xariga Wariye Xabsiga ugu jira Dowlada Somalia kaas uu ku tilmaamay mid xaqdaro ah oo aan la aqbali karin sida loola dhaqmay Wariye Abdiaziz Koronto.

Siyaasiga Maaxi ayaa waxa uu ka codsaday Dowlada Somalia in si deg deg ah lagu siidaayo wariyahaa xukunka gardarada ah lagu heesto asagoo tilmaamay in codsiga ah in wariyaha la sii daayo uu u gudbin doono Waaxda Garsoorka Dowlada Somalia.

maaxi

“Madaxda & Mas”uuliyiinta Hey’addaha Garsoorka waxaa ka codsanayaa anigoo ku hadlaya Magaca Xisbiga SSUP iyo kan Shacabka Soomaaliyeed in si deg deg ah loo sii daayo Wariye Abdiaziz Koronto”

“Waxaan codsaneynaa mar kale in dib ha loo siiyo Xuriyadiisa Wariye Abdiaziz Koronto”

Isku soo wada duub Warsaxaafadeedka Bilaha ah ee Xisbiga SSUP ayuu Gudoomiye Yassin Maaxi Mo’allin waxa uu kaga hadlay gabi ahaantiisaba Xariga Wariye Abdiaziz Koronto asagoo codsaday in dib loo siiyo Xurayadiisa Wariyaha waxuuna ku tilmaamay in aysan cadaalad aheyn Xukunka Wariyaha lagu riday.

War-saxaafadeed.
XISBIGA SSUP:

 

Inta Jeer ee la Aqrisatay : 3175
Balcad Media Network
Email : balcad@live.com

Leave a Reply